Kumanaan Shacabka Hargeysa Ku Dhaqan Oo Dhigay Dibadbax Ay Ku Diidan-yihiin Go’aankii Ingiriisku Ku Dhaliilay Amaanka Dalka Iyo Madaxweynaha Oo Kala Qayb-galay

 



Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii ...... .......


Hargeysa (TNN)- Dadwaynaha Magaalada Hargeysa ayaa saaka subaxdii isugu soo baxay jidadka waaweyn ee caasimada, iyagga oo sitay calanka qaranka Somaliland iyo weliba boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihiin weedho lagu taageerayo madax-banaanida iyo xasiloonida ka jirta Somaliland.

Dadwaynahan oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, haween, ganacsatada kala duwan ee caasimada iyo weliba dad kale oo aad u fara badan, ayaa waxay subaxdii hore ee saaka isugu yimaadeen albaabka hore ee aqalka baarlamaanka Somaliland oo uu maanta khudbad sanadeedkiisii ka jeedinayey Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dadwaynaha ayaa dhigay dibad-bax salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku ku sheegay in nabadgalyada Somaliland liidato, waxayna ku dhawaaqeen weedho ay ku amaanayaan Somaliland iyo jiritaankeeda, sidoo kalena waxay eedaymo u jeediyeen Dawladda Ingiriiska oo ay sheegeen inay ka soo horjeedo Madax-banaanida Somaliland.

Dadwaynaha mudahaaradayey, ayaa sida sawirada ka muuqata sitay boodhadh ay ku qornaayeen weedho ay ka mid yihiin “Somaliland waa Qaran Nabdoon”

Dibad-baxan, ayaa waxa sidoo kale ka qayb-qaadanayey masuuliyiinta dawladda Somalila nd, sida Wasiirrada, shir-guddoonka baarlamaanka, iyadda oo markii Madaxwayne Siilaan yo uu khudbad-sanadeedkiisa uu jeediyay uu dadwaynaha kala qayb-galay dibad-baxan, isaga oo Madaxwaynuhu ka lugeeyay aqalka baarlamaanka, isaga oo lug ku gaadhay dhak htarka weyn ee caasimada oo markii dambe uu ka raacay gaadiidkiisiisa gaarka.




Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland