Kumuu ahaa Marxuum
Cabdi Xasan Buuni?


Alle ha unaxariisto Janadii Fardawsa ha geeyo IIlkana Neecaw Udgoon ha uga dhige waxaa 2juun ku geeriyooday Magaalada London Wasiirkii Golaya asha Somaliland Marxuum Cabdi Xasan Buuni geeridaa soo naxdin iyo  wala ac ku beertay Shacbiga iyo Dawlada Somaliland oo Marxuumku u hibeeyey Naftiisa iyo Garaadkiisa…

Hadaan Tisqaadno ayaamihii Sooyaal ee Marxuum Cabdi Xasan Buuni Sada ro kuma soo uruin karno balse aan Raadraacno Ayaamihii tagay iyo Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni

19/12/1935 ayuu ku dhashay Magaalada Boorama ee gobolka Awdal
1946 waxaa uu Dugsiga hoose kaga baxay Magaalada Boorama
1948 waxaa uu dhameeyey Dugsiga dhexe ee Sheikh ee Magaalada Sheikh
1953 waxaa uu koorso Maamulka iyo Maareynta ku soo qaatay Magaalada Caddan

1954-1956 waxaa uu kamid ahaa ciidamadii ingiriiska Somaliland Scots
1957-1958 waxaa uu ahaa isu duwaha Xafiiska Maamulka ee Deegaamada Aware, Hawd&.Reserve area.

15/11/1958 waxaa uu Xisaabiye Guud ka noqday Magaalada Hargeisa
1960 waxaa uu ku biiray Baarlamaankii uhoreeyey ee Somaliland
1july 1960 waxaa uu noqday Ra, iisuwasaare ku xigeenkii Somalia
1964 waxaa dib loogu doortay inuu ka mid noqdo Aqalka Baarlamaanka
1969 waxaa uu noqday Madax Mashruucii Golweyn ee muuska ee Shabeelada Hoose Ka dib markii uu dhacay Afgambigii Military wuu ka Fariistay Siyaasada.

1982-1984 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Sameynta Qalabka Beeraha ee (AITCO)
1985-1990 waxaa uu ahaa Madaxii Shirkadii Kaluumaysiga ee AFCO
Waxii ka danbeeyey Burburkii Somalia waxaa uu kaalin mugleh ku lahaa Nabadeynta iyo Hormarinta Maslaxada Umada isagoo 1995-1997 ahaa Lagudoomiyaha Gudigii Nabadeynta ee Somaliland.

2003 waxaa uu noqday Wasiirka Golayaasha jamhuuriyada Somaliland Xilkaa oo uu hayey ilaa tii Alle uga timaado.

Alle ha unaxariiste waxaa uu ahaa Marxuum Cabdi Xasan Buuni qof  Shakh siyad wanaagsan leh markastana utaagan Maslaxada Ummada, waxaa uu ka hormarin jiray danihiisa gaarka ah, waxaa uu ahaa qof u taagan  udeeg ida Bulshada ahaato mid Qofeed ama Ummadeed sida aan ka soo xigtay Prof: Najiib Sh. C/kariim oo ay saaxiibo ahaayeen mudo dheer waxaa kaloo lagu tilmaami jiray nin Nabadeed isagoo Mucaarad iyo Muxaafadba si guud ugala hadli jiray danaha guud ee Shacbiga badnaa waxaa uu kulamu la qaadan jiray Habeenada Khamiista, waxaa uu ahaa qof yaraantiisii wax isasoo baray ilaa uu gaaray in ninkii madaxa ka ahaa Dugsiga Camuud uu eryo taasina ma hakin damaciisii Waxbarasho waxaa uu go,aansaday inuu Waxbarasho udoonto Magaalada Burco lugna uga soo ambabaxay Boorama taasoo ka yaabisay ninkii heystay Camuud kadibna uga daba yimid Duleedka Gorayo-Cawl kuna soo qaaday Gaadhigiisii ilaa Hargeysa.sida uu iishegay Mudane Daahir Goodaad oo kamid ah saaxiibada udhawaa Marxuumka kana mid ah Golaha Guurtida Somaliland.

Marxuumku waxaa uu ahaa Nin Dhanka Ganacsiga hal abuur uleh, waxaa uu ka Unkay Duleedka Magaalada Muqdisho Hotelkii Caanka ahaa ee Buuni Hotel, waxaa kaloo uu kulahaa magaalada Boorama Hotelka Caanka ah ee Faras Magaalaha ku yaal ee Harawo Hotel oo dhismihiisu ahaa 1962
Shakhsiyadii Cabdi Xasan Buuni waa mid aan dheehday dhawaan mar aan hawlo ka yeeshay, Ina xasuusisay hawl karnimadiisii iyo Hagar la,aantiisa…


Alle ha unaxariisto Ehelkii iyo Shacbiga iyo Dawlada Somaliland Samir iyo Iimaan ha kasiiyo…….aamiin……..aamiin………aamiin.


F.G: Mahadi ha ka gaadhe waxaa igu Gacansiiyey Xogsooyaaleedka Marxuu mka Mudane Xussen Caynaan oo ahaa Saaxiib iyo Rafiiq aad ugu dhawaa Marxuumka Talo wadaagna ay ahaayeen.
 

 

 

W.D: C/raxmaan Zaylaci Sh. Maxamud
Hargeysa…Somaliland