KUTUB XOOROW WASIIR SAMAALE WAXAAN KUGU DIIDEY MUNAAFAQADDA!!!

 

 

Waxa dadka ugu mudan nin diinta yaqaan kuna camal fala, nin Alle ka cabsada oon madaxa cid kale u forarin, nin daacadnimo iyo inta karankiisa ah xilka u guta. WAxa taas barbar taal oo xu maan oo dhan isku fuuqsatay ninka diinta u adeegsada inuu cid ku xumeeyo, inuu kolba tafsiir hore leh mariyo iyo inuu adduun iyo mansab siisto diintiisa iyo maqaamkuu ku lahaa.

Haddaba waa maxay munaafaaqddu calamadaha leynoo sheegay waxay yihiin qofka kolka uu k u u sheekeeyo beenta sheega, kofka kolkaad aaminto ku khiyaameeya, qofka balanka aan fulin. Intaas ayaan kugu cabiray Wasiir, waxanan soo qadan doonaa dhacdo fudud oo ma aadaayo qaar aad u culus oon markhatigeed hayo, waayo waan kuu tudhyaa qofka walaalka ahna hadd aad wax ka sheegi waa loo tudha waa intaas oo uu toobad keena. Waxaan wax kaga sheegaya waa nasteexo haddii Alle ku garansiinaayo. Kolan cadaawad shakhsi kuuma hayo.

WAxuu ahaa sheekh la dhegeysato, waxuu ahaa imaam. Wuu tuuray oo waxuu galay siyaasad ma xumo ee waa amuur haboon oo fican waxa se qaldan sida uu u galay. Waxuu noqday nin aa n xalaal iyo xaraan midna u joojin. Nin ninka uu diidan yahay u soo qaata suuratul Yuusuf iyo Fircoon, waa ayaan darro tii ugu weyneyd inaad ruux islaam ah diinta ka saarto adoo ujeeda inaad ku xumeyso oo weliba og beenta aad sheegeysa inta ay leegtahay.

Waxa ii waramay nin reer London ah oo joogay shir uu Samaale ugu qabtay beeshiisa. Waxuu isagoo dareenka kicinaaya intan uu soo xushay oo weliba ay joogaan dad aan Sacad Muse aha yn bal se jibadu baal martay. Seddex walle ayuu ku dhartay inuu Madaxweynaha la dooranaya a yahay nin Sacad Muuse. "Wallaahi ninka Siilanyo ka dambeeya waa nin Sacad Muuse ah..waa aniga amba waa Muuse BIixi. Walaalo ayaanu nahay kaayaga helaaba waa kii kale..."
Bal u fiirso gafka halkaas ku jira iyo nifaaqa halka laga gaadhay. Taas waxa xigtay rag uu sala anta ka qaadi waayey isla goobtii isagoo u arkaayey inay yihiin garabka Muuse..waa isla halkii uu dharta ku maray inay yihiin rag walaalo ah oon colaadi ka dhaxayn.

Bal haddana dhan kale ka eeg. WAxuu isla goobtaas ka yidhi. Tartanka aniga iyo Muuse waa mi d u taala Xisbiga, mana aha mid beesha ah. Haddaba waxa la yaab ah maxuu beesha u shiriyey maxuu lacagta ummadda ugu tagrifalaya beesha dhaxdeeda haddayna khusaynba maxaa ware erinaaya ee uu qashinka usha uu sito ugu walaaqayaa. Maxuu u wasakheynaya magaca beesh a haddayna khusanyba. Taas waxa ka daran inta uu isaga oo wasiir tun weyn ah, maxaa keney inuu shir gaar ah oon wafdigii kale ee 18 May joogin ula galaya Sacad muuse. Isla wafdigaas iy agoo dhan waxa casuumay beelaha Bariga Burco iyo Reer Awdal manayna kala reebin isna goo b joog ayuu ka ahaa. Tan sacad muuse oo uu waliba isagu khrashka bixiyey wafdiga kale looma yeedhin. Hadda waa ninka sidaas siyaasadiisu u qaawantay oon kala lahayn madax iyo minjo.

WAxa uu leeyahay xisbiga ayey u taal. Shirkana waxuu u qabtay beeshiisa, lamuu shirin xisbiga kulmiye ee UK. Labadaas meyey is qabtaan iyana soo ma aha nifaaq kale iyo been maluuqan. WAxuu adduun iyo waqtiba ku bixiyey oo maamulkii wasaaraddu ku dumay walaaqa beesha wa xuuna leeyahy arrintani beesha uma taal.

Waxa uu soo dhoweyey nin kasta oo afminsharnimo ku caan ah si uu dacaayad ugu furo Muuse . Sacad Muuse wuu is yaqaan ee yaa Samaale horboodaaya. Magacaabimaayo ee Sacad Muuso w u fiirsada ragga hareero taagan oo garta noova ay ihiin. Waa ragga aan la gaban ee ku odh naaya lacag ayuu na siiyey, ee na daaya illeyn waxba tarimeynee.

Aan ku noqdo Shirkii London ee Samaale. Waxa joogay niman aah Sacad Muuse ahayn oo aha labda TV ee Somali Channel iyo nin loo keynsaday inuu heeso. Haddana inta la diiday inay duub an iyo inuu heeso ayaan haddana la odhan naga taga. Shirka in badan ayaye joogeyn kolkii ay xamili kariwaayeyn qabyaalad, faanka iyo beenta Wadaadku uu xadiis iyo quraanba raaciey ay ey ka dareereen.

Ninka seddex walle ku maray in Sacad Muuse madaxweynaha heliyaan miyaa loo soo waxyood ay..Samaalow dhaartu miyeyna ahyn wax weyn, iyana ma qiil ayaad u haysata oo Wallaahi waa kaa ciyaar.

Madaxweyne waan kuu duceeya in Alle ku tuso sida maalkii danyarta loogu duminaayo midnima da qaranka, Samaalow waan kuu duceynaya maanta oo shakhsi ahaan kuuma necbi waligeyna waxba qof ahaan imad geysan, ee Alle ha is waafajiyo aqoontaada diineed iyo camalkaaga. Iskana jir kuwa sacbka beenta kuu tumaya eed adduunka siiso dabadaadana kaa xanta. Ha aa minin afmiinshaar iyo tuuga kaa qosliya kolka uu kaa tagana ku caaya.
 


Cabdi Xaji Axmed
Hargeysawi@ymail.com