“Kuwa Leh Dawlado shisheeye ayaa Somaliland cunaqabatayn ku soo rogaya waa Cadow”

 


 

Hargeysa (TNN):- Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiill ada ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in xubno ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga yihiin qaar cadaw ku ah qarannimada iyo isku duubnida dalka Somaliland.

Md. Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray xalay oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Somaliland.Org waxa uu si kulul ugu naqdiy ey hadalka ka soo baxay labada xubnood ee ka tirsan Madasha Wada-tashiga oo uu tilmaam ay inay yihiin qaar cadaw ku ah qarannimada Somaliland, isla markaana dayaacado raqiis ah ka fidiya madaxda dalka.

“Waa bil Ramadaan…Waa maalmihii cibaadada lagu gaar ahaan jirey, waxaase I soo kiciyey oo igu kellifey inaan saxaafadda kala hadlo dadweyneheena sharafta leh ee sooman waxay tahay calool-xumo dhawr habeen igu bariday oo aan ka qaaday hadalo deelqaaf ah oo si sh arci-darro ah, dhaqanxumo ah, dadnimo xumo ah, iimaan xumona ah loogula dul dhacay Qara nka iyo madaxda Jamhuuriyaddeena Somaliland,” ayuu xildhibaanku ku bilaabay warsaxaafad eedkiisa, isagoo intaas raaciyey; “Waxaan ku arkay saxaafadda war ku saabsan laba qof oo ‘qurbe-ku-raag’ ah oo sheegatay inay dalal shisheeye u dacwoodeen iyagoo, siday sheegte ena, ashkateeyey [dacweeyey] dawladda iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo, xitaa, dad r ayid ahba. Waxay tiriyeen dad isku beel ah oo Madaxda Somaliland ka mid ah!…Waxay isku soo sawireen iyagoo gabdho caddaan ah [oo aan madaxdii la yaqaaney ahayn] isku soo boo daya, oo garab-garabka ugu xoqaya, oo kaga qoslinaya….Ogow waa maalin ramadaan, ficil ada qaarkoodna ma bannaana…Ma bannaana in been la dhoobdhoobo oo laga dhigto borobo gaande….La yaabi maayo oo beryahan dhaqan bay noqotay in war laga dhigto cayda iyo be enta…In ninba ninka uu ka hadal xunyahay TV-yada la soo fadhiisiyo oo ‘waqiga lagu buux sado’…Waxayse inamadani moogyihiin dadka ay la hadlayaan iyo kuwa ay ka hadlayaanba inay ku jiraan aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin oo aan shugux-shugux lagu didin karin, loona afmiishaarayn karin.

Sidoo kale, waxaanay ogeyn in shacabku ka daalay, kana ilbaxay, ‘turufatoorenimada’ ay di bed-joogga qaarkii hore ugu macaasheen ee aan dhaafsiisnayn caddaan-isla-sawirka, fayl-madhan-la-humbaaleynta, ma-i-daawateenta hablaha iyo i-arkaay i-maqlaayda muuqaalka guud ah. Anigu ma tegin qurbaha laga sheekeeyo [umana baahni], balse war aan dheegtey waxaan ku hayaa ragga buurbuuran ee hadalka badan ee TVyada soo fadhiya, inta badanna Ingiriiska ka soo hadlaa, inay u badanyihiin digdiglayaal aan shaqaba tegin, qoysaskoodii ga bay, iskana xafladeeya. Ma garanayo halka ay kooxdani kaga jiraan nolosha iyo dhaqdhaqaa qa dadkeena ee qurbaha, iyo bal inay kuwaas aan soo sheegay oo kale yihiin, balse waxaa marag madoon ah inay ahaayeen rag aan war badan hayn, danna ka lahayn qaranka iyo bis ha barakaysan midnaba. Marka koowaad, qarankan dhibaatadiisa dad ka damqanaya maaha, dad ehel iyo casabad xeerinayana maaha waayo cunaqabataynta beenta ah ee ay sheegte en haddii ay dhici lahayd ma cid bay gaar ula xawaarayn lahayd, miyaanay dadka wada gaa dheen,” ayuu yidhi Md. Siciid Maxamed Cilmi.

Waxaannu intaas ku daray; “Nimankaas ku baanaya inay Ingiriiska ka baryayaan in la cunaq abateeyo Somaliland miyaanay hooyadood, aabohood, walaaladood iyo wasiirtoodba wada saamayseen. Haddii ay ‘gaag-ma-reeba’da ay Alle inooga baryeen dhici lahayd xaggee ayay eheladooda kaga badbaadin lahaayeen ibtilada ka dhalata. Miyaanuu kun jeer ka caqli badn ayn ninkii geeljiraha ahaa ee hees hawleedka kula hadlay wiilkii geela la joogey ee, sidan oo kale, beeshiisii u saadiyey in abaari dhacdo oo dhulkaba baad iyo biyo laga waayo. Waakii wiilka ku lahaa isagoo tilmaamaya ceelasha ‘Herer’ iyo ‘Halleeya’ oo Hargeysa ku yaalley:

Haduu ‘Herer’ dumo,
‘Halleeyana’ gudho,
uu hadhyare-qudhac
hoosta ka engago,
ooy hareerida
hablo diirtaan,
oo higlada bari
libaaxu hadhgalo,
adaa hoogaye,
xageed hadh u dayan.”

Waxa kaloo Md. Siciid Maxamed Cilmi tilmaamay in masuuliyiinta xubnaasi aflagaadeeyey ka soo wada jeedaan hal degaan oo qudha, waxaannu yidhi; “Marka labaad, liiska madaxda ay aflagaadeynayeen markii aan eegay waxaa iiga dhadhamay dhosog halis ku ah wada noolaa nshaha shacabkeena. Waxay bartilmaameedsadeen madax reer Somaliland ah oo hal degaan ka soo wada jeedda!!! Waxaa muuqata in la doonayo in la sameeyo dacaayad lagu kala dilo bulshadeena ka soo doogtey colaado sokeeye oo beelaysan. Waa aragti gaaban oo ku gaar ah raggan qurbajoogga ah. Waa mid ay ka koreen kana soo waayo-arkeen shacabkeenu. Waxaan leeyahay ‘habaarkiinu hareeraha’. Ilaahay kama dhigi doono dhagarta aad la jecele ysateen dalka, dadka iyo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland.

Ummadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in aan dheg loo jalaqsiin sheeko-xumada iyo bo robogaandaha beenta ah ee qurbojoogga qaarkii, waxaana ilaahay inooga baryayaa in Soon keenu noqdo kii la inaga aqbalo, la inooguna dembi dhaafo.”

Source: Somaliland.Org