LA DAGAALANKA FICILKA GUNIMADA AH HA LOO GUNTADO CALI SAMATARNA HA LA DAAYO AMA RAGA HALAWADA XUKUMO

 

Qadiyada shacbiga karaamada leh ee gabooyuhu waa mid u baahan caqli caafimaad  qab aa inuu u garaabo maadaama ay guyaal badan ku noolaayeen cadaalad daro iyo dulmi badan.

Gunimada soomalida ee ku baahday geeska afrika ayaa haboon in lala dagaalamo loona tilmaamo gafka badheedhka ah ee ay kula kacayaan dadka ka aqoonta badan ee  karaa mada BADAN .

Waa run in gabooyuhu ay yihiin umada SOOMALIYA ugu caqliga badan uguna wadanisan.
Hadaanay labaa ahayne bari hore ayaa quruskooda goosan lahaayeen oo loo dhigi lahaa banaanka .

Waxase dhaawacday laxajeclada ay dalkooda u lee yihiin iyo inay diideen inay cid la  daga alamaan.Waxa dhaawacaday diidmada ay diideen inay dadka dhiigooda cabaan sida  soo malida kale samayso ee maalin walba aad arkayso aanooniyin qabiil iyo aargoosi isdaba socda.

Waxa xaqiiqa in ninka dulmiga iyo xaq darada naftiisa ka dheereeyaa aanu ku dhex  noola an karin soomali gudaheeda.Dadkan ilaahay karaamada siiyay ee ay ka dhasheen rag  ku wii soomali ugu wadanisanaa oo uu ka mid ahaa alaa yarxamuh abwaan XUSEEN AW  FAA RAX oo loo yaqaan abwaanka abwaanada.

Waa dhab in ninka wanaagsani uu soomali ka mutaysto xumaan ,waana xaqiiq in ninka  ba adilka ku sifooba loo yaqaan geesi.Bal u fiirso maanta waxa socda boqolaal nin oo dhiigyo caba ayaa la amaanaa laguna sheegaa inuu yahay NINKA REERKA LAGA TILMAAMO.

Waxa kaliya ee lagu amaanayaa waa dil iyo dhiig islaam oo uu gacantiisa ku galay.Waa  du lmigii iyo xaq daradii oo magac iyo qurux loo samaynaayo .Ta ay beelaha gabooyuhu iska diideena waa falalka noocan oo kale ah.

Kaaga darane hal nin oo dawladii siyaad bare iyo kacaankii ku jiray oo ka soo jeeda  bee sha Gabooye lana yidhaahdo MAXAMED CALI SAMATAR ayaa Soomaali waxay saraakiil lahayd iyo dhiigyo cab waxay soomalilahayd kaligii laga TILMAANSADAY.

Waxa ay leeyihiin maxkamad ayaanu saarayna waa koow maxkamad ayaa saaraysaan
oo kuwa dalka ka taliya ee madaxwayne iyo wasiir iyo maayor iyo ganacasde iyo sarkaal iyo askari leh ee somaliland iyo somaliya iyo puntland yaacaya miyaanay ayagu danbi lah ayn.

Ma kaliya waxa inoo muuqada danbiga ninka Gabooye galay[ waar sidani cadaalad maaha xaqna maaha caqli qof wayni ku hadlana maaha.
Waa runteed ALFANAANA SAADO CALI WARSAME IN aan hal nin si gaara farta loogu fiiqin
waar soomaaliyay ficilkan gunimada joojiya ee ninka danbiga iyo xasarada diiday aad dulm iyaysaan.

Waxaan leeyahay shacabka somaliland xaq daradan au afarta nin wadaan ee ay rabaan inay cali samatar lagu qaado maxkamad ku sheega ee kuwii ayagau wax dulmiyay ay dhin acaaga fadhiyaan [ waa arin maalin eebe kaala xisaab tami doono]
alaahu maa balaqtu imikaba ogaanteed lahaada

Somaliland oo aan u arko inay tahay meelaha ugu horumarka fiican dhinaca xuquuqul aa damaha oo ka horaysa wadamo badan oo geeska africa ku yaal,waxaan u arkaa in ay ka soo bixi karto guul la taban karo oo shacbigan karaamada leh lagu waajaho looguna garaabo.


Waxa in badan kifaax wayn galay shacbi badan oo abwaano iyo waxgarad ku jiraan oo  m arkasta umada u horseedaayay in la cidhib tiro DHAQANKAN GUNIMADA AH ee lagula  kac aayo umad gaara.

TALO KU WAAJAHAN DULMIGAN

Waa in mag dhaw la siiyaa shacbiga karaamada leh ayadoo laga duulaayo dhibkii ay  muda da badan ku noolaayeen.Waa in dawlada somaliland iyo axsaabta qaranka ee kale ay  qa diyadan si deg dega uga qaataan SHIR WAYNE ay ku lafa guraan sidii umadan loo xaq  ma rin lahaa.Waa in sharci dawliya oo ka hirgala dalka laga soo saaro CIDHIB TIRKA FICILKA GUNIMADA AH.

Waxa kaloo muhiima in budget joogto ah oo sanadkiiba hirgala laga hirgaliyaa somaliland kaas oo u gaara SHACABKA KARAAMADA LEH EE GABOOYAHA.

Bulshada Somaliland

Ninkii aan is indho tirayn waa arkayaa in umadani dulmi gaara dhexdeena ku qabaan Dulmi gana waxa wadaa waa shacbiga , waana mid diiniyan aan banaanayn.AAkhiro waa la is w aydiinayaa waxa aad u dulmiyayso nin walaalkaa ah ILAAHAY subxaanuhu watacalaa  ay aa diinta ku cadeeyay oo yidhi
[ WAXAAN NAFTAYDA KA XARIMAY DULMIGA EE HAYS DULMIYINA] INII XARAMTU DULMA CALAA NAFSII FALAA TADAALAMUU ,,, aw kamaa qaala.

Marka mar hadii ilaahay sxw oo aan cidi xisaabinayn uu naftiisa ka xarimay dulmiga bal maxaad filanaysaa adoo adoon yaroo daciifa OO KU GAFAAYA NIN MUSLIMA.Dulmigan  ma aha mid la iska dhaafaayo, mana aha mid qof kaliya lagu qaadayo,waa dulmi aynu  dham aan danbigiisa wada leenahay.


WAAYO xumaanta agtaada ka socota wax ka qabo ayaa waajib kugu ah Kaliya maaha ka gafka iyo xumaanta wada in lala xisaabtamaayo gidgeen shoolada ayaynu wada saaran ahay AAKHIRA WAA LA IS WAYDIINAYAA.

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London UK