LA DAGAALANKA QABYAALADU MA AHA WAAJIB KOOXEED

 

Hamud Duale
 


Qolo Qololadan loo degey kama dhallan dad weynaha, daadhiyaashiyo maamulkay ku duran yih iin by Maxamed Xaashi Dhamac (Gariye).


Afeef: Mudadii ay dawlada KULMIYE dhagax dhiga weydey , anna Facebook ayaan dhagaxyo dhigayey

Marka hore salaan dhammaan akhristayaasha iyo qorayaasha ku bahoobey, baraha internet-ka. Muddo, ayaan ka maqnaa goobaha baraha internet-ka oo aan gabayadayda ku googeyn ji rey. Mudadaa waxaan ku maqnaa facebook oo waxaan la hooryaaleysanayey dhallinyaro qolo u kala degen, oo abnimo u kala fadhida, iyo waayeel hab beeleed, xusbi loo hawanayo, ku mur maya.

Dhankasta waan u ridey, la isma dhegeysto, waxaad moodaa mafrashaydii siyaasada qabyaal ada lagu barbarin jirey ee salhdigay u ahaa. Allay leh haddii laga tegi waayo , tiro kooban oo dhallinyara ah oo aqoon iyo garaad ba kuu kordhinayaa way joogaan. Isku soo xooriyoo xaalk aygii dhagax dhiga goobaha Facebook iyo dhagax dhiga dawlada ee gobalada iyo caasimaduh u, wuxuu noqday “dhig oo ka dhaqaaq.”

Waxba ayaanan hibatayn dhagax dhigiiye, aan u soo daadego, dulacada aan qalinka u qaatay ee aan halkan dib ugu soo laabtay.

Waxaan xalay TV-ga ka dhegeystey urur cusub oo la fooladaynayo, oo la yidhi waajibaadkiisu waa in uu dadweynaha qabyaalada ka daweeyo, uga duceeyo oo ka cuudiyo. Hawraarsan, ma rka hore waan hanbalyaynayaa, ujeedada wanaagsan ee ay uunka maqashiiyeen. Waa sidaan rabey. Marka xiga waxaan isweydiinayaa ururkan ku soo boodada ah, ma waxyaa ku soo deg ey, oo xagga samada ayaa magaciisa lagaga dhawaaqay? Hadaladooda badankoodu iguma cu sbayn oo qaabyaalada ayay eedo xanbaarinayeen oo cabasho ka muujiyeen, waana sidaan ra bey. Weligeeba ma arag qof somaliya oo aan qabyaalada eedayney, haddana waa lagu wada dhaqmayaa. Waxaan aaminsanahay in aan la dagaalanka qabyaaladu waajib urur ahayn, ee ay tahay waajib qofeed sidii Gariye oo kale, haddii laga tegi waayana ay tahay waajib maamul qaran.

Dooday ururka ma ah. Waa waajibaaka ay sheegteen, hadday iskood isku xil qaameen oo jeeb kooda, muraqooda iyo masgaxdooda ka soo go’aday iyo haddii ay gacan ku rimis iyo lab la kac a yihiinba.
 


Qaybta koowaad.