Labada Garab Ee Xisbiga UDUB Oo Khilaafkoodu Gaadhay In Aanay Madal Wada Fadhiisan, Garab Ka Mid Ahina Ka Baxay Xafladii UCID Markii Garabkii Kale Soo Galay.

 

 



waxa ay khilaafka UDUB dhinac iska matalayaan Khilaafkii... Daawo Sawiradda Garab Ka Mid Ah UDUB oo lagu maslaxayo in ay xaflaada ku soo laabtaan


Hargeysa (TNN) - Khilaafka ka dhaxeeya labada garab ee uu u kala jabay Xisbiga UDUB oo si weyn dibeda ugu soo baxay ka dib markii maalintii shalay Golaha dhexe ee uu hogaaminayey Axmed Yuusuf Yaasiin Musharaxa Madaxweynaha Xisbigaasi u doorteen Jamaal Cali Xuseen, ka dibna Cali Warancadde iyo garab uu hogaaminayaana shirkii lagu dooranayey Jamaal Cali Xuseen ka soo xaadiri waayeen oo ay ku tilmaameen Doorashadaasi mid sharci darro ah ayaa waxa maanta xafladii Shirweynihii Xisbiga UCID iska baxay Jamaal Cali Xuseen iyo koox uu hogaaminayo, ka dib markii uu soo galeen Cali Warancadde, Siciid Sulub iyo koox ay hogaaminayaan.

Jamaal Cali Xuseen iyo kooxda uu hogaaminayo oo fadhiyey Madasha dadweynaha markii hore ayaa waxa markii dambe soo galay Cali Warancadde iyo Siciid Sulub oo madasha si weyn loogu kacay, isla markaana la fadhiisiyey madasha Masuuliyiinta, waxaana markii dambe laga codsaday Jamaal Cali Xuseen in uu soo fadhiisto madashaasi, balse wuu diiday isaga oo inyar ka dibna ka baxay Madashii, isku day badan oo ay dadkii madasha joogay isku dayeen in ay ku soo celiyaan madasha ayaanay suurto gelin, isaga oo Jamaal sheegay in uu Geeri tagayo.

Si kastaba ahaatee waxa ay khilaafka UDUB dhinac iska matalayaan Khilaafkii soo kala dhex galay Masuuliyiintii UCID ee markii dambe u kala jabay ilaa Ururo oo ay isla galeen Maxkamada, taasi oo ay iska matalaan dhinaca tagista Xafladaha oo barigii hore marka labada garab ee UCID marka Xafladaha lagu casuumo ee uu midkood ka war helo in uu midkii kale joogay ka kale aanu ka soo xaadiri jirin.

Sawirkan Hoose waxa uu ka turjumayaa Cali Warancadde iyo Siciid Sulub oo meeshii Masuuliyiinta loogu talo galay Fadhiya

Sawirkan kalena Jamaal Cali Xuseen iyo Kooxdiisa oo madashii Shacabka kale loogu talo galay fadhiya Xafladii UCID

 

 


Sacad Muse Cabdi
Timacade News Desk
Hargeysa/ Somaliland