Sidee Ayuu U Dhacay Kulankii Labada Madaxweyne Ee Soma liland Iyo Somaaliya, Muqaalkii Kulanka Iyo Dareenkii Labada Dhinac

 



Kulankan labada dhinac oo ahaa kii ugu horeeyay ee heer Madaxweyne ah, waxaa goob joog ka ahaa wufuudii labada dhinac ka ..... Daawo Sawiradda


Ankara (TNN)- Labada Madaxweyne Ee Somaliland iyo Somaaliya, ayaa yeeshay kulankoodi ugu horeeyay Shirkii ay Somaliland iyo Somaaliya ku lahaayeen dalka Turkey-ga ayaa waxa uu goordhaweyd ka furmay xafiiska Raysal Wasaaraha dalka Turkiga oo ku yaala Magaaladda Ankara.

Shirkan ayaa la sheegayaa inuu ku bilaabay jawi degan, inkasta oo weriyayaasha iyo Saxaafaddu dibadda ka joogeen.
.
Kulankan labada dhinac oo ahaa kii ugu horeeyay ee heer Madaxweyne ah, waxaa goob joog ka ahaa wufuudii labada dhinac ka kala socotay, kuwaas oo isku qaabilay xafiiska Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkey-ga, ka hor intaanu kulanku bilaabmin.

sida ay sheegayaan wararka aanu ka heayno xarunta uu shirku ka socdo ayaa waxaa la filayaa in labada Madaxweyne Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay si gaar ah u kulmi doonaan ka dib kulankan guud ee furmayaa.
shir11
Waxaana intaas dheer oo la sheegayaa in caawa maqribka laga soo saarayo war-martiyeed ku saabsan waxyaabihii shirkan lagaga wada hadlay maanta.

kulankan oo hadd uun furmay ayaa waxa la sheegayaa in weftiyadani la kulmi doonaan waqtiga qadada ee dalkaasi ka dib Madaxweynaha dalka Turkiga Cabdalle Guul.
.
Waxii warar ah ee ka soo baxa shirkan iyo guud ahaan wadahadalka labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland uga socda Turkey-ga kala soco Shabakada Calamiga ah Ee Gabiley News

 



Timacade News Desk
Ankara,Turkey