WAR SAXAAFADEED

 


Mudane, Annagoo tixraacayna warqadaada summadeedu ahayd  JSL/M/ XISMD-001/082009, waxaad naga guddoontaa salaam sharaf leh.

Marxalada siyaasadeed ee qalafsan ee dalkeenu maanta maraayo, waxa anu aaminsanahay in adiga iyo xubno ka mid ah Komishanka  doorashoo y inka Qaranku aad mas’uuliyadeeda leedihiin:-


1.Ka dib markii aad ka talaabsateen sharciyadii dalka ee Qaranimada Ummaddu ku taagneyd.

2. Ka dib markii aad baalmarteen hab-dhaqankii suubanaa ee ummadda Somaliland ay ku soo caano maashay ee ahayd wada hadal, wada tashi iyo isutanaasul .

3. Ka dib markii aad waxba kama jiraan ka dhigteen diiwaangelintii codbixiyayaasha, taasoo dedaal iyo dhaqaale mug leh kaga baxay ummaddeena iyo bulshada caalamka ee daneeya geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland, iyadoo laf dhabar u ah doorasho Xor iyo Xalaal ah.

4. Ka dib markii aad dhaawacdeen xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee aynu la lahayn bulshada caalamka, rajada ictiraafkeenana waxtarka u lahayd.

Sidaas darteed, iyagoo labada Xisbi (UCID iyo KULMIYE) mabaadii’dooda aasaasiga ah ay saldhig u tahay wada-hadal iyo wada-tashi in lagu  dha mmeeyo khilaaf kastoo jira, marar badana muujiyeen dulqaad  siyaasa deed iyo tanaasul, haddana, aaminsan inay waajib tahay in si dhab ah loogu fekero danta guud ee dalka, labada Xisbi waxay soo  dhaweynay aan wada-hadalka iyo wada-tashiga aad soo jeedisay.


Mudane Madaxweyne, Waxaanu si sharaf leh kaaga codsanaynaa inaad marka hore ku soo noqotid xayndaabkii sharciyadeed, kana noqotid  go’ aankii aad adiga iyo xubno ka mid ah Komishanku keligiin ku laasheen  na tiijadii diiwaangelinta codbixiyayaasha, aqbashidna go’aankii Golaha  xe er-dejinta (Wakiillada), ka dibna laysugu yimaado wada-tashi.