Labadda Urur Siyaasadeed Ee Jamhuuriga Iyo Rays Oo Isku Biirey, Noqdeyna Isku Hal Urur Siyaasadeed

 



Madashan ayaa waxa hadallo ka soo jeediyay Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Jamhuuriga Mu dane Cismaan Xasan Mire iyo Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ..


Hargeysa (TNN)- Labadda urur siyaasadeed ee JAMHUURIGA iyo RAYS, ayaa maanta isku biirey, waxana ay sheegeen in labaddan urur siyaasadeed ay isku biiriyeen Cudoodii iyo taageeridood u, iyaga oo tilmaamay in maanta wixii ka danbeeya ay yihiin isku hal urur.


Sidaas waxa ay ku sheegeen Munaasibadd balaadhan oo maanta ka dhacdey Hotel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, xafladdan ayaa waxa ka soo qayb galay Gudoomiyaha urur siyaasadeed ka Jamhuuriga Mudane Cismaan Xasan Mire, Gudoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Cali ga afaadhi, iyo madax ka socota labadda urur ee Jamhuuriga iyo Rays,


Ugu horeyn waxa xafladaasi ka Hadley Muuse C/lahi Nuur, waxana uu sheegay in labaddan urur ay yihiin labaddii urur ee ugu horeeyay ee isku biira iyaga oo diwaan gashan “labaddan urur w aa labaddii urur ee ugu horeeyay iyaga oo isdiwaan galiyay isla markaana buuxiyay Shuruudihii laga rabay oo maanta midooba” ayuu yidhi Muuse C/lahi Nuur, waxana uu intaasi raaciyay “has hiiska labadda urur ku midoobeen waxa uu yimid ka dib markii hadalo iyo kulano goosgoos ay yeesheen labadda urur”.

Muuse C/lahi Nuur waxa uu carabka ku dhuftay in labadda Gudoomniye ee Rays iyo Jamhuurigu ay maanta halkan iskugu yimaadeen in ay saxeexaan Qodobaddii ay ku midoobeen “maanta oo ay taariikhdu tahay bishii 02/Febawari/2012, waxa ay labadda Gudoomiye oo ka wakiil ah taage erayaashoodda ay halkan iskugu yimaadeen in ay saxeexaan Hishaaska iyo qaodoba ay wadda galleen”.


Muuse C/lahi Nuur waxa uu si qoto dheer uga Hadley qodobadda ay ku hashiiyeen, waxana uu sheegay in qodobadda ay ku hashiiyeen ay ka mdi tahay in ay wadda noqdaan isku hal urur siy aasadeed, iyo in la sameeyo guddi farsamo kuwaas oo ka soo tallo bixinaya in ay soo dhamay stiraan wax kasta oo qabayo ah iyo magaca ka dhaxeyn doona labaddan urur Siyasaadeed.

Sidoo kale waxa iyana madashaasi ka Hadley labadda gudoomiye ee Cismaan Xasan Mire iyo Xa san Maxamed Cali Gaafaadhi, waxana sidoo kale ay saxeexeen qodobadii hashiiskoodda.





Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office