Lacag kaash ah caalamku intuu shandad ku qaado Mogadisho ma geyo
 

 



BARYAHAN ba waxa saxaafadda iyo warbaahinta lagu arkeyay culumadeena iyo siyaasintee na iyo waliba shacabkeena khilaaf kusaleysan kaalmo dawladu ku dhawaaqadey in loo fideyo dadk somalid ah ee maluushu ku habsatey ee uu caalamku ogaadey baahidooda iyo macaluus ha heysataha, hadii an sida an aaminsanahay wax idinku sheego horta ka mid beynu nahay gobolada loo soo gurmaneyo ee la doonayo in kaalmaad caalamka iyo gurmadka lala soo gaad ho sidaasu caalamkuna aqoonsan yahay in ay somalilandna ka mid tahay gobolada baahidu heyso, waxad la socotan in maamul goboleedka Puntland kaalmaadaasi caalamku bixinayo inuu maalinkaste qeybtiisa helo o Boosaaso,Gaalkaceyo iyo Garowe la keeno, waxan runtii uga socdaa Puntland kuma jirto gobolad sida ba'an ay macaluushu u heyso laakin waxay ka mid yihiin gobolad loogu talo galay in gurmadka lala soo gaadho waxaney somalidu tidhaahd NINA AN HADAL HOOYADII QADISEY, waxa hubaal ah in aynu inaguna somaliland ahaan aynu ka mid nahay dadkaasi gurmadka loo fidineyo ee baahan ee geeska afrika, LAAKIN SHEEKADEENU WAA WALEE INA HURDOO HALOODAY DANTA IWM

Inagoo caalamku ba inoo aqoonsan yahay gobolada baahida iyo macaluushu heyso ey eynu guntiga dhiisha isaga dhigney o dawladeeni inoogu baaqdey in aynu gurmadkaasi ka qeyb qaadano loo fidiyneyo geeska afrika somalidu waxay tidhaahda NINKII TISABA DARYEELA WALAALKIINA TIIRSHE, hadii Hargeysa iyo Burco lagu dhergsan yahay waxa jira runtii oo marag madoon ah islamarkan caalamku og yahay gobolo ka tirsan JSL oo macaluul iyo barakac ba ka jiro hadan farta idinku fiiqo waxa barakac iyo macaluuli ba ka jirta dagaamada xeebta waqooyi iyo gobolada Selal iyo Bariga Sanaag iyo Sool kuwaaso maanta caalamka u diiwan gaSHAN laakin an ey war u heyn dawlad somaliland taasina waa ayan daro.

Haddan in yar idin dulmaro sida caalamku kaalmada u bixiya waa si ka duwan habkan ey soma liland dooneyso in ay kaalmadii iyo qadarikii lacag ahaa ee la soo ururiyay u gudoonsineyso dawlada sheekh shariif, runtii dawladna ma bixiso lacag kaash ah oo shandad lagu sido oo nin ama wasiir loo sii dhiibo, lacag kaash ah oo la bixiyo waxaynu ognahy taa Budhcad badeedku qaadato ee madax furashada loo kala qaato. Haddii an dawlada Mareyka an si gaar u soo qaadano waxay KAALMADA ey bixineyso u dhiibta he'yado samafal ah ama Kinisado hoos yimaada maamulka dawlada, he'yadahaasi waxey ahamiyada siiyan in ey lacagtaasi wixi raashin ah ama alaab ah ee dalka Mareykan laga heli karo laga iibsado si lacagtu u gasho ama dib ugu noqoto muwaadinta ama tijaart ama beerleyda Mareykan, markaasa dib loogu soo dhoofiyaa meelihii abaaruhu ka jireen ama macaluusho, waad aragteen jawaanka Mareyku soo diro sawirka dusha kaga yaala waa calaamad Mareykan ah, waxey taasi markhaati ka tahay in raashinkaasi beerleyda USA laga soo iibiyay ama tijaarta .

Waxan hadaba u sheegayaa maamulka JSL iyo cidii ay khuseyso lacagtan la soo ururiyay in ay dalka dib ugu soo celiyan oo tijaarta iyo beerleyda JSL laga iibsada wixi raashan ah ee dalka yaala si lacagtu dib looga faa'iideysto, hadii ad taasi sameyn oo ad lacag cash ah shandad ku qaadan waxad ogaatan in lacagtaasi suuqa barkaaraha ama Islii oo kenya ah ama itoobiya dib wax looga soo iibsan doono oo ey lacagteena ka faaiideysan doona tijaarta Bakaaraha ama tijaarta Islii ee kenya. waxan odhan lahaa waar lacag kaash ah shandad ha ku qaadina ee wixi raashin dalka yaal ka iibsada.

AN usoo dhaadhaco dulucda iyo mawduca qoraalka, waxan maqlay waxa loo dhiibayaa lacagta n oo gadhwadeen ka noqoneya abwaanka weyn ee Maxamed Ibrahim Hadraawi iyo dhawr wasiir oo dawlada ka tirsan. Abwaanku sharaf iyo qadarin buu iga mudan yahay marka hore, laakin waxa mudan in la isweydiiyo Abwaan Hadraawi ma yahay shakhsi ama oday matali kara shacabk somaliland ee aaminsan qadiyad gooni isu taaga JSL, kaalmadani maaha mid ka timid reer iyo ashkhaas gaar ah, waa kaalmo magaca JSLand la dooneyo in lagu gaadhsiiyo dadkaasi ey macaluushu heyso ee hada gurmadku ku socdo, abwaanku hore ayuu si toosah iyo si dadban ba inoogu sheegay in anu aqoonsaney wax somaliland la yidhaahdo ee uu doonayo shantii somliyeed oo mar kale la arkaa, hadii dawladu jeclaatey in ay abwaanado hawshan qeyb ka noqdan maxa loogu dari waayay kuwa qadiyada aaminsan somaliland sida abwaan Hassan X A Ganey, Aden Tarabi, Axmed S Bide ama Dacar iwm.

Kaalmadani waxey ku haboontahay sida uu caalamku ba ugu gudbiyo dadka baahan in ey gad hwadeen ka noqdan culumadu ama heydaha samafalku ee JSl sidaasey ku qurux badan tahay in loo gaadhsiiyo dadkaasi baahan mar hadii la ogaansaday in la bixiyo.

Waxan kusoo gabgabeynayaa qormadeydan in eynu nahay ismog waayo caalamkii baa ina og in ay baahi iyo macaluul ka jirto dalkeena, waana arin ugub ah oo caalamka ku cusub dad baa han iyagiba oo dadbaahan caawineya waa taariikh caalamka la yaban yihiin

Ha noolato somaliland

 

 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway