Lacagaha Xawaaladaha La Dhigto Iyo Baahida Loo Qabo In Nidaam Loo Sameeyo

 


 

In ka badan $300 oo malyuun ayey shirkadaha xawaaladaha qaarkood u hayaan dadka reer Somalila nd oo iyagu amaano ahaan lacagahan u dhigta shirkadahaasi si marka ay u baahdaan ay uga qaadan karaan. Haddaba waxaa beryahan dambe soo kordhayay cabsi laga qabo lacagahan tirada badan ee dadku dhiganayaan kuna urur-sanayaan shirkadaha lacagta qaarkood.

Waxa laga cabsi qabaa in haddii shirkadahani ay wax ku yimaaddaan ay dad badani ku caydhoobi doo naan oo dhibaatadu aanay shirkada oo qudha ku koobnaan doonin, balse ay dhibaatada noocaas ahi ay noqon doonto mid dalka oo dhan gaadha. Hantida lacagta ah ee ay dadka dhigtaan shirkadaas ay aa dhalin karta “systemic risk” ama dhibaato caam ah oo nidaamka lacagaha iyo dhaqaalaha dalka oo dhan saameyn weyn ku yeelata.

Sababaha looga werwersan yahay lacagaha ay dadku ku keyd-sadaan shirkadahaasi waxa ka mid ah:-

1. Ruqsad la’aan: Shirkadahani ruqsad uma haystaan in ay lacago keyd ah dadka ka qabtaan. Liisamada ay ka haystaan Bangiga Dhexe ee Somaliland waxa uu u fasaxayaa oo keliya in ay lacag xawilaan ee uma ogola in ay dadka u furaan “Account” oo ay yidhaahdaan lacag soo dhigta.

2. Damaanad la’aan: Shirkadahani ma haystaan wax damaanad ah oo suura gelin karta in haddii ay wax ku dhacaan ay dadka lacagtooda badbaado. Maadaama aanay shirkadahani u dhisnayn qaab ba ngi oo aanay ruqsad iyo ogolaansho toona u haysan adeeggan ay qabtaan, ma jiraan wax damaanad ah oo shirkaduhu haystaan.

3. Shirkadaha oo lacagaha ku shaqeysta: Shirkadahani waxay lacagaha amaanada loogu dhiibtay ugu shaqeystaan sidii hanti ay leeyihiin. Shirkadahani marka ay u baahdaan “working capital” halkii ay sa amiyo ka bixin lahaayeen ee faa’iidada ay sameeyaan dad la qaybsan lahayeen waxay dadka weydii staan in ay lacag soo dhigtaan si ay u helaan deyn fudud oo aanay waxba daba socon.

4. Heshiis la’aan: Ma jiraan heshiisyo faah-faahsan oo si sharci ahi shirkaduhu ula galaan dadka lacag aha dhigta. Arrintan oo inta badan keentaa in dadku aanay ka warqabin in lacagtooda lagu shaqeysa nayo iyo in haddii qofkii lacagta lahaa wax ku dhacaan la waayo nidaam loo raaco oo lacagtii shirkad da looga qaato.

5. Xawaaladaha ka shaqeeya Soomaaliya oo loo arko kuwo khatar ku sugan: Xawaaladaha Soomaali da ee sida ballaadhan uga hawlgala koonfurta Soomaaliya ayaa khaasatan waxa iyaga loo arkaa ku wo ka khatar badan shirkadaha la midka ah ee ka shaqeeya dhulalka amaanka ah ee dawladuhu ka jiraan sida Somaliland. Arrintani waa ta dhalisay in tobankii sanadood ee u danbeeyey ay ilaa 17 xaw aaladood oo ay ka mid ahaayeen Dalsan iyo Barakaat ay xidhmaan. Waddamada Galbeedka ayaa iya gu sameystay qawaaniin adag oo si gaar indhaha ugu haya xawaaladaha Soomaalida.

Waxa intaasi dheer lacagahan dadka ee lagu shaqeysto oo aan dalka waxba kusoo kordhin ama aan la gelin wax dhaqaalaha dalka wax usoo kordhiya. Deyntan fudud ee shirkadahani heleen waxay dhiiri gelisay in lacago badan la geliyo dhul taasoo keentay in maanta baloodhka Hargeysa badhtankeeda ku yaallaa uu ka qaalisanaado ka ku yaalla “City of London”. Waxyeellada ugu weyn ee tani keentay waxay noqotay in dadkii dhisan lahaa warshado ama waxyaale kale oo dalka wax usoo saara uu dhul kii ku qaaliyoobo.

Iyada oo maanta lacag ka badan $300 malyuun oo keyd ahi taallo Somaliland ayaa waxaa iyana dhac da in ninka leh beer waraab ah oo qiimaheedu yahay boqolaal kun haddii uu u baahdo dhowr kun oo doolar oo uu siisto matoor uu ka waayo shirkadaha lacagta intaa leeg ee umaddu leedahay hayaa, iy adoo la ogyahay in lacagta beertan ama warshad wax soo saar la gelayaa ay ka damaanad wanaags an tahay waxyaabaha ay shirkaddu geliso lacagta.

Sidee arrintan wax looga qaban karaa?

Waxaa arrintan masuulideeda iska leh Bangiga Dhexe ee Somaliland oo isagu awood buuxda u leh in uu nidaam u sameeyo oo wax ka bedelo qaabkan wax u socdaan. Inta la sugayo sameynta iyo dhaq an gelinta xeerka bangiyada, waxaa la gudboon Bangiga Dhexe iyo hay’adaha kale ee dawladda ee ku shaqo leh in shirkadahan laga dalbado:

1. In ay gebi ahaanba joojiyaan ku shaqeysiga lacagaha amaano ahaan loogu dhiibto.

2. In ay dadka u soo bandhigaan hantida ay haystaan, waxa ay macaashaan ama khasaaraan iyo inta ay leeg tahay hantida ay dadka u hayaan si macaamiisha lacagta dhiganayaa ay u cabiri karaan kolba halka xaalkoodu marayo iyo in lacag kale lagu aamini karayo.

3. In xisaabaadka shirkadahan sannad walba si madaxbanaan loo “audit”-gareeyo.

4. In ay kala qoqobaan oo aan la isku dhex qasin hantida shiraduhu leeyihiin iyo ta dadku u dhiibtaan.

Waxa kale oo muhiim ah in xeerkan qabyada ah ee bangiyada ay dawladdu kala tashato dhammaan shirkadaha lacagaha ka shaqeeya iyo ciddii kale ee daneynaysaba. Waxa jira in mid ka mid ah shirkad aha lacagtu ay hore xukuumadda ugu gudbisay xeer bangi oo ay iyadu soo sameysay. Haddaba si lo oga hortago muran la mid ah kii ka dhashay xeerka isgaadhsiinta waxa dawladda la gudboon in ay shi rkadaha oo dhan la tashato.



 


 

 

By: Dr. Ismail Ibrahim Ahmed
World Remit, London, UK