LA-TALIAYAHA MADAXWEYNAHA EE ARRIMAHA DHAQAALAHA AXMED XASAN CARWO
OO HANBALYADA RAMADAANKA U DIRAAYA UMMADDA SOMALILAND IYO ISLAAMKA
Waxa berrito Arbacada 10 July 2013 inoo bilaabmaysa bisha barakaysan
ee Ramadaan, bisha soonka, bi sha quraanka, bisha dambi dhaafka,
bisha nafta lala xisaabtamo, Allana sheydaanka inga xidho.
Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa ummadda islaamka, iyo
Soomalida ku nool shanta dal Somalila nd, Somalia, Jabuuti, Ethiopia
Somali Zone, iyo Somalida Kenya, sidoo kale Soomalida qurbojooga ah
ee daafaha dunida ku daadsan.
Waxaan dalka Somaliland xukuumad, shacbi, rag iyo dumar, dhalin iyo
waayeel, miyi iyo magaalo u bary ayaa in Alle barakada soonka nimco
iyo barkhad inoogu daro , in Alle nabadda inoo xoojiyo. Sidoo kale
ayaan u rajeynayaa Soomalida kale iyo guud ahaan dunida Islaamka.
Allow meeshii dab ka baxaayo dami, Allow colaadda ka qaad dunida
Islaamka, Allow beerkooda burcad isu mari, Allow adaa awood u leh ee
u gargaar shacbiga Suuriya iyo Falastiin.
Waxaa habboon in qof waliba xisaabtamo oo qaladkuu galay ka toobad
keeno, haddaad xil ummadda u hayso xisaabtan, oo xusuuso inay geeri
iyo xisaab aakhiro ku sugayso, xilka naftaada iyo qoyskaaga kaa
saaran qiimee oo u gudo sida ugu habboon. Iska jir markhaatiga
beenta ah. Ma aha markhaatigu kan maxkamadda uun laga hor furo, waxa
ka mid ah qoraalada beenta ah ee qofna lagu daafacaayo qofna laga
been sheegaayo. Waxa ka mid ah TVga qof keliyi kolba waji soo
gashanaayo.
Dambi aadmi ayaa loo yahay oo waa ina daan weyne, ee waxa la rabaa
soo noqosho iyo toobad keen. Allow ha na dilin anagoon toobad keenin,
Allow dambigayaga, kii waalidiintayo, ka muslimka kii dhintay iyo
kan noolba Allow dhaaf. Allow ha naga dhigin kuwa ammaanada ummadda
ku tagri fala mid umadeed iyo mid shakhsiba. Allow ha noo ciqaabin
danbiga ay galaan kuwa aan noo naxayn adna kaa cabsoonayn. Allow
naga qabo kuwa iyagoo xumaan samaynaaya ku dhuunto diinta iyo
munaafiqiinta. Aaamiin.
Muslinow yeyna ku dhaafin barakada Ramadaan, soonka raaci quraan
akhris iyo taraawiixda, iska jir gola yaasha xanta iyo beenta, ka
dheerow namiimada iyo isku dirka.
Alle heyna hanuuniyo dhammaanteen danbiile ayeynu nahay ee Alle
dambigeena ha dhaafo. Aamiin.
http://samotalis.blogspot.com/
|