LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASA N CAR WO OO TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM SULDAAN DA AHIR SUL. AAMIN SUL. FAARAX SULDAANKA GUUD EE BEESHA AYUUB SH. ISAXAAQ

 




La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga Axmed Xasan Carwo wax a uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo si gaar ah Beesha weyne ee Ayuub Sh. Isa xaaq oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa maanta 3/08/2013.

Suldaanka oo ka soo jeeda salaadiinta ugu faca weyn dalka, waxa lagu xasuusta isaga iyo aabihi iba kaalintii libaax ee ay ka qaateen dhismihii uruurintii iyo isku hayntii ururka SNM iyo halgankii dheeraa ee lala galay faqashta.

Geerida Suldaanka waxaan ka tacsideynayaa ehel, tafiir, qaraabo iyo saaxiba iyo gaar ahaan Bee sha Ayuub iyo intii la wadaagtay halgankii SNM iyo nabadayntii Somaliland. Waxa hubaal ah inay tahay geeri ku timid halyey qaran oo qarankoo dhan xukuumadda seddexda Gole, Xisbiyada iyo ururada bulshada ee Soomaliland dhammaan la qaybsanayaan beesha iyo qoyska suldaanka nax dinta iyo murugada tacsida.

Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka Suldaan Daahir inuu Jannatul Fardows ka waraabi yo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waa fajiyo samir iyo duco.
 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga

eci.advisor@gmail.com

http://www.facebook.com/aharwo?ref=hl

http://samotalis.blogspot.com/