LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA MUD. AXMED XASAN CARWO OO
TACSI U DIRAAYA EHELKA MARXUUM AXMED CABDILLAHI ROORAAYE
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha. Ganacsiga iyo Maalgashiga
Axmed Xasan Carwo waxa uu tacsi u dirayaa, Ehelkii, Qaraabadii,
Asxaabtii, iyo si gaar ah Jaaliyadda Somaliland ee Sheffield,UK
Axmed Rooraye waxuu ka Madax aha muddo dheer Ururka Qaaxootiga ee
Sheffield, waxuuna aha mas'uul aad uga dhex muuqda Jaaliyadda
Somaliland intaanu u baqolin Somaliland xiligii doorashda
Madaxtooyada ee 2010, kolkaas oo uu ka mid aha Guddiga Ololaha
Gobalada Bari ee KULMIYE, guushi Kulmiye dabadeed, waxuu Madax ka
noqday Hay'addii Dibudejinta Somaliland, kolkii dambana lagu daray
Wasaaradda Dibudejinta. Alle ha u naxariistee Axmed waxuu si kedis
ah ugu geeriyooday laguna aasay Hargeysa 30/08/2013
Axmed Rooraye waxuu aha nin firfircoon oo aad uga dhex muuqda
siyaasadda iyo warbahinta dalka, kuna dhiiranaa afkaartiisa oo uu ku
kasbaday asxaab iyo cadow badanba.
Waxaan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka AXMED CABDILLAHI ROORAAYE,
inuu Jannatul Fardows ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii,
Xigto iyo Xigaal, Asxaabtiis meel kasta ooy joogaanbana uu waafajiyo
samir iyo duco.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha SL
ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maalgashiga
eci.advisor@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|