Libaax Nin Ganay iyo Nin Galladay labadaba Og

 

 


Beerka ka Ogsooni!!


Nabad akhristayaal, salaanta Islaamka marka aad guddoontaan kaddib; waxaynnu maalm a hanba kala soconney qaybaha warbaahinta ee kala duduwan, mudane Bile Rafle Guuleed oo Somaliland booqasho ku maraya oo meel kasta oo uu maraba sida madaxda Somaliland loogu soo dhaweynayo!


Su'aasha jawaabta innooga baahani waxay tahay, maxaa Bile Rafle loo soo dhaweynayaa? Muxuuse Bile kaga duwanaa madaxdii kale ee Soomaalida ee xukumi jirtey gobollo ka tirsan Somaliland xilligii Kacaankii Siyaad Barre?

Taariikh ku beegnayd bilowgii 1970 naadkii, ayaa Bile Rafle oo gaashaanle ah guddoomiye g obol looga soo dhigay gobolka Togdheer oo markaasi loo yaqaanney; Woqooyi Bari. Dhawr sannadood kaddibna, waxa Bile Rafle loo soo bedeley gobolkii loo yaqaanney; Woqooyi Galb eed oo imika u kala baxay gobolada: Maroodijeex, Gabiley, Awdal, Selel, Hawd iyo qaybo Sa axil ka mid ah.


Mudane Bile Rafle, muddadii uu badhasaabka ka ahaa labadaasi gobol ee aynnu korka ku s oo xusnay; wuxu xilkiisa u gutey si hagar la'aan ah. Wuxuna fuliyey mashaariic aad u fara badan oo illaa haatan lagu xasuusto.


Inkasta oo ay xilligaasi jirtey waddaniyad kacaamaysani, haddana waxa la isweydiin karaa; muxuu Bile qayrkii kaga billaa? Allaa og! Waxaynuse u rajeyneynaa, in ay ahayd: karti Alle u dhaliyey, xilkasnimo, dad- la -socod iyo daacadnimo! Waxa kale oo la odhan karaa, Bile w uxu ahaa nin dhalasha ahaan ka soo jeeda degaanka Kililka shanaad oo wax badan la wada aga dadka reer Somaliland. Taasina waxay u suurtogelisay, in uu si wanaagsan ula falgalo ummadda reer Somaliland oo ay dhaqan ahaan aad isugu dhow yihiin!

Haddaba, soo dhaweynta mudane Bile Rafle ee maalmahan ka socota Somaliland, waxay til maamaysaa dhawrkan arrimood:


In ay ummadda reer Somaliland tahay, libaax ogsoon " ninkii ganay iyo kii galladayba"
In aanay reer Somaliland qiimaynin qolada iyo qofku halka ka soo jeedo ee ay qiimeeyaan qofnimada iyo abaalka loo galo
Waxa kale oo soo dhaweynta Bile lagala soo dhex bixi karaa, gobonimada reer Somaliland iyo abaalgudka ay u hayaan ruux gargaara maalinta ay goomoon yihiin
Waxa kale oo ay soo dhaweynta Bile beenineysaa, qabyaalad ku hadalkii iyo qolaa gaar loo eryanayaadii dadka qaarkood ku muusanaabi jireen
Waxa kale oo ay cibr oqaadasho u tahay, nin kasta oo ummaddan turaan tureeyey. Waxa isagana bushaaro iyo badhaadheba u tahay nin kasta oo ummaddan taakuleeya
Waxa kale oo ay booqashadani Bile waano u tahay, nin kasta oo dhagar iyo dhood hoob ummadda Somaliland kula dhex jira ama maaganaaba - ama ha u dhasho/dhalato Somalilan d ama cid kalaba ha ahaadee.


Guntii iyo gebagebadii, " Qudunquutooy ku quuso!" Qarsoomi meysid, haddii aad dhagar qoo shtid oo Alle iyo Aadamuhuba way ku arkaan. Taasi lidkeeduna way kuu bannaan tahay !


" Iska soo mar

waa kuu mubaax

Marin kaad doontaaye"


Bile noqotayaa iyo Moorgan noqotayaaba," Adiga le waaye!!"


" Biixiyaha markii aan ka jabay

iyo boqon guudkiise

Ninkii balad shishe iga Jirey

Soona bixi waayey

Ee inaan bogsado uun jeclaa


Beerka ka ogsooni!!"

 

 

 

 

 

 

Cabullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail