Ma aha in Somaliland ay marba dhirbaaxo u dhigato dhaba nka kale “Maantana far baan maydhayaaye ha ii fadhiyo Geelu”

 

By: Ali Xaruuri
 

Bishan aynu ku jirnaa waxay ku beegan tahay sannad guuradii Saddexaad ee ka soo wareegt ay markii la bilaabay wada-hadalka Somaliland iyo Somalia oo ahayd SHIRKII LONDON (23kii Fe bruary 2012ka) , waxana bishan loo ballansanaa SHIRKA TURKEY (26 February 2015) kaas oo ka mid ahaa go'aamadii kulankii u dambeeyey ee ay martigelisay DJabouti. Shirkaas oo dadka badidiisa rajo wacan geliyey, warmurtiyeedkii ka soo baxayna ay yididiilo fiicani ka muuqatay.

Shirkaasi wuxuu u muuqday mid tallaabo hore loogu qaaday oo u adeegaya in la gaadho halka l agu socdo. Balse tallaabadan dib u dhaca (hakadka galay) shirka ee dhanka Somalia wuxuu iftii minayaa in aanay wada-hadalka daacad ka ahayn welina ka waantoobin arrimihii hore loogu ee deeyey xaalkun yahay "Naagtii gambada taabatay ee gacanta soo maydhay oo hadana meeshii gelisay gabaygu sow maaha".
waxaa shirkii Djabouti aad loogu nuuxnuuxsaday ballankuna ahaa
"in la fuliyo wixii hore loogu heshiiyey".

Waxaadse mooddaa in wada-hadalkani noqday mid waraaqo keliya ku qoran oo aan loo bedelo wax ficil ah (JUG JUG MEESHAADA JOOG)

NINNA CAADO MA BAAJO balna qeydhin ma daayo

saddex calaamuu ayuu Munaafaqu leeyahay
1. Markuu hadlayo wuxuu ku hadlaa been.
2. Markuu ballan qaado wuu ka baxaa
3. Marka la aaminana wuu khaayimaa. (Bukhaari iyo Muslim)

waxa shaki badan laga muujinayaa in Somalia aanay diyaar u ahaynd wadahadalka maadama uu haatan marayo (ama galay) qodobkii xaasaasiga ahaa ee xuddunta Wada-hadalka.

waxa loo BADINAYAA in Xukuummadda Muqdisho ay ka badheedhayso oo ay xagal daacinayso wada-xaajoodka, waana khidad ku-tala-gal ah oo ay isku dayayso in ay leexiso ujeedadii shirka, wakhti badanna ku disho (lumiso) taas oo ay uga golleedahay in hesho waji kale ay uga gudubto marxaladdan, waxaana la filayaa tabbo intaa ka sii badan oo ay shirka ku carqaladeyso inay la timaaddo.

Waxa muuqata in Somaliland aanay la jaan qaadi karin Hab-dhaqanka aan fiicnayn ee maamulka Xamar

Maxaa haddaba xukuumadda Somaliland la gudboon?
waxaa la gudboon in dib u eegid lagu sameeyo wada-hadalka -
"waa haddii Somalia ay ku sii socdaan (ay sii wadaan) tallaabooyinka aan na raalli gelin ee ay qaadayaan"

 



wa billaahi tawfiiq

Qalinkii :Cali Xaruuri
Netherlands