MA AHAYD KHUDBADDII LA FILAYEY
IYO WIXII LOOGA FADHIYEY ???

 



Khudbad Sanadeedkan Madaxweynaha Somliland Mud. Siilaanyo maanta uu ka hor jeediyey g olayaasha qaranku waxay ahayd mid muddaba laga dhur-sugayay oo dadku aad ugu dhag ta agayeen.

Waxay haddaba noqotay ama ahayd KHUDBAD loo arkay sidan HOOS ku qoran :

1. khudbad muujinaysa guulaha is-daba-joogga ah ee dalkeenu gaadhay muddo yar oo gaaban   gudaheed.

2. khudbad laga dheehan karo wax-qabadka dhab ah ee dalku ku tallaabsaday.

3. khudbad laga daalacan karto rajada iyo mutaqbalka ifaya ee qaranka curdinka ee somaliland.

4. khudbad sida dhayda u caddaysay jihada saxa ah (the right direction) ee loo wado iyo jidka toosan ee loo qaadayo ka-midho-dhalinta masiirka ummadda oo aan marna GORGORTAN geli karin.

5. khudbad dadka intii shakisan u iftiimisay daacadnimo iyo hagar la'aanta hoggaanka ay door teen.

6. khudbad gelisay khushuuc quluubta muwaadiinta dhabta ah taasoo dhaqaajisay dareenka shucuurta dadweynaha.

7. khudbad ku abuurtay kalsooni weyn iyo yididiilo fiican.

8. khudbad dhagaha u cushay muwaadiniinta jecel hor-u-marka dadka iyo dalkooda, qalbi-jabna ku ridday kuwa aan dhagahoodu jeclayn hanaqaadka Somaliland.

9. khudbad aad u heer sarreysa oo xirfad iyo farshaxanimo ka muuqato.

10.Waxay soo bandhigtay waayo aragnimada siyaasadeed iyo hoggaamiyanimo ee Madaxwey naha J.S.L iyo haybadda qaranka Somaliland.

11.khudbad su'aalo badan oo dadka qaar is weydiinayeen si toos ah u taabatay una gudbisay jawaab shaafi ah.

12.khudbad xambaarsan FARRIIN CULUS oo geesinimo iyo u-quus-goyn ah u gudbisay maamulka Muqdhisho ee gacan-ku-rimiska ah, ee ay dhoodhoobayaan dawladaha shisheeye.

13.khudbad koobsatay wixii ummaddu u hanqaltaagaysay ee ay xukuumadooda
uga fadhiyeen.

INKASTOO LOO BAAQOO OO LOO SHEEGO BARWAAQO DAD BAY MEELI BUGTAA ...... BUGTAA ......B UGTAA
 

 


Wa Billaahi Tawfiiq



Cali Xaruuri