Ma anigaan garan geela doofaarku laayey!

"Kulmiye Meel Uma Kacaan Intuu Hor Fadhiyo Kaasi"! Ayaan ku soo koobay qoraallo hore. Imminkana tix gaaban oo la magac baxday 'Gabaygii Kala lumiye Oo Kooban' waxaan ku soo koobayaa natiijooyinka soo baxay is afgaran waagii ka dhashay shirkii KULMIYE. By: Prof. Dhabarlow

Dhibaatooyinka KULMIYE qoraallo badan ayaan hore ugu soo bandhigay. Haddana, tixdani waxay xambaarsan tahay murti iyo xaqiiqooyin badan oo ka xog warramaaya muranka ka dhex taagnaa maamul-ku-sheegga xisbiga KULMIYE!

Dhibaatooyinka KULMIYE oo muddo dheer soo taxnaa, waxay salka ku hayeen keli-talisnimo taariikh dheer leh iyo maamul xaaraan ah oo la isku kooxeystey.

1) Keligii-talisimo sida:

Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Kulmiye,
Guddoomiyaha Golaha Dhexe,
Guddoomiyaha Guddiga Fulinta...
Guddoomiyaha Dhaqaalaha, Arrimaha Gudaha/Debedda, Siyaasadda...
Doorashooyinka/Shirarka/Ergooyinka... Afhayeenka xisbiga...

Taas oo waagii Galool Hoostiina ahaan jirtey:

Guddoomiyaha Ururka SNM,
Guddoomiyaha Golaha Dhexe/Guddiga Fulinta,
Gudddoomiyah Ururka SNM...

Arrimahaas keligiis-talisninimada ahi waxay si wacan kuu xusuusinayaan maamulkii Afweyne Barre oo Rayaale, Siilaanyo iwm macallinkooda ahaa, sida:

Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ah:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed,
Isla maarkaana ah Taliyaha Guud ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,
Isla Markaana ah Xogyaha Guud ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed,
Isla Markaana ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed,
Isla markaana ah Aabbaha Ummadda Soomaaliyeed
Isla markaana habartiisu tahay Guddoomiyaha Haweenka Somaliyeed

2) Xaaraan: In kolba koox kale, qabiil iwm loo heshiiyo si aan maamulku gacantooda uga bixin!

Haddaba, heshiisyadii xaaraanta iyo xaqdarrada ahaa ee ilaa Maryo Alool, dagaalladii sokeeye ee 1991-1994, Calan Cas iyo Galool Hoostii la soo dhabdhabaayey ee Kulmiye huursanaayey ayuun baa maanta qarqarxaaya waayo "Wixii La Qariyaaba Wuu Qudhmaa Ama Wuu Qarxaa"! Markaas xaqdarrooyinkii lagu heshiiyey ee sirta ahaa ayaa gaadhay heer aan waxba laga qaban karin - inay qudhmaan oo ay weliba ku qarxaan kuwii qarsanaayey mooyaane!

Dhibaatooyinka Kalalumiye oo idilna macangagnimada iyo maamul jaceylka Siilaanyo ayaa u sabab ah! Hadalkii oo kooban, Siilaanyo = Ina Yey II. Nin aan aqoon ayaa kursi ku qabsada ama maamul la wadaaga. Askarta Siilaanyo ee ilaa waagii Qaaxo la soo adeegsanaayeyna inay arrintan og yihiin ayey aheyd waayo Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Nin Qeyrkii Loo Xiirayoow, Soo Qoyso Adiguna" Markaas maanta waa meertadoodii ee waa inay xejistaan ha loo xiiro e'.

Adduunyada waxaa ugu nacaseysan qofka xaaraan cad iyo xaqdarro badheedh ah ka qeyb qaata kaddibna soo cabaada, sow cowda ama soo carara markay 'kalkiisa' gaadho ee qoorta la soo qabto si loo qalo (sorry, loogu xiiro). Tolow askarta Siilaanyo miyaaney maqal ama macnaheeda fahmin maahmaahda "Labo Xaq Darro Ku Heshiisaa, Xaqa Ayey Ku Collowdaa"? Mise waxay moodayeen inaan iyaga qoorta la soo qaban doonin kaddib marka 'lagu guuro' sidii awrkii Sh Isaxaaq? Mise arrimaha siyaasadda iyo sasabihii lagu seexinaayey' sida carruurta ayey ku hafteen illeyn "Korneyl Siyaasad Dhex Galay, Waa Ri' Kildhi Madaxa La Gashay e".

"Madaxweynenimada oo bil gudaheed guddoomiye-ku-xigeenka 1aad (Muuse Biixi, Seylic iwm) lagu wareejiyo"! Waa kaas sasabka 'cusub' ee imminka askarta Siilaanyo lagu seexiyaa sidii carruur cunto sugeysey!

Midda kale, Siilaanyo weligii ayuu lahaa xukunka waan ka degi doonaa'! Tusaale? SNM (1980nadii), Calan Cas (1990nadii), Kulmiye (maalintii la aasaasay ilaa maanta)...Qudhaanjoow Sow Ma Quusatid?

"Soo Bax Ayaa La Leeyahay Oo Ay Sacabka Leefeysaa". Imminkabase qaar ayaa lagu meel gaadhayaa ee waynnu eegna markay 'garbo beelaan' ee gawrac loo soo taago! (Allah Ma Arrafo Ayaan Ka Ilbixi Waayey).

Sidoo kale, dadka dhangaagaalaha ah ee aan KULMIYE, siyaasaddiisa keligii-talisnimada ee qabyaaladda ku saleysan iyo taariikhdii madoobeyd ee Calan-Cas aan aqoonta u laheyni waxay rajeynayaan in shirar-ku-sheegga iyo kulamada labada dhinac ee is haya uu war fiicani ka soo baxo!

Bal eeg xitaa odeygii Dr Gabboose ayaa maanta leh 'Maxaa Siilaanyo iyo Cabdiramaan loogu kala turjumayaa" ama "Siilaanyo/Kulmiye sidaas maan moodeynin...'. Dr-ka daacadda ah waxaan ugu jawaabi lahaa (waa hadalkii Walloweynta e) maandhoow "Faanoole Fari Kama Qodna"! i.e Odey Siilaanyo macangagnimadiisu kow ma joogto.
Horena waxaa loo yidhi "Bohol Hadimo Ha Qodin, Haddaad Qoddana Ha Dheereyn, Ku Dhici Doontaana Mooyee". Markaas kooxahan is heystaa hore ayey xaqdarro iyo xaaraan ugu heshiiyeen. Sidaas darteed, in la dhex galaa ma habboona si baadilka iyo xaqdarrada ay weligood biirsanayeen ay iyaga oo keliya ugu dildillaacaan - ee aany ummadda kale ee masaakiinta u saameynin!

Sidaas darteed, natiijada keliya ee halkaas ka soo socotay waa la iska wada ogaa oo waxay aheyd "Laba Xaaraan Ku Heshiisaa, Xaqa Ayey Ku Collowdaa". Waa kuwaas askartii Siilaanyo ku guuri jirey ay maanta meelahaas gaaf wareegayaan ee ay kolba xisbi kale baryayaan inay ku soo biiri karaan kaddib markii ay garbo beeleen sidii loo
raranaayey. Waxaase aanay fahmin inaan awr garbo la' aanay cidina wax ku falaneynin ee xisbi kastaa uu 'gaadiid' fiican oo uu ku moodo (sida Kalalumiye/Siilaanyo) uu u baahan yahay.

Mar haddiise askartani ay imminka ogaadeen arrintaas 'ku guurista' ah, ee weligood lagu watay sidii adhigii Arrafo, waxa inoo xigi doonaaba waa xintankii iyo eedeyntii Cirro iyo Max'ed Kaahin oo kale iyadoo kooxiba kooxda kale ay xumaantii Calan Cas ee ilaa Galool Hoostii soo taxneyd ay dusha u saareyso, dembiyo kale (oo aynnu
badankooda dhowaan maqli doonnana) ay ku eedeyso!

Sidii aan hore u odhan jirey, haddii ay sidaasi u dhici weydo? Calan Cas, maamulka KULMIYE, siyaasadda keli-telisnimada ee Siilaanyo iyo askartiisa toona midna waxba kama aqaanni ee kabaheyga wax ha la iigu rido!

Ugu dambeyn, murtidadan gaaban ee 'Gabaygii KULMIYE Oo Kooban. Wwaayo dhaqan celiska iyo dhangaagaaluhu suugaanta way ka arradan yihiin oo maanso dheer ma sugayaan. Arrimo badan ayaa ku dheehan ee si wacan ha loo dhuuxo.
 


Kulmiye waa Maqaaxi, Uu Siilaanyo Shaah Ku Kariyaaye,
Waa Kursi uu Muuse Biixi, Maanta Korayaaye,
Waa Kildhi Uu Maxamed Kaahin, Koob Ku Shubayaaye,
Waa Kalshin Aan Cid Kale Koombo Loo Darine,
Waa Kaalin Dhego Weyne, Aanu Kadinka Dhaafeyne,
Waa Kilaab (Club) Gaar ah, oo Calan Cas ay Ku Kulantaaye,
Waa Dagaallo Kale, Kuraas iyo Kibir Aan Loo Jeedin!
Waase Koox Markay Kacdaba Guul Darro iyo Hoog Keenta!

Kubka iyo Boqnaha SNM, Waa Kuwii Jaraye,
Waa Kuwii Aan Kicinin Faqash, Ee Kaalintood Gabaye,
Kiish La Buuxsado iyo Kursiga Waa Kuwii Rabaye,
Gobannimo Kolkaan Helayna, Kuuni Waa Kuwii Keenay,
Kushad Waa Kuwii U Kacay, Ee Maatadii Kiciyey,
Kadeedkiyo, Colaadiyo Maryo Alool, Waa Kuwii Keenay,
Kibirkaas Wax Badan Baa Ku Go'ay, Oo Faqash Ka Soo Hadhaye,

Maantana Waa Uun Kooxdii Calan Cas oo Sheeko Kale Keentay,
Waa Kursi Ummadda La Isugu Kaashadiyo Kaartadoodiiye,
Kulmiye Waa Jeedal Kulul Oo Oromo, Lagu Karbaashaaye!
Ee Kursi Oromo Loogama Oggola, Kor iyo Hoos Toona!

Kulmiye Waa Afar Kursi Doon ah Oo Kadinka Soo Taagan
Waa Kud Calan Cas Uun Ku Dhaca, Oo La Kala Qaado,
Waa Kursi Siilaanyo Dhaxal U Helay, Oo Cid Kale Kaalinta U Diidye,
Waa Keligii-Talis ilaa Kulmis Soo Fadhiyey, Oo La Kari Waaye!
Kulmiye Meel Uma Kacaan, Intuu Hor Fadhiyo Kaasi!!



Prof. Cali-Dhabarlow, UK
macallin@yahoo.co.uk