Ma Anigaan Wax dhaadayn!
Miyaan dheelalaysnahay,
Mise waan dhadhabayaa,
Dhammaan guulahaygii,
Riyo iyo ma dholol baa,
Ma dhibaad nin bixiyaa,
Ma runtaan dhacdo ahayn,
Dhagax-tuur ma been baa,
Labadii dharaarood,
Mee ninkii is-dhinac sudhay,
Miyaan daayay dhagartii,
Mise dhiilladaan jirin,
Mise tolow dhalooshaa,
Dhidibkeedu adag yahay?
african union
Maansadii Jiitama, Hadraawi, 1984kii
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com,
www.dharaaro.com
Haa………….Waa run. Maalin Isniineed habeennimadeedii ayay ahayd. Bil
ammaara bishan idm an ee Meey ee aynu ka yeelannay bilihii baas 27dii
ayay ahayd. Gurigayga ayaan joogay. Waa caways iyo xilliyadii
wararka. Waxaan daawanayay wararkii TV-yada. Saa waa warkii oo
koob an. Qodobkii ugu horreeyay ee warkuba waa Wasiirkii Arrimaha
Dibadda ee Somaliland oo mad aarka Berbera ku sugan.
Markii aan daalacday sawirkiisii isaga oo qolkii dhowrsoonaa (VIP)
fadhiya ayaan is-illoobay oo hoos isu idhi: “Ha beenaan.” Meel aan
joogo, goor aan joogo iyo goobta aan joogayba wa an illoobay. Waxaan
u qaatay haba iska habsaamo e’ in uu u ambo-baxayo
Addis-ababa oo
dh acdadii Qarnigu ka socotay maalmahan ugu dambeeyayba –
50-guuradii Midowga Afrika. Warkii oo fidsan ayaa soo galay. Show Wasiirkan I
farxad geliyayba wuxu ku socday Nayroobi.
Illeyn wadnuhu kuma go’o.
Ka dibna wuxu ka sheekeeyay wax aan loo fadhiyin iyo xidhiidhka
Somaliland iyo UN-ka ka dhexeeya. Belo ku degtay. Tabtii Hadraawi,
ayaan is-lahaa: “Nimankaad is-hayseen, kala hoyatay guushii.”
Caku! Waxaan soo xusuustay maansaadii Deelleeydii ee Cabdi Cali
Weyd. Waxaan soo xusuust ay tuduc ku jiray oo ahaa:
“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”
Alleylehe shacbiga reer Somaliland ayaan u daban saacadahan la joogo
ayaa Nayroobi loo ba xayaa. Nayroobina maxaa inoo yaal ee laga waayay
Addis-ababa. Maxaa inoo soo arkay? Meelaha inoo qaaliban kumaba
jirto e’. Waxaan soo xusuustay beri Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal
iyo Maxamed Faarax Caydiid, labadoodaba Ilaahay ha u naxariisto e’,
la isugu geeyay Nayroobi huteel ku yaal oo Serena huteel la
yidhaado. Waa 1994kii. Daniel Arap Moi ayaa lab adaba casuumay.
Looga-qaateenkii wefdiga ka midka ahaa ayaa iiga sheekeeyay
badhtamihii bishii Ogos 2012kii. Labadii odey waa is-mari waayeen.
Cigaal wuxu u taagnaa in Somaliland la ictiraafo, Maxamed Faarax
Caydiidna wuxu u taagnaa midnimadan madhan ee meelahaa aanay runtu
oollin lagaga hadaaqo ee ereyga ‘Muqaddas’ ee dhowrsoon lagula kufo.
Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa markii dhowr iyo toban maalmood
la is-hor fadhiyay u tegay Daniel Arap Moi oo ku yidhi: “Waanu
is-mari weynay ee na soo dhex gal.” Codsigaa Maxamed Xaaji Ibraa hin
Cigaal, wuxu Daniel Arap Moi kaga jawaabay: “Maxamed Faarax Caydiid
ayaanu xuduud w adaagnaa, idinku waad iga fog tihiin.” Sidaas ayaanay
sheekada Kismaayo mid dhow oo fudud u ahayn, Nayroobina intaa Daniel
Arap Moi sheegay ayay inoo jirtaa.
Hadda dagaalladii sokeeye innagu uma aynaan qixin Kenya oo Danieel
Arap Moi waa runtii. Innagu Itoobiya ayaynu u qaxnay, ilaa maantadaa
aynu joognana ku xidhan nahay. Waa dalka keliya ee Hargeysa ku leh
xafiis diblomaasiyadeed. Waa dalka keliya ee baasaboorkeenna
sh aabbadaha la dhaca ee aan kala xishoon ee aan kala maagin cidna
ugu habran isla markaana sida dawladaha qaarkood warqad la
shaabbadeeyay aan baasaboorkeenna dhex gelin, sida Ingiriiska iyo
wax la mid ah.
Maalin dhaweyd oo sii qoyanba oo malahayga laba toddobaad ka
danbeysay, Ra-iisal Wasaar aha Itoobiya innaga oo aan ka hawl-gelin,
wuxu si cad oo badheedh ah u sheegay in u Somalil and difaacayo. Goor
ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo dadkiiba dhabankii iyo
gacmihii isku engegeen ayuu Madaxweynaha Somaliland hiilkaa ka
mahad-celiyay. Ciyi waa ka beryay ayuu ahaa, waxaana u dhaantay in
uu iskaga aammusaba.
Dawladdii hore ee UDUB ee Daahir Ra’yaale Kaahin hoggaaminayay
haddii ay fursaddaa 50-gu urada heli lahayd guulo la yaab leh ayay ka
soo hoyn lahayd. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal haddii uu noolaan
lahaa oo uu fursadahan heli lahaa, cadowga Somaliland sankooda ayuu
ca ano ka lisi lahaa. Labadaa hoggaamiye midkoodna ma taageeri jirin
oo la igu xaman maayo. Ereyga xaqa ah se waa la odhanayaa. Maalin
dhaweyd qaar yar yar ayaaba qalin-daraaleynayay gabay-dheeg
maansadii Qaasin oo laga sheegayay:
“Allow yaa Darwiishkii Cigaal, arrin dareensiiya,
Allow yaa dalluuntiyo qabriga, dib uga soo saara,
Allow yaa Darmaantuu jeclaa, duqa u heenseeya,
Allow yaa duleeddada Togdheer, uga damaashaada,
Allow yaa dadkaagii yidhaa, kuu darsade maanta,”
Bal dawladdii Itoobiya ee awalba inoo jajabnayd oo immikana sidaa
badheedhka ah u muujisay taageerada ay Somaliland u hayso ayaan
cidina dheg jalaq u siin. Durba miyaa illowdeen Wasa aradihii
Arrimaha Dibadda ee Cigaal iyo Ra’yaale iyo wacdarihii ay shirarkaa
ka geysan jireen. Maxaa maanta dhacay? Maxaa cusub? Ee aan ahayn in
ay dawladahaa hore tageen oo ay tim id mid cusub oo baadi-soocdeeda
la garan la’ yahay.
Su’aalaha la is-weydiinayaa waa ay badan yihiin. Maxay dawladihii
hore ugu suuro-gashay in ay galangal la yaab leh ku yeeshaan
shirarka goboleed iyo kuwa qaaradeedba, ee xukuumad deennan maanta
jirta fadhiidka ka dhigay! Xukuumaddeennu si ay uga qayb-gasho
50-guur ada Midowga Afrika oo Addis-ababa ka dhacayay kor iyo hoosba
waa loogu sheegay, bal se dan kama ay gelin.
Shirarka adduunaydu ka qayb-gal aad madasha rasmiga ah fadhiisato oo
keliya ma aha. Adiga oo aan madasha si rasmiya u fadhiisan ayaad
luuqyada (corridors) ka adeegan kartaa, oo aad qaddiyaddaada iyo
ujeeddooyinkaaga oo qoran ku qaybin kartaa. Saxaafad iyo ergooyinba
waad la kulmi kartaa. Haddii aad fursaddaa weydo, hudheellada
magaalada ee wufuuddu ku degtay ayaad kireysan kartaa oo aad
fadhiyada kula kulmi kartaa. Shirarka lagama qayb-galo oo keliya ee
waa la kulaalaa, waa la dugsadaa, waa laga ag dhawaadaa, waa la
quudaa, waa la hungureeyaa, waa la uumiyaa. Soomaalidu waxay
tidhaahdaa: “Qudhaanjana qoodho qan iintay.” Joogitaanka aad
magaalada shirka joogto ayaa cadwgaaga iyo inta aan ku rabinba
culays ku ah. Wargeysyada dalkaa ka soo baxaya oo aad aroortii ka
muuqato ayaa wajigooda gubaysa oo xaajadooda oo dhan kala
daadinaysa. Ilaahay ha inoo sahlo e’ innagu waxaynu doonayno iyo
waxaynu diidayno la garan maayo. Saaxiibbadeen iyo dunidii ina
taqaannay ee ina taageeraysayba, dhabankii iyo gacantii ayaa isku
engegay.
Wufuuddeennu waa laba mid, aan wax ka dhexeeyaa jirin. Wasiir
keligii shandad la ordaya oo isagu keligii wax walba isu ah, wax
walbana keligii yaqaanna oo aan Ilaahay mooyaan e’ cid kale wax la
ogeyn. Haddii uu wefdigeennu sukahaa ama kelidaa noqon waayo waa
habqan is-daba yaac ah oo meel qaaddaba la waayo. Habaqlihii
Koonfurta Soodaan, habaqlihii London iyo habaqlayaal badan oo kale.
Labadaa miyaan wax ka dhexeyn karaa jiri karin. Waa su’aal aha ugu
badan ee la is-weydiiyo.
Bal dabbaal-degyadii 22-guuradii Meey u fiirsada. Intaas oo wefdi
ayay xukuumaddeennu di badaha u dirtay oo xoolo maraakiib gooya sii
qaatay. Intaas oo wufuud ah oo kale ayay dibad aha ka keentay oo
xoolo baabuur gooyaa ku baxeen. Annagu yaabnaye, xukuumaddeennu
taajirsanaa. Qabyadeennu badanaa, hanti-hurkeennuna macno-daranaa oo
qiimo-la’aa. Wufuudda xukuumaddana wax laga jecel oo wixii lagu sii
siiyo ama lagu soo siiyo ‘Risiidh’ lagaa weydiin maayo. Halkan marka
aad ka tegayso khasnadaha xukuumadda ayaad sii faaruqinays aa,
markaad dibadaha tagtana daasadda qarafada ayaad la dhex
meeraysanaysaa duluglaha halkaa ku nool oo bakhtiguba xalaal u
yahay. Waa boob iyo dawarsi laba eef ah. Waxa dhegehaaga ka
badanaysa wefdigii hebel ayaa lacag loo gurayaa. Mid hudheel ku
degaa waa habeenkii xalay ahaa ee tegay. Mid waliba mid reerkooda ah
ayuu furaash la dhigtaa. Haybadda, milgaha iyo karaamada qarannimo
macno caynkaas ah uma samayso. Waxyaabaha la sheegayo waxa ka mid ah
xataa haddii aad kharashka qaadato oo aad dhoofi weydo amaba soo
dhoofi weydo cidina wax ku weydiin meyso. Subxaan! Hindida London
ayuun baan ka maqli jiray ‘Free Money.’ Dab liqaanu idin nidhi.
Haddana waa kan Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu halkii uu Addis-abab
ka tegi lahaa, ka hillaacay magaalada Nayroobi. Oo tolow maxaa
halkaa ka jira? Haddii aad dhex-qaaddo mareegaha ku caan-baxay
tebinta wararka, maanta oo ay taariikhdu tahay 28/5/2013ka, hal
dhacdo oo keliya ayaa ka aawan Nayroobi, taas oo ah: Shirka
Maal-gelinta Somalia.
Bal hadda aan ku yar hakanno shirkan:
Madasha: ‘Kenyatta International Conference Centre’ oo Nayroobi ku
yaal,
Maalmaha: 28ka – 29ka Meey, 2013ka,
Magaca: ‘The Somali Reconstruction and Investment Conference and
Exhibition,
Wuxu noqon doonaa shirkii ugu horreeyay ee ay Qaybta Gaarka ah
(private sector) ee dhaqaaluhu qabanqaabiso oo lagu maal-gelinayo
Somalia,
Waxa abaabulka shirkan ku jira Wasaaradda ganacsiga iyo Somalia,
Maanta, Guugguulihii Geeska Afrika ayaa arrintan dadka u
dacal-saaray. Is-weydiintu se wax ay tahay: Waa maxay danta Nayroobi
maanta laga helay ee laga waayay Addis-ababa oo 70 Madaxweyne wax ku
dhawi 50-guurada u yimaaddeen?
Waa ayaan-darro. Wararkii cawayska ee caawa waxa lagu sheegay in
Wasiirkeennii Arrimaha Dibaddu uu ka qayb-galay shirkaas aynaan
shuqulka ku lahayn ee Somaliya loo qabtay. Waxa ayaan-darro kale ah
in uu keligii dhex fadhiyay boqollaal qof oo xilal ka haya Somalia.
Waxa ka sii darnayd in uu weliba shir-jaraa’id qabtay. Maxaa
kallifay. Weligay indh-adayg intaa le’eg. Ma maqli jirteen: “Maba
dhalan ee dhowrtaysan ogaa.”
Tan aynu manta arkaynno:
“Dib baa looga sheekayn,
Ka-daraa u-magac-bixin,”
Dhammaad
|