Ma Banaana in waxaan ummada Balanteeda ahayn si yar si yar loogu xado

 

 



Ayaan Badanaa Dhulkaygu

Aqoon daranaa Dhashiisu
Illaahay haduu Waxsiiyo
Ilowsho Dhawaa Saboolku.


Waxa jirta maah maah caana oo tidhaahda taariikhdu way soo noqnoqotaa taa macnaheedu waxa weeye wax mar hore ka dhacay dunida meel ayaa meel kale ka dhaca xili aan xiligaa aha yn , noloshuna waxay ka buuxdaa guul iyo guul daro labadaba, ummadi markay talo leedahay waa in ay leedahay ujeedooyin ay maanka ku hayso, manta waxaynu u dabaal degeynaa san ad guuradii 52aad ee ka soo wareegtay xiligii ay Soomaaliland xoriyadeeda ka qaadatay boqo rtooyadii midawday ee ingiriiska, inagoo manta ka joogna 21 sano la soo noqoshadii xornima dii tasawday ee 1960kii, maxaynu shalay qaladnay?. Maantase maxaynu doonaynaa? Maxay ku kala duwanyihiin duruufihii shalay markaynu qaldanay iyo manta? Su’aalahaas waxaan jaw aabtooda u dhaafayaa shacbiga reer Soomaaliland, waxaan qabaa horumarkasta oo Aadama hu ku kaco waxa saldhig u ah halbeeg uu wax ku cabiro. Soomaalilandta manta waxay samays atay qaynuun mideeya iyo dastuur kuwaas oo ay ku cad yihiin hanaan socodka qarannimo iyo xakamaheeduba iyadoo si waadixa u aaminsan una waafajisay qawaaniinta caalamiga ah.

Maanta ma aha maalin ay garanwaydo, hog doorkeeda, himiladeeda,& hubsiimada geedi soco dkeeda, tubta iyo talada wanaagsan ee ay u marayso, intaa waxa dheer ka sheekayn mayo Sooyaalka taariikheed ee Soomaaliland ee wax badan laga waramay ama la hayo, waxaan jec elahay in aan is dul taago su’aasha ah Maxaa cusub oo manta ku soo biiray taxanihii siyaasa deed ee ka horeeyay xiligan? Dadka reer Soomaaliland waxay galeen xiligii dareenka qarannim adooda ay uga warwereen murkucasho mar labaad ku timaada iyagoo dhibaatadooda u aana ynaya siyaasad hadoodilan oo aan hore u soo marin shacbigan habdhaqankoodii dawladnimo, qawaaniintii iyo dastuurkii ay ku soo habeen korinta qarannimadoodan curdinka ah, meesha iyo goorta isbedelka intaa le’eg ee uu ku yimid, kaas oo ah xanuun ku dhan shacbigan, xiligann a ay ku gedaaman yihiin duruufo siyaasadeed oo ilaa heer caalami ah, taasi oo ah mid aanay ka dareen qabin kana xog la’aayeen iyagoo si lama filaan ugu war helay sida xaaladu is bedes hay mar qudha.

Dalkani wuxuu lahaa golayaal uu dastuurku sar jaray awoodahooda isla markaana isu miisaa man yihiin, kuwaas oo aan qabo in si ula kac ah loo dhaawacay siyaabo kala ged gedisana ay u muuqato inuu u dhacay af duub iyo ku dhaqan la’aan qaanuuneed oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii darayay, taasina ay lumisay isu dheeli tirnaantii qaran, waxa lumay is hansigii (Trust), wada tashigii iyo siyaasadii cadayd (Transparency), Xisaabtankii (accountability) iyo ku dhaqankii qawaaniinta iyo xeerarkii dalka u degsanaa.

Ummadani cuqdad kama qabto raadinta qadiyadeeda iyo aqoonsi ay beesha caalamka ka hesh o dariiq kasta oo ay u marto iyo waqti kasta oo ay ku qaadato, ereyga hada lagua  dhawaaji nayo ee ah Danta reer Soomaaliland ma aha mid qeexan mana aha tii dabarka furidiiisa lagu degdegay loo furay waxase uu ahaa meelkasta oo uu galo ka midho dhalinta qadiyada iyo aq oonsiga Soomaaliland mana banana waxaan ummada balanteeda ahayn in si yar siyar loogu xado, waxa manta looga fa dhiyaa hogaanka sare ee dalka in uu bulshada u cadeeyo kana sii yo xog sugan oo dhaba oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada, iyo qodobada marin habaa binta ah ee ka soo baxay shirarkii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay London1 Istanbuul2 Lond on 3 iyo Emaraadka Carabta, kulamadaas oo aan qabo in ay dhamaantood ku socdaan xawa are aad u sareeya oo u muuqda in lagaba deg-degayo Talo qaran oo loo dhan yahay,

Shacbiga reer Soomaaliland waxaan ku baraarujinayaa kuna wargelinayaa inay si foojigo leh, uga il sugtaan ulana socodaan, dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee baryahan dambe minja ha adlaynaya kana dareen qabaan wax kasta oo qarannimadooda, gooni isu taagooda, sharafta iyo karaamada qarannimadooda wax u dhimaya gudaha iyo dibadaba, isla markaana ilaashad aan midnimadooda iyo wadajirkooda, iyadoo ay baryahan dambe jirto talaabooyin lagu burbu rinayo qoowmiyadooda, ummadnimadooda, & jiritaankooda , isla markaana u diyaar garooba an la xisaabtanka masuuliyiinta kala duwan ee u ig madeen xilalka kala duwan martabad kasta oo ay hayaan, iyagoon u eegayn maskab, xisbi,& qabiiltoona, waxaan ku soo geba gebaynay aa madaxweynihii ugu horeeyay ee Maraykanka ee Georgr Washington waxa laga hayaa AAN WADA DHIMANO AMA MID MID AYAYNU U DHIMAN ( LET US DAI TOGETHER OR WE SHALL DAI SEPERATLY) taas oo aan uga jeedo hadaydaan haybadiina iyo qarannimadiina ku ilaashan wa da jir wax'aa iman doonta waqti aad ka itaal yartiin oo aad u nuglaan doontaan tabaha  cada wgiina, hadii kale waxa ku danbayn doontaan halhayskii abwaanka ee ahaa :

Hore u soco dibna usoco

Hore iyo diba u soco
Darandoori jaanqaad
Maxaa daal la korodhsaday,

Wa Billaahi Tawfiiq
 

 

 

 

 


Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Golaha wakiilada Soomaalilaand
Hargeisa
Telephone: 4168889,
qabile99@gmail.com