Ma Caqliga Iyo Cirdiga Bulshada Reer Gabiley Ayaa La Ca ayayaa Mise Waa Digasho Marka Dhuxul & Wax La Mid Ah Siyaasi Looga Dhigayo

 


 

Hargeysa (TNN):- Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Mujaahid. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa ka hadlay shacabka magaalada Gabiley ee mudahaaradka salmi ga ah  dareenkooda ku muujinayey,ee ciidanka RRU du rasaasta nool  la dhex qaadeen ,dhi masho iyo dhaawac badan na u geysteen dhalinyaradii iyo haweenkii & qaabka foosha xun ee ay  xukuumada Axmed Siilaanyo arintaa u maamushay.

Cali Gurey oo qoraalo kooban oo hormo hormo u wada socda ku daabacay bogga uu ku le eyahay degelka FACE Book, waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay in deminta shaqaaqad aas ay xukuumaddu u wakiilatay xubno dhego nugul oo uu ka mid yahay Ninka loo yaqaan Axmed Saleebaan Dhuxul ee Madaxweyne Silaanyo ugu magacaaban Afhayeennimada, ka asi oo ceeb iyo cirdi xumo ku ah sharaftii haldoorka Gabiley oo caqligooda lagu Caayayo iy adoo laga dhigayo iyo shacbiga metelayo.

Cali-Gurey Oo Qoraalladiisa qayb ka mid ah ku bilaabay Tix uu Abwaan Hadraawi Leeyahay, waxaa uu ku bilaabay

“Afku way hud-hudayaa

Hadal buu I leeyahay

Anna waan hor joogaa.
Wax la hado shil bay roon
Wax la helo lib bay mudan
Wax la huro naf baw culus
Wax la hubo wed baa jira..”

Tixdaas dabadeed waxaa Mujaahidku ku xigsiiyey qoraalkiisa “ Xisoonmaayaan. Waa waxa iyagoo weliba sheeganaya inay yihiin intii ugu xigtay Gebilay is dhex taagay ee caruurtii ay rasaasta la dhaceen oo maydkoodii iyo dhaawacoodii yaalo yidhi WELIBA NUSA-SAACIHII AANU KA QAADNAYNA WAA KAA OO WAA $2500 WADADA CEERIGAABO AYAANU KU CAA WINAY.GEBILAY ANIGA AYAA TACSI IYO XAALBA ISU RAACINAY. Gebilay ceeb waxa ku ah in Dhuxul siyaasi looga dhigo. Iyada lafteeda anigu digasho ayaan u qaadanayaa.