MA ISKU SHAANDHAYN MISE SHAASHAYN
Marka hore waxaan salamayaa Timacade Groub iyo hawl wadeenada sharaf
ta naga muda n, ee haben iyo dhaar ba u heegana siday noogu soo
gudbin lahaayeen, warar xaqiiqda ku salaylaysan
iyo dhamaan reer Somaliland ka nadiifta ah, een cidkale ku dhex
noolayn.
Waxaan maan ta qalin ka u qaatay, inaan wax yar ka idhaa, dadkii
maalin tii dhayd laysku cayn iyo bayd gooayay, ee la yidhi waa isku
shaandhayn.
Sida laga war qabo, in muddo ah ba , waxaynu maqlaynay, inay
Madaxtooyadii foolanyaso, ooy soo wado wax ka badal fara badan,
dhamaan dad ka reer Somaliland waxay u dhag taagayeen, is badel lagu
keeno, hab maamulka dalwdadda Kumlmiye, inkastooy dad badanina
lahayeen, CIRID KAAN ARKO, ILKO KAMA SOO JEEDAAN.
Fooshii dawladda kulmiye, wxay dhashay, wax umaddi ku jahawareertay,
lana kala garan waayay, in KULMIYE, WADA SOCDO, IYO INOO KALA SOCDO.
Sidsa laga wada warqbo, waxa inagu soo dhaw, doorashadii Madax
waynanaha, sida laga sheego Dawladda Kulmiye, oon anigu runtii aanan
rumays nayn in doorasho dhacayso, markaad eegto, sida laysugu toosay,
DUGSIGA IYO DAYAXA.
Ilaahay haynaga saaree, dalka wax aka jira, abaaro laxaad leh,
saamayn badan na u gaystay deegaano fara badan, dad iyo duunyana
halis galiyay, Sida daraadeed, maan ta waxa laga filay Madaxwaynaha
Ahmed M.Maxamod inuu sameeyo, Dawladdii daba qabatayn lahayd umaddaa
dhibto hayso, dalkna u jehayn lahayn, kana saari lahayd dhibta
faraha badan, ee inaga haysata >
Haddaan usoo noqdo maqaal kayga, fooshii xanuun ka badnayn ee
Kulmiye, waxaqy dhashay, wax lala tacajabay, waxa la magaacay Rag
aan war iyo wacaal toona ka hayn, oo ciida ka badan.
Natiijadii habqan ka ahayd waynu wada arag nay, iyo sida looga
giigay, magaacistaa qaar badan.
Halkaa waxa ku jirta suaalo faro badan, waxaan kazoo qaadan doonaa
sidan.
HULMIYE MIYUU WADA SOCDAA, MISE WUU KALA SOCDA.
waxa markhaati ma doon ah, in kulmiye dhex diisa ay ka jirto,
jihawareer badan, yahan col wada yaala, iyaguna isku maqan yihiin,
umaddana loo dhigayo indho sarcaad, waxase kashifay, isku shaandhin
tii iyo isku haadin tii hadhuudh ka, oy si wayn uuga muuqatay, inaan
xusbiga iyo dalka toona loo hayn nasteexo, arin kuja iska yahay, iga
saydhi wuxuun.
Kulmiyana isugu filan yay, mucaarid, iyaguna lugta is jiidayaan ,
oon cid kaleba loo doonayn, waxase la yaab leh, nin ka murashaxa
ahi, tollow miyaanu ogayn, msie isaga laftiisa ciyaarta ka mid ah,
oo umadda, loo dhigaya riwaayad laga soo baxay.
Waxay ina wada helo, sedex abaarood.
1- waa taa ilaahay inoo keenay ee duunyadii iyo dadkiiba galaafatay,
ilaahay uun baana inaga saari kar subxaano wa tacaala, iyo garaad
fiican oo lagu hawl galo.
2- Abaar siyaasadeed>
Waxa ina helay siyaasi xumo, waxay isku cayn iyo bayd goay,
u7maddii, mid waliba na wuxuu iskoo xaytay, inuu keega qayb tiisa
qaato, badhi kiisan ka goosto Boob ka umadda masaakiin ta ah, lagu
hayo.
Aabaar mucaarid.
Waxa iyana nasiib darro ah, waxa ina helay, mucaaradad xun, oon
lahayn madax iyo mijo, iyaga laftooduna qayb ka ah, maamul xumada
ina haysata.
Dawladda xumina ay ka heshay fooga badan, oy ku fushatay muraad kay
alahayd, oon marnaba loo fakirin sidii umaddan jilicsan loogu samayn
lahaa, sharci iyo hogaan toosan, o ka saari kara, dhibahan is
biirsaday.
MAXAA INALA GUDBOON MAAN KA SHACAB AHAAN.
Sida aniga ila tahay, waxa inala gudboon, in faraha la galiyo,
haanto gunteeda, lana sameeyo, ururo bulsho, oon ku salaysnayn,
qabiil, iyo dagme, eek u salaysan dan ta qaran, iyo dan wadareed.
Sida
a- Ururka shaqaalaha ka madax banana dawladda.
b- Ururka ardayda oo ka madax banana dawladda.
c- Ururka danyarta ku nool xqaafadaha kala duwan.
d- Ururka aqoon yahan ka madaxa banana, waa haday jiraan aqoon yahan
madax banaani.
e- Urur ka xoolo dhaatada.
F- Ururka beeralayda
G- Urur ay magaalo waliba sided u samaysato oo ka arimiya, sida
maaglo waliba ay danteeda, iyo ta dalka ba wax uugu soo kordhin
lahayn
Waxaan kusoo ururin lahaa, hadal ka, intaanu ila tarmin.
Reer somaliland meel ay joogaan ba waxa la gudboon, in indhaha la
furo, si dhab ahna looga wada tashado, waxa inaga khaldan, iyo waxa
dib inoogu celiyay waxaysnu soo dhaafnay .
Hore waxa loo yidhi waxa umusha u dan ah baa, ilamaha u dan ah. Reer
Somaliland dhamaan meel ay joogaan ba wax qudha inoo dan ah, taasina
waa inaynu wax badalno, lana wada ogaadaa dhib gobol , ama shakhsi,
ama cid gaar ah inay ina wada gaadhdhay, haddiise lays kala xigsado,
kolba dawladdii jirta , dhibteeda iyo dheefteedana loo sinaan waayo,
hubaal waxa ah, inay maalin faraheena ka dhex bixi, ilaahay inaguma
keenii.
Waa bilaahi tawfiiq.
Abdulkhaliq Ali
|