Maalinta dhalinyarada qaranka Somaliland iyo
go’aankayga siyaasiyadeed
Maanta oo ay ku beegantay 20-ka February waxa dalka Somaliland laga
xusaa maalinta qa ran ee dhalinyarada. Waa maalin ku suntan halgankii
dhagax-tuurka ee dhalinyaradii wakh tigaa skuulada dhexe-sare ee
caasimada dalkeena ku jiray ay ka gadoodeen xadhi gii iyo xu kunkii
dilka ahaa ee laggu xukumay haldoor-koodii (reer Somaliland) oo
markaas dambigoo du ahaa in ay isku xil-qaameen habeynta iyo
dayactirka dhakhtarka magaal ada Hargeisa. Haldoorkaas la xukumayay
maalintaas waxa ka mid ahaa Maxamed Baaru ud, Aadan Wars ame, Dr
Maxamuud Taani iyo qaar kaloo badan. Waxa aan inta nool ee
haldoorkaas maalint aa xaq-darrada lagu xakumayay iyo dhalinyaradii u
gadooday-ba ilaahay uga baryayaa nol ol wanaagsan iyo dalkeenoo
dhinac walba ka qurux badan in cimrigu ku simmo, intii dhimat ayna
waxa aan ilaahay uga baryayaa in uu naxariistiisii ja nno ka
waraabiyo, aamiin.
Halgan-ku sidiisaba waa ficil loo qaado sidii aad naftaada amma
dalkaaga aad u wanaaj in la hayd. Dhalinyaradii 1982-kii dalkeena
Somaliland joogtay waxa uu dareenkoodu siiy ay in h algan-koodu noqdo
gacan ka hadal oo ay dhagax-tuuraan oo ay xanuunkii wakthi gaa jiray
u adkaysan waayaan. Gacan ka hadalku waa halgan-ka ugu fuduud ee
umaddi galli karto m arka laga hadlayo halgan umadeed umad laggu
qaabeynayo. Hadaba waxa iswaydiin mudd an waa maxay halgan-ka
dhalinyarada maanta joogta ay tahay in ay gallaan?
Dhalinyarada maanta halgankii ugu cuslaa ee ugu xanuunka badnaa ayaa
u yaala, kaaso ah sidii ay dadkooda nidaam qaran ugu qaabeyn
lahaayeen oo ay jahliga ulla dagaalam mi laha ayeen. Waxa aad moodaa
in xaggii dhalinyaradu iyo aqoonyahanku umadda ka h aggi lahaa ay
af-ku-xoogayaal ka hagayaan, dhalinyaradiina markaas afka uun ka
hadas ho ee ayna wax ficil ah oo cilmiyaysan ku darin.
Matalan waxa sanadkii hore dalka laga bilaabay olole qabyaalad diid
ah oo runtii dad badan oo aan ka mid ahay ididiilo galiyay laakiin
ku koobnaaday uun fagaraayaal lagga ga byo, la ga hadlo amma laga
qiiroodo uun. Olole marka dhib jirta laga qaadayo ujeedade edu waxa
ay tahay in dhibtaas jirta la cidhib tirro amma la yareeyo oo la
shiiqiyo. Hadaba haddii olole hadal iyo gabbay ka kooban qabyaalad
lagula dagaalami karo bari hore ayeey inaga bixi lahayd waayo
1960-kii amma ka horaysayba ayuu abwaankii way naa ee reer Somaliland
Timacadde (AHUN) uu ku gabyay: “Dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay
dumiso mooye”.
Ka dib ku dhawaaqiddii ololaha qabyaalada ilaa maanta waxa dalkeena
ka dhacay ficilo, am ma hadal ha ahaadaan amma gacan ka hadal ha
dhacee, qabyaalad ku salaysan cid ka hadl aysa oo ololihii ka mid ah-na
amma dhalinyarada Somaliland ah-na maan maqal. Hadal-ka, durbaanka
iyo qayladu waa qaybta ugu horaysa, siiba marka la haysto
fagaarayaal iyo me dia-ha, ee dhib lagula dagaalammo ee laakiin
kaligood waxba ma qabtaan ee waxa ay kuu salixi karaan wakhti
munaasib ah (momentum) oo aad guul wayn kaga gaadhi kartid olola haas
haddii aad hab qorshaysan oo aad looga fikiray u dajisatay.
Hadaba dhalinta reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaan dallada SONYO
iyo muwaadiniinta qaybta ka ah ololaha qabyaalad diidka waxa aan
isku dayayaa in aan idiin soo jeediyo tallo oyinkan hoos ku qoran:
In culays la saaro xukuumadda iyo golayaasha kalee qaranka si ay
nidaam sharciyaysan ug u sameeyaan nidaam darrada dalka ka jirta,
haddii ay tahay qabyaalad, dhaqaale xummo, musuq-maasuq, maagooloyin
bilaa nidaam ah oo sidaa daraadeed bilaa bilic noqday, umad sii
qoqobmaysa iyo dhibaatooyinka kalee badan.
In aad si midaysan uga hadashiin hadalada iyo ficilada qaran dumiska
ah ee maalin walba dalkeena ka dhaca ee TV-yada lala taaganyay.
In aad u doodiin in muwaadiniinta dalka loo oggolaado in ay
banaanbaxyo salmi ah oo ay da reenkoodi ku cabirayaan (haddii aanu
qaranka mid kasoo horjeeda ahayn) sameyn karaan sida dastuurka dalka
ku xardhan.
In aad isku xilqaamtiin sidii dadkiina aad u bari lahaydeen hababka
dareenka diidmo loo muu jiyo ee salmiga ah amma loo banaanbaxaba.
In aad sharciga kula dagaalantiin dhaqan xummada dalka ka jirta ee
ay qabyaaladu ka midk a tahay oo aad culays golaha wakiilada ku
saartiin arinkaas.
In aad ururada bulshada u abaabushiin tababaro ku aadan sidii
shicibka ugu abaabulli lahaa yeen (advocates) la dagaalanka dhaqan
amma maamul/sharci xummo.
In aad halgan u gashiin sidii ururada bulshada Somaliland uga
madax-banaanaan lahaayeen dhaqaalaha hay’yadaha caalamigaa, taasoo
sida ay ila tahay, baabiisay waxtarkii iyo wada niyadii ururada
bulshada ee dalkeena.
Intaas haddii aan ku dhaafo xuska maalinta dhalinyarada Somaliland,
waxa aan maalintan taariikhiga ah u sheegayaa asxaabtay,
family-gayga iyo dhammaan dalwadaagtayda reer Somaliland in aan
go’aansadday, ka dib 27 sanadood oo aan qadiyada Somaliland ku
foog anaa iyo sanad aan ka fikirayay go’aankaygan maanta ah, in aan
isku sharaxo xubin-nimm adda golaha wakiilada Jamhuuriyadda
Somaliland sanadka 2017-ka in sha Allah oo aan mag aalada Berbera ee
aan ku dhashay iska sharaxo si aan fikirkayga siyaasadeed ee ku
aadan horumarinta qarankayga iyo ka dhabaynta himilada umadayda ee
salkeedu yahay sugidda qaranimadda Somaliland. Waxa aan fikirkayga
oo faah-faahsan kusoo bandhiggi doona munaasibad qabsoomi doonta
Sabtida 26-ka March 2016-ka, hal-ku-dhiggayguna (slogan) wuxu yahay
“Qaabe Qarankaaga”. Waxa aan sidaa daraadeed dhammaantiin idinka
codsa nayaa duco iyo taageero nooc walba leh, haddii ay noqoto
dhaqaale, dhiiri galin iyo cod-ba. Wixi tallo amma taageero ah-na
toosbaad igalasoo xidhiidhi kartiin in sha Allah.
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist
London
iidsl@hotmail.com
|