Maalinta Shahadada SNM oo Maanta Si wayn Looga Xusay Hargeisa:-
 


Hargeysa( Longlivesomaliland News)-Munaasibad balaadhan oo lagu  xusa yay Maalinta shuhada SNM ayaa saaka lagu qabtay Xarunta Beerta  Xoriya da ee Caasimada Hargeysa. Munaasibadan oo ahayd mid si wayn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay, saraakiil Sarsare oo ka tirsanaa Ururkii Dalka dib u xoreeyey oo imika ka kala tirsan Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Dawlada, Wasiiro ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Rayaale, Xildh ibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Somaliland( Guurti iyo Wakiilo)  Dhall inyaradii ay ka tageen Mujaahidiintii Dalka u soo halgamay, Marti sharaf tiro badan iyo Dadwayne aad u badan.


Masuuliyiin kala duwan oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo Maray Halgankii dib u xoraynta iyaga oo si gaar ah u xusay qiimaha ay Maalintani leedahay. Waxa ay Masuuliyiintii halkaasi ka hadashay ay carabka ku adkeeyeen in Maalintani ay si gaar ah uga  tilmaa mantay Maalmihii kala duwanaa ee uu soo Maray Halgankii hubaysnaa ee ay Mujaahidiintii SNM Dalka kaga xoreeyeen Kalidii Taliyihii Macangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Bare.

Injineer Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa Masuuliyiintii SNM oo ka mid ahaa Madaxdii saaka halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Dalkeenu  maa nta mid ku filaan kari waaya ma aha Agoontii laga dhintay iyo dadka  naaf ada ah.wax ka badan baynu qabsan karaa oo aynu ka filaynaa.abaaro ayaa ina haya biyo xidheeno ayaynu samayn karnaa lacag aynu biyaheena ku xidhno ma aynu waayin.taariikhdii halganka ayaa la qori guddiyo ayaa loo saari, ciidamada ayaa darajo la siin karaa. Kuwa agoonta iyo naafada ah ayaa loo qaban karaa waxay u baahan yihiin. Sida Tacliinta. Ma aha in Lixle Hooyadii wax loo doon doono.”

Maxamed Xaashi wuxuu sheegay in laga xisaabtami doono wixii loo qabtay dadkii u soo Halgamay dalka iyo ubadkii ay ka tageenba.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Af Hayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee  K ulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Waxana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaanu ilaahay maanta uga baryaynaa waa shuhudadii ku geeriyootay halgankii dalka.maalintan xuskeeda waxa ugu mudan ee aynu xusaynaa  wa a agoomaha halkan fadhiya,naafada, dhaawaca iyo dhammaan  mujaahidii ntii SNM. Halkan waa la sheegay maalintan 17-ka October ee sanadkii 1984-kii dagaalkii Burco-duuray taariikhdeeda wax kale oo jiray maalmo kale oo dagaalo ka culusi ay dhaceen. Laakiin maalintani waxay kaga duwan tahay waa maalintii tiro badan oo mujaahidiin qiimo badan lihi ay goob ku wada dhimatay oo uu Hoggaaminayay hoggaamiyihii ugu mudnaa ragii  hoggaa miyeyaasha ahaa ee SNM Maxamed Xaashi Lixle, sababtaa darteed ayaa maalintan looga dhigay maalin mujaahidiintii oo dhan la wada xuso.



Maalintan oo Sanad kasta Dalka laga xuso ayaa ah 17-ka Bisha October  ta asi oo ku suntay 17-ka bisha October sannadkii 1984-kii. Maalintaasi oo uu Dagaal ba’ani dhex maray Xoogagii SNM iyo Ciidamadii Siyaad Barre Meesha lagu magacaabo Burco Duuray. Waxana Dagaalkaasi ku geeriyooday Eebe ha u Naxariistii Mujaahidiin tiro badan oo uu ka mid ahaa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle).



Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeysa Somaliland