WAR-SAXAAFADEED

 


 


Maalintani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ay Qodayso Qabrigii Lagu Aasi-lahaa Xoriyatal Qawlka Iyo Madaxbanaanida Saxaafadda Xorta Ah

Iyadoo ay barri ku beegantahay maalintii saxaafadda Somaliland wuxuu xisbiga mucaarid ka ah ee WADDANI bogaadin hawada u marinayaa warbaahinta madaxabanaan ee Som aliland.

Saxaafadda madaxabanaani waxay door muhiim ah ka qaadatay hirgalintii dimuqraadiyad da iyo ilaalinta xoriyatal qawlka ay Somaliland ku soo caano maashay.

Saxaafadda madaxabanaani way ku amaanantahay dedaalka ay ugu jiraan sidii qarankani uga badbaadi lahaa kalitaliye ku tagrifala awooda kursiga iyo hantida umadda sidoo kale waxay taariikhdu qoridoontaa sida saxaafadda madaxabanaani ugu dhabar adaygtay ha wsha culus ee ay umadda Somaliland u hayaan iyo hagardaamada ay inta badan kala kul maan xukuumadda talada haysa.

Maalintani waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ay qodayso qabrigii lagu aasi lahaa xoriyatal qawlka iyo madaxbanaanida saxaafadda xo rta ah ee ay umaddani inta badan soo ilaalinaysay.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu ka xunyahay sida karaamo darrada ah ee xuk uumaddani u bahdishay warbaahintii dawladda uguna adeegsanayso in lagu aflagaadeey o xisbiyada mucaaridka ah iyo muwaadiniintii bixinayey cashuurta ay warbaahinta dawla ddu ku shaqayso.

Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxuu warbaahinta Somaliland u rajeynayaa musta qbal ifaya iyo madaxbanaanida taamka ah ee dastuurku u damaanad qaaday.
 

 


Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Md. Maxamed Xasan Dirir