Maamulka Arabsiyo oo Qaylo-dhaan Dheer ka Bixiyey Kontorool Gabiley ku Cunaqabataynayso
 

Arabsiyo (TNN)- Maamulka degmada degmada cusub ee Arabsiyo, ayaa qaylo-dhaan aad u dheer iyo digniin culus ka bixiyey kontarool cusub oo degmada Gabiley ka samaystay  duleed ka galbeed ee magaalada Arabsiyo maalintii Sabtida ee toddobaadkan.

Degmada Arabsiyo oo dhowaan ka hoos baxday gacanta maamulka degmada Gabiley, ayaa waxa hore maamullada labada magaalo uga dhex oogmay xiisad gacan-ka-hadal gaadhay oo ka dhalatay, kadib markii maayarka Gabiley isku dayey inuu xoog ku horjoogsado qorshe ma daxda cusub ee degmada Arabsiyo loogu madaxbannaaneeyey maamulka dakhli-maalmeedk a uga soo xerooda cashuuraha oo xisaab gaar ah looga furay Baanka Gabiley, iyadoo  arrint aasina keentay xilwareejin guud si buuxda loogu kala madaxbannaaneeyey labada maamul oo foodda isla galay markii xukuumaddii talada wareejisay ee Madaxweyne Rayaale ku  dha waaqday degmada Arabsiyo lix casho ka hor maalintii codbixinta doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 26 June 2010.

Weriyeyaal ka tirsan Jamhuuriya oo Sabtidii booqday Arabsiyo, ayaa halkaa kula kulmay  ko ntorool cusub oo masuuliyiinta degmada Gabiley ka yagleeleen meel qiyaastii ilaa 4km oo  ke liya dhinaca galbeed ka xigta magaalada Arabsiyo, kaasoo sida ilo xogogaal ahi xaqiijiyeen uu maamulka Gabiley ku damacsan yahay inuu ku cunaqabateeyo cashuurta khudaarta ka timaad dhul-beeraadka degaanka Ceel-giniiseed oo hoos yimaad Arabsiyo.

Maayarka cusub ee degmada Arabsiyo Mr. Sitiin Ibraahim Nadiif oo Jamhuuriya wax ka  wey diiyey dareenkiisa ku wajahan kontoroolka madaxda reer Gabiley dulkeeneen magaaladooda, ayaa ku tilmaamay tallaabadaas farogelin qaawan oo horseedi kara dhibaato nabadgelyo-darro iyo isku-dhac aan loo baahnayn oo fidno ka dhalato. Sidoo kale waxa uu arrintaas ku sifeeyey cunaqabatayn maamulka Gabiley ku doonayo inuu sifo sharci-darro ah ugu booboo dakhliga yar ee maamulkiisa curdinka ah uga soo hoyan jiray cashuurta khudaarta ka soo go’da beeraha degaanka Arabsiyo.

“Waxaan ka codsanayaa maamulka Gabiley inuu si degdeg ah uga noqdo tallaabadaas, isla markaana ka qaato kontoroolka uu sida sharci-darrada ah u dulkeenay degmada cusub ee Arabsiyo, taas oo dhalin karta dhibaato iyo khilaaf ka dhex abuurma shacabka labada  deg mo ee walaalaha ah,” ayuu yidhi Maayar Sitiin.

Ugu dambayn, waxa uu ugu baaqay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Daakhiliga inuu  arrintaa s degdeg wax uga qabto, isla markaana maamulka degmada Gabiley ku amro in uu sida ugu dhaqsaha badan u qaado kontoroolka uu dhigtay duleedka Arabsiyo, kuna celiyo goobtiisii hore.

Tallaabada dhul-ballaadhsiga ah ee maamulka Gabiley ku cunaqabataynayo dhaqaalaha  deg mada cusub ee Arabsiyo, ayaa ku soo beegantay xilli dalku ku jiro xaalad kala-guur ah oo ay dhowaan talada qaranka la kala wareegeen laba xukuumadood, sidoo kalena aanay  muna asib ahayn abuurista baro kontoroollo cusub iyo farogelinta xuduudaha degaannada dalka.



Source: Jamhuuriya Online