Maamulka Dekedda Berbera oo ku Gacan-saydhay Digreeto Wasii rka Maaliyaddu ku Dalbaday Qabashada Lacagaha Adag
 


Hargeysa (TNN)- Maareeyaha dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir, ayaa ku gacan-saydhay  digre eto uu Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi kaga dalbaday in lacagta adag ee ka soo  xero ota dekedda lagu shubo khasnadda Maaliyadda, taas oo aan hore wasaaraddu u qaban jirin.

Digreetadaas oo Wasiirku ku socodsiiyey Maareeyaha Dekedda waxa uu ku wargeliyey in Wasaaradda Maaliyaddu si toosa ula wareegayso dhammaan lacagta adag (Hard Currency) ee dekedda Berbera  qa banaysay muddada dheer, isla markaana ku dhici doonto khasnadda dawladda dhexe.

Haseyeeshee, Maareeyaha Dekedda Berbera Mr Axmed Yuusuf Dirir, ayaa ku gacan-saydhay dalabka Wasiirka Maaliyadda, isagoo ku dooday in digreetada wasiirku sharciga baalmarsan tahay, maadaama aannu soo marin wasaaradda dekeddu hoos tagto oo ah Wasaaradda Kalluumaysiga, Khayraadka  Bad da iyo Maamulka Dekedaha, sidaa daraadeedna waxa uu sheegay in aanay digreetadaasi isaga  khusa yn, kuna socodsiiyo wasiirka Kalluumaysiga oo maamul ahaan dekeduhu hoos-tagaan/

“Waxa na soo gaadhay digreeto si toos ah uga timi Wasiirka Maaliyadda oo aan meel kale soo marin oo uu aniga si toos ah iigu socodsiiyey halkii uu soo marin lahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga, Kha yraadka Badda iyo Maamulka Dekedaha, dekeddena maamul ahaan wasaaraddaas ayey hoos tagtaa, markaa waxaanu u tilmaanay inuu wasiirka si toos ah ugu qoro, wasiirkiina uu maqan yahay ee uu sugo intuu imanayo.” Sidaa waxa yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Mr. Axmed Yuusuf Dirir oo u  warram ayey xalay shabakadda wararka internerka ee Berberanews.

Maareeyaha oo la weydiiyey aragtiisa ku saabsan haddii la meelmariyo digreetada Wasaaradda  Maali yaddu ku doonayso inay kula wareegto lacagaha dekedda, waxa uu yidhi, “Shaqada dekeddu waa wax mar kasta taagan, agabkeeda ha noqoto, taag ha noqoto, dekeddaba ha noqoto, shaqaalaheeda ha  n oqoto ama adeegeeda ha noqotee, waa shaqo joogta ah oo 24-ka saacba soconaysa. Qalabka  deked du ku shaqaysaa waa mid qaali ah, waxa ka xumaada lacag qaaliya ayaa lagu soo iibiyaa, markaa  waxa annu u arkaynaa in aanay wakhtigan munaasib ku ahayn, maadaama qalabka dekedda qaar ka mid ah xun yahay, qalab cusub iyo hagaajina u baahan tahay, markaa wasaarada Maaliyadu in aanay dabooli karin ayaanu filaynaa, waayo marka uu tag (qalabka maraakiibta lagu soo xidho) xumaado Hargeysa loolama carari karo iyada oo maraakiib taagan tahay.

Tusaale ahaan iminka mid ka mid ah wiishashka dekeda ayaanu ugu yeedhnay shirkad Itoobiyaan ah oo samaysay, toddobaadka soo socdana waxaannu filaynaa in aannu mid labaad kicino, hawlahaasina  wa xay u baahan yihiin lacag adag,” ayuu yidhi maareeye Dirir.

 



Source; Jamhuuriya Online