Maamulka
Gabiley oo Shaaciyey Fuitaanka Jaa macad Cusub
oo Gobolkaasi Yeelanayo
“Way jirtaa in la iibiyey dhulkaasi, waanay
fiican tahey in warbaahintu baahi so wixii la lunsanayo iyadoo
ilaalanaysa danta guud” Gudoomiyaha
Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib)
Gabiley (Longlivesomaliland News)- Maamulka Gobolka Gabiley ayaa si
rasmi ah u shaaciyay shalay furitaanka jaamacad cusub oo laga
hirgeliyey magaa lada Gabiley.
Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), ayaa
shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga
dhawaaqay waqtiga ay si rasmi ah hawlaheeda u bilaabi doonto
jaamacaddii ugu horreysay ee laga hirgeliyo magaalada Gabilay.
Badhasaabku waxa uu shacbiga Somaliland, gaar ahaan reer Gabiley ugu
bu shaareeyey in Jaamacadda Timacadde oo weli dhismaheedu socdo in
bishan October laga bilaabayo diiwaangelinta ardayda noqonaya
dufcaddii ugu horr eysay ee jamacadda gala.
Hindisaha dhismaha jaamacadda cusub oo uu bilaabay Badhasaab Xabiib
laba sannadood ka hor markii lagu dhawaaqay Gobolka Gabiley oo hadda
dhisma heedii gebagebo yahay waxa laga yagleelay oo lagu beddelay
dugsigii sare ee Timacadda (Ex. Qalax) oo ku yaal duleedka woqooyi
ee magaalada Gabiley.
“Ujeeddada xog-warrankani waxay ku qotontaa sidii aannu dadweynaha
reer Gabiley iyo ciddii kale ee danayneysa ugu bushaarayno, ugu
wargelin lahayn in la bilaabay isdiiwaangalinta dufcaddii ugu
horreysay ee gala Jaamacadda cusub ee Gabiley laga hirgeliyey oo si
rasmi ah u hawlgeli doonta 15 October 2009, duruustana la bilaabayo
bisha November. Sidaa darteed, waxaan u sh eegayaa guud ahaan
dadka reer Gabiley, gaar ahaan qurba-joogga ballanqa aday inay
ka qayb qaataan dhammaystirka jaamacadda in looga baahan yah
ay doorkoodii, maadaama aannu ku dhawaaqnay furiteenkeeda,” ayuu
yidhi Badhasaabka oo iftiimanayey ujeeddada kulanka.
Waxa kale oo Badhasaabku faafaahin ka bixiyey tirada dadka ku nool
gobolka iyo baahida reer Gabiley u qabaan jaamacad si dhakhso ah
looga hirgeliyo m agaaladaas oo uu xusay inay ku yaallaan
dugsiyo sare oo ay wax ka bartaan ardayda ugu badan Somaliland,
“Arrintaas ayaa sababtay in qoyasas badan oo reer Gabiley ah ka
hayaamaan guryahoodii, una guuraan magaalooyin ka le sida
Hargeysa iyo Boorama si carruurtoodu u helaan waxbarasho
jaamaca deed.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Md. Maxamed Axmed Aw
Cabdi (Xabiib) ka jawaabayey su’aal saxaafaddu ka weydiiyeen waxa ka
jira dhul danguud ah oo ku yaal magaalada Arabsiyo oo Wargeyska
Jamhuuriya baa hiyey in maamulka Gabilyey iibiyey, ayaa
caddeeyey in fagaarahaas la iibiy ey, “Way jirtaa in la
iibiyey dhulkaasi, waanay fiican tahey in warbaahintu baahiso wixii
la lunsanayo iyadoo ilaalanayo danta guud.
Dhulkaas waxa loo iibiyey arrin
ay isla soo oggolaadeen, soona wada gaadh een duqayda
deega ankaas, maamulka Arabsiyo iyo kan degmada Gabiley, taasoo
ahayd in laca gta lagu iibiyo in xafiisyo loogu dhiso maamulka
magaal adaas, waana la bilaabey dhismihii iyo halkii laga
hirgalinayey, qiimaha lagu iibinayey wuxuu ahaa $25 kun oo dollar,
balse sida loo buunbuuniyey ma a ha,” ayuu yidhi Badhasaabku.
Source:Jamhuuriya Online
|