Maamulka heer degmo iyo heer gobol ee gobolka gabiley oo uu weheliyo wasiiirka warfaahinta ayaa maanta soo dha aweeyey wafti kasocdey jamhuuriyada jabuuti ee ka qayb galey xuskii 18ka may

 

 


Waftigani ayaa ujeedadiisu ahayd inay usoo duceeyaan xasan maxamed liibaan(guhaad) oo ku aasan tuulada ilama dado ee ka tirsan..............

Gabiley (TNN) Maamulka heer degmo iyo heer gobol ee gobolka gabiley ayaa maanta gobolka gabiley kusoo dhaweeyey wafti baladhaan oo uu hogaaminayo wasiirkii hore ee wasaarada warfaahita jamhuuriyada jabuuti kana mid ah, xildhibaanada barlamaanka cali cabdi faarax, waftigani oo ka qayb galey xuskii sanad guurada 22taan ee 18ka may ee ka dhacay magaalada hargeysa Somaliland.

Waftigani ayaa ujeedadiisu ahayd inay usoo duceeyaan xasan maxamed liibaan(guhaad) oo ku aasan tuulada ilama dado ee ka tirsan gobolka gabiley. Xasan maxamed liibaan ahaa ka mid ahaa xildhibaanadii barlamaanka jabuuti kana soo qabtey xilal badan dalkaasi. Waftigani iyo masuuliyiintani waxay warbaahinta kula hadleen magaalada arabsiyo oo qado sharaf loogu sameeyey.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley xoghaya fulinta dawlada hoose ee degmada gabiley c/raxmaan nuur abokor, waxaanu waftiga kusoo dhaweeyey gobolka gabiley, waxaanu uga mahadnaqay waftiga jamhuuriyada jabuuti sida wanaagsan ee ay usoo booqdeen gobolka gabiley .

duqa degmada arabsiyo c/laahi cabdi faarax iyo xogahaya degmadaasi maxamed habane samater, ayaa halkaasi hadalo kooban oo iskugu jirey soo dhaweyn iyo kalgacal u nuujiyey waftigii ka socdey jabuuti, waxayna u duceeyeen xasan maxamed liibaan.

Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse, ayaa halkaasi ka jeediyey hadalo soo jiitey dhamaan waftigii ka socdey jabuuuti, waxanu maayerku u duceeyey xasan maxamed liibaan waxaanu yidhi “ walaalayaal labada dale e somaliland iyo jabuuti waa laba dal oo walaalo ah, waa dad isku dhiiga ah, isku dheecaan ah waa ul iyo diirkeeda, waa dada aan kala maarmin, runtii sida wanaagsan ee aad 18ka may uga soo qayb gasheena waanu ognahay.” Ayuu yidhi maayerku

Badhasaabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi, ayaa waftiga sidiiran ugu soo dhaweeyey gobolka gabiley, waxaanu ka dhawaajiyey inay labada dal yihiin walaalo wada dhashay oo isku dhaxay waxaanu yidhi “walaalayaal labada dad ee kula dhaqan labada dal waa walaalo wada dhashay, oo isku dhaxay runtiina waanu ogtahay sida sharafta iyo qiimuhu ku jirto ee ay soo qiimeeyaan, waanu idin soo dhaweyneynaa marwalba waanu uducayneynaa xasan maxamed liibaan inuu qabriga unuuro.” Ayuu yidhi

Xildhibaan cali cabdi faarax oo ah wasiirkii hore ee warfaahinta jamhuuriyada jabuuti, waxaanu sheegay inay Somaliland u yimaadenen inay ugu hambalyeeyaan humarka iyo nabada waxaanu yidhi “ waxaanu ka nimid dalkayagii jabuuti, waxaanu nimid dalkaygii labaad ee Somaliland , waayo labada dalba dadkayagii ayaa jooga. Socdaalkayagani maanta waxaanu unimid inaanu idinkala qayb galno dabaal dega xuska 18ka may maadaama aanu nahay kuwii ugu dhawaa ee dhiiga iyo dheecaankaba la wadaagayey,uguna hambalyeyno shacabka Somaliland iyo dawladaba horumarka weyn ee ay gaadheen mudadii ay madaxbanaanaayeen, iyaga oo aan cidan caawin cidna aan caawimo ka helin, taasina waxaa keenay usu kalsooonaanta ay isku qabaan, Somaliland waxay ay samaysa cidna kama qarsoon waxaad qabsateen dhawaan idinka ay dalalka kale caawin doona, waxa kale oo aanu u soconey inaau u ducayno walaalkayo, aqoonyaha kaygii naga bxay xsan maxamed liibaan (guhaad) oo ahaa odeyga yagii ugu weynaa ee dib udhiska dalka jabuuti qayb weyn ka qaatey waxaanu ku aasan yahay xabaalaha ilma dado.” Ayuu yidhi xildhibaan cali cabdi faarax

Gabogabdii waxaa soo afmeerey xafladaasi wasiirka wasaarada faahinta wacyigalinta dhaqan iyo dalxiiska Abiib diiriye nuur, waxaanu soo dhaweyn meeqaamkeedu sreeyo ku qaabiley waftiga ka socdey dalka jabuuti waxaanu yidhi “ labada dale e jabuuti iyo Somaliland oo dad ehel ah oo wada dhashay runtii waxaa xusid mudan inay ka ahaayeen waftigii ugu horeeyey ee kasoo dega madaarka magaalada hargeysa waxaneyna taasi ku tusaysaa jacayla iyo walaaltinimada inaga dhexeeya, waxaanu usoo ducay oo aanu booqayney xabaalada uu ku aasan yahay xasan maxamed liibaan(guhaad). Runtii anaguna waxaanu idinkala qayb galeynaa xuska 27ka june. Dadweynaha reer gabileyna waxay idin farayaan inaad salaam ka gaadhsiisaan madaxweyne ismaaciil cumar geele iyo marwo khadra maxamuud xayda oo aad si gaar uga gaadhsiisaan dadweynaha.” Ayuu yidhi wasiirka warfaahinta Somaliland



C/raxmaan xaaji
Timacade News Desk
Gabiley,Somaliland