Maamulka Heer Gobol iyo Heer Degmo ee gabiley oo uu We he liyo Sh.Aadan siiro ayaa Manta Dhagax Dhigay Guri loo Dh isayo Qoys curyaamiin ah oo ku Nool Magaalada Gabiley
 

 


Sheekh Adan siiro oo halkaasi ka Hadley ayaa dadweynaha reer gabiley ku dhaliiley isku duubani la,aan iyo wada tashi la,aanta........


Gabiley (TNN):- Badhasaabka gobolka gabiley yusuf ibraahin geedi, maayerka degmada g abiley shucayb maxamed muuse, xildhibaan mahdi maxamed xaashi, oo uu weheliyo Sh. A a dan maxamuud xiirey(aadan siiro) ayaa manta dhagax dhigay guri loo dhisayo qoys cur yaamiin ah oo, oo danyar ah oo ku nool gudaha magaalada gabiley, waxaaney warbaahinta kula hadleen halka guriga la bineynayey.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Gudoomiyaha gudida dhul xil mahad maxamed xaas hi, waxaanu ka dhawaajiyey inay aad usoo dhaweyna yaa isla markaan ay kaalintoodii kaga soo hagaagtey ay bixiyeen, ilaahay ugu baryayo inuu caafiyo, dadweynaha ka cod sadey inay walaalohooda soo caawiyaan.

Maayerka degmada gabiley shucayb maxamed muuse oo halkaasi hadal kooban ka jeediy ey, ayaa ka dhawaajey inay qayb weyn ka qaateen hawshan, waxaanu u mahadceliyey sheekh adan siiro waxaanu yidhi “ waxaneynu manta joognaa jagadii ay dawlada hoose u iibisay qoskaa curmaayiinta ah ee reer gabiley, runtii may soo iibsan xanuunka ee inaga ayaa la inagu eegayaa, sh.aadan siiro aad iyo aadbuu ugu dadaaley qoyskaasi walaalaha ah, waxaan u mahadcelinayaa gabadhii deeqdan soo dirty, ka dawlada hoose ahaan wixii ka raakayaga ah waxaanu u qabaneynaa, waayo xil culus ayaa naga saran,waa umadii nasoo loodatey.”ayuu yidhi maayerku
I
Sheekh Adan siiro oo halkaasi ka Hadley ayaa dadweynaha reer gabiley ku dhaliiley isku duubani la,aan iyo wada tashi la,aanta, waxaanu cod dheer ku sheegay ina qoyska cury aamiinta ah la caawiyo waxaanu yidhi “ walaalayaal ilaahay baa mahad leh , manta waxa ynu joogaa halkii qoyska curyaamiinta ah looga dhisayey ee maayerka gabiley u iibiyey qoyskaasi, inantii lacgtan soo dirty lacagta waa gabdh u dhalatey dalka imaaraadka, wax aan lacagta kazoo qaadey gabdh reer Somaliland ah lacagtaasi waxay dhan tahay $270 0, waxaan u mahad celinayaa maayer shucayb oo runtii hawl badan naga furtey waxaan ilaahay ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro.” Ayuu yidhi sheikh aadan siiro

Gabogabdii waxaa halkaasi ka Hadley badhasabka gobolka gabiley yuusuf ibraahin geedi, waxaanu u mahadcelyey gabadhii deeqdan lacageed usoo dirty qoyskaa curryaamiinta a h waxaanu yidhi “ walayaal runtii waa arin lagu farxo,qoyskaa walaalaha ah ee curyaami inta ah , waa saqo jaariya, waxaanu u mahadnaqayaa maayerka iyo gulihiisa deegaanka ee hawshan hirgalinteeda ka qayb qaatey.
 



Timacade News Desk
Gabiley ,Somaliland