Maamulka Kulmiye ee Togdheer oo Beesha Caa lamka ka dalbaday Xayiraad Lagu Soo Rogo M ADAXWEYNE Rayaale

 

Burco (Longlivesomaliland News) - Masuuliyiinta Maamulka xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer ayaa si adag u canbaareeyay talaabada ay xukuumada  Ra yaale dalka kaga saartay ha,yadda Interpeace ee iyadu gacanta ku haysay hawlaha diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland.

Taasi oo ay ku tilmaameen mid dhaawacweyn u geeysanaysa doorashooyinka Somaliland iyo dedaalka beesha caalamka ee citiraaf-raadinta,taas  bedelkee dana waxay beesha caalamka u soo jeediyeen in ay masuuliyiinta Xukuumada Rayaale ay ku soo rogaan cadaadis caalami ah iyo waliba xayiraado dhinaca socdaalka ah, sidaasina waxay masuuliyiinta kulmiye ee Togdheer ku  sheeg een shir-jaraaid oo ay galabta ku qabteen xarunta xisbiga ee magaalada Bur co

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Sahal Aadan Maxamed oo isagu ugu horeyn shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay talaabadaasi ku  tilmaa may mid waji gabax ku geedi-socodki dimuqraadiyada curdinka ah”Talaabada Rayaale ka qaatay masuuliyiintii ha,yadda Interpeace waxaanu u aragnaa mid ku lid ah geedigii loogu jiray dimuqaraadiyadan curdinka ah, waxana aanu u aragnaa mid muujinaysa in aanu Rayaale diyaar u ahayn doorasho xor iyo xalaal ah” Sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha xisbiga kulmiye ee Togdheer Sahal Aadan Maxamed

Gudoomiye Sahal waxa uu sheegay in taageerayaasha xisbigiisu taageersan yahay mawqifka shirgudoonka labada aqal ka qaateen talaabada Xukuumadu kula kacday Ha,yaddaasi Interpeace”Waxaanu leenahay waxaanu  taageers anay mawqifka Shir-gudoonka Barlamaanka Somaliland, waxaanu usoo  jeedin aynaa in ay dalka badbaadiyaan iyaga oo isku dhan, dalku haadaan buu ku sii dhacayaaye” Ayaa ka mid ahaa ereyadii gudoomiyaha

Yaasiin Maxamed Cilmi(Yaasiin X) oo ka mid ah gudiga fulinta ee xisbiga  Kulmi ye/Togdheer oo ka mid ahaa xubnihii halkaasi ka hadlay, ayaa beesha  caala mka u soo jeediyay in ay dedaal xoogan u galaan wax-ka qabashada waxa uu ugu yeedhay Talaabooyinka Xukuumada Rayaale ku waxyeelaynayso  habsa mi-usocodka hawlaha doorashooyinka

“Beesha caalamka waxaanu leenahay waxka qabtay hadimada iyo ficilada  xu n-xun ee xukuumada rayaale kula kacayso dedaalkiinii ahaa in Somaliland ay ka hirgasho dedaal Dimuqraadiyadeed” Ayuu Yidhi Masuulkaasi

Waxa kale oo masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee shir-saxaafadeedkaasi ka  had lay ka mid ahaa Eng:Cali Siciid Raygal oo Beesha caalamka ugu baaqay in ay Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiinta Xukuumadiisa ku soo rogaan Xayiraad dhinaca socdaalka ah iyo Cadaadis Caalami ah”Beesha Caalamka waxaanu  ug u baaqaynaa in ay Rayaale ku Soo rogaan Cadaadis Caalami ah Iyo Xayiraad dhinaca Socdaalka ah Sidii C/Laahi Yuusuf ba aad uga Qabateen Koonfurta Somaaliya” Ayuu yidhi Eng Cali

Isagoo hoosta ka xariiqay in aan shacabka Somaliland qaadan dooniin wax uu ku tilmaamay talaabooyin ka dhan ah guud ahaanba Dalka Somaliland oo uu d edaal ugu jiro Madaxweyne Rayaale”Daahir Rayaale waxaanu leenahay  Shac abka Somaliland dalkan dhiigbuu u soo daadiyay yeelimaayaan talaabooyinka aad doonayso in aad ku waxyeelayso Sumcada wadanka iyo doorashooyinka, waxaanu u sheegaynaa in aanu taageersanahay mawqifka Xisbiga Kulmiye ka qaatay wejigan cusub ee ay yeelatay marxaladii Siyaasadeed ee Somaliland” Ayuu Yidhi Cali Siciid Raygal

Dhawaaqa Xukuumada ee eriga Xubnaha ugu sareeyay ha,yadda Interpeace ayaa intaba badan shacabka ku dhaqan Gobolka Togdheer ku noqotay  dhaw aaq dhegohooda ka weynaaday, waxana ay su,aal badan ka keenaayeen  dh abada loo mari doono suurtagalnimada sidii ay u dhici karto doorasho lagu kalsoonyay


Source:Somaliland.org