Maamulkii Degmada Tog-wajaale Oo Si-rasmi Ah Xilkii Ugu Wareejiyey Maamulada Cusub Ee Loo Soo Magacaabay

 

Tog-wajaale(TNN)-Badhasaabka Gobolka Gabiley Rashiid Cumar Sheekh ayaa ka qayb galay  mu naasibad ay xilka kula kala wareegayeen Gudoomiyihii hore ee Degmada Tog-wajaale Qawrax Muuse Xuseen iyo ku xigeenkiisii Kaahiye oo ay ugu wareejinayeen Gudoomiyaha cusub ee loo soo magacaabay Degmadaasi Xaashi Maxamuud Cabdi (dhaga-dheere) iyo Gudoomiye ku  xigee nka cusub Maxamuud Sheekh Muuse Bookh.


Munaasibadan ay xilka kula kala wareegayeen labada Maamul oo si heer sare ah loo soo  agaa simay ayaa waxa ka soo qayb galay Badhasaabka Gobolka Gabiley Rasiid Cumar Sheekh, Agaa simaha waaxda Dawladaha hoose ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Xasan Raage, Sarkaal ka  Ti rsan Wasaarada Arrimaha Gudaha Ismaaciil Nuur Magan, Saraakiisha Waaxyaha Dawlada  hoo se, Xubno ka tirsan Ganacsatada Degmada Wajaale, Odayaal, iyo Marti sharaf kale oo badan.

Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ugu horreyn halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay sunne  taha y in Xilku meerto yahay oo Maalinba ninkii Ilaahay u qoray uu ku fadhiisanayo kursiga, Waxa  ka le oo uu ka dayriyey in Degmadani ay joogaan Shaqaale wada baarqab ahi sida uu ku hayo  wa rbixinta, kulana dardaarmay Maamulka cusub in uu ka feejignaado nimankaasi, Waxana  hadal adiisii ka mid ahaa:- "Isbadalkani waa sunne oo qof kastaa(Maamul) waa Isbadal u joog, Masu uliyaduna waa meerto Ninkii Alle u qoro ayaa ku fadhiisanaya Kursiga, Waxaan laakiin warbixin dhamaystiran ku hayaa in Magaaladani ay joogaan Shaqaale wada Baarqab ah oo wada masuul ah, oo ay joogaan halkan(wajaale) 18 Gudoomiye oo aanay sooba xeraynin wax Dakhli ah ee ay suuqyada ku wada cunaan, Waxan Gudoomiyaha ku dardaarayaa in uu u feejignaado  Nimanka asi oo Gacan bir ah ku qabto daba galna ku sameeyo ninkii lagu qabtana laga qaado Tallaabo  a dag, Booliiskana waxan ku war galinayaa in ay Diiwaan galiyaan juwanada Minishiibiyadu ku soo ururiso Dakhliga, isla markaana dabagal ku sameeyaan, Cidii ay ku arkaan weec-weecadna ay Tallaabo ka qaadaan".


Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Agaasimaha Dawladaha hoose ee Wasaarada Arrimaha  G udaha Xasan Raage oo ku dhaliilay Dadwaynaha reer Tog-wajaale Wax-qabad ay ka sugaan Dawlada dhexe, oo uu sheegay in aanay halkaa(Dawlada dhexe) sugin ee ay Iskaa wax u qabso iyagu horta bilaabaan, wixii karaankooda ka sareeyana ay u soo ban dhigaan Dawlada dhexe iyo Hay'adaha Caalamiga ah, Dawlada dhexena ay u gujin doonto Ha'adaha Caalamiga ah. waxa kale oo uu sheegay in uu xantooda hayo sida ay ula tacaamulaan NGO,s ka Maxaliga ah, waxa anu kula dardaarmay in ay badalaan sidaa ay ula macaamiloonayaan Hay'adaha Maxaliga ah.


Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Gudomiyaha Ganacsatada Wajaale C/laahi Muxumed Bile iyo  M axamed Jaamac, iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Degmada Tog-wajaale oo Xusay in aanay canaananaynin Gudomiyihii hore oo ay sheegeen in uu kala mid ahaa Wax qabadka Xukuumadii hore ee uu ka tirsanaa, Wax yeeladana kala sinnaa isla Xukuumadii hore. Waxaanay soo ban-dhigeen in ay jirto Baahiyo badan oo Magaaladani tabayso, diyaarna u yihiin in ay kala qayb qaataan wixii horumarka ku saabsan intii karaankooda ah.


Gudoomiyahii hore ee Degmadan ee Xilkii lagala wareegayey oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku kaftamay in intan meesha iskugu timi aanay ka dhex muuqan Xisbigoodii Udub ee laga  guulay stay, ee ay yihiin intan muuqataa Masuuliyiintii xisbiga hada haya talada Dalka ee Kulmiye, iyo Taageerayaashoodii, waxa kale oo uu xusay in Dadka reer Tog-wajaale yihiin Dad aad u fiican oo aan lahayn wax turxaan ah.


Gudoomiyaha Cusub oo isna halkaa ka hadlay ayaa Alle ka baryey in uu ku asturo Xilkan Culus ee uu qaaday, una soo jeediyey Dadku in ay ugu soo duceeyaan. Gudoomiyuhu waxa uu ka  dar daar wariyey in Dadkan hada sida wayn u soo dhaweeyey Magacaabistiisa uu ka baqo qabo in hadii bari ka maalin uu rubuc jaad ah ku celiyo mid ka codsaday, in ay la daba gali doonaan cay iyo waxma tare igu dhaliilaan.

Isbadalkan Maamul ee ka qabsoomay Degmadani ayaa ku soo beegmay xilli Dalka gabi  ahaantii ba uu ka hir galay Isbadal ballaadhan oo dhinacyo badan leh min Madaxwayne, Gole wasiir, Gud oomiyeyaal Gobol, iyo Agaasimayaal guud.
 


C/risaaq Maxamud Aw Daahir
Caydarus Axmed Ismaaciil (Qadiye)
Timacade News Desk
Tog-wajaale Office