MAANSO GEERAAR AH

 


Marka hore waxaan salaamaya dhamaan hawl wadeenada Shabakada Caalamiga ah ee Timacade News Network, marka xigta waxaan salaa maya dhamaan akhristayaasha sharaf ta leh meel kastoo ay joogaan.

Waxaan halkan idin ku soo gudbinayaa maanso geeraar ah oo aan curi yey 05/06/2012 kana hadlaysa shilka baabuurta wadankii.
 

 



Carigaan ku barbaariyo

Beledkii dhulka hooyaa

Beerku ii damqadaayo

Shilkan sii badanaaye

Shaqaalii baxsanaa iyo

Bulshadii ba dhameeyaa

Beytkan aan ka abuuroo

Barbaartii wadan keenaan

Ku baraaruji leeyee

Bayaan iiga dhegaysta

*****

Hadii aad beryahaaba

Barqadii kalahaysoo

Shaqo aad ku badhaadhay

Meel fog aad ka bilawday

Ama haayad balaadhan

Badh laguu magacaaboo

Balan aan la huraynin

Bender aad u tegayso

Gaadhigaad ku baxaayso

Indhaa laydhku bidhaamiyo

*****

Bidh bidhaa lagu leexdiyo

Guluubkii bened naaye

Bereeguun ku tusaayey

Isha baalka la raacoo

Buuxi taayiradiiso

Saliidu budlinaayiyo

Biyihii u qiyaasoo

Hay isteerinka baashoo

Baabacooyinka saaroo

Wadadaad bedelaayso

*****
Inta aanad ka baydhin

Midaad beegso is leeday

Bidhbidhaa ku tilmaanoo

Barta aad u ordaysiyo

Bidixdaada hareertiyo

Barbarkaaga jaleecoo

Eeg muraayada baashiyo

Ta baabuurta tusaysoo

Ku biniini indhaayo

Adigoo is bidaaya

*****
Mid biimeeyay naftiisa

Baas haduu kugu dhaafoo

Boodhka uu kugu saydhoo

Bidhaantiisaba weeydo

Adna baawar ha siinoo

Intaad geerka ku boobto

Boqol maylka ha geeyne

Marbuu buuro dhextoodiyo

Bataaxoo rogmanaayiyo

Buunto kaalaa dhacaaye

*****
Boga laabta dusheediyo

Suunka beerka ku giijoo

Birtu way ku dishaaye

Qabta aad yar bareega

*****
Tagsigaa burburaaye

Sanadkii bilanaayaba

Jabaan ay bedelayse

Badahaa laga keenaa

Dadka baacuga gooyo

Biixiyaa ka rigaaxoo

Meelahaa kala boodo

Boqolaal haligaayo

Inkastoo naf baxaysa

Cidii baajin karaynin

*****

Sababaa badan koodu

Waa isteerin ka baasho

Bidix aan kaga oolo

Midig loogu bineeyo

Shirkadii ku badhaadhe

iibintiisa bilawday

Dadka jooga barmuudiyo

Burunaay shacab keediyo

Ila maa bakastaaniyo

Bunbaay bay u samaysoo

*****

Wadadooda balaadhan

Bidixduu ka maraayo

Beled keena dhexdiisana

Midigta u banaano

Boqol uu ku socdaayoo

Cagaf taayiro buuran

markaad baas istidhaado

baabuur ka hor yimaadiyo

booyad baan ku gefaynoo

bidhaantaanad arkaynin

wadadii balaqnayde

*****
boga laabta dusheediyo

beerka suunka ku giijoo

birtu way ku dishaaye

qabta aad yar bareega

gaadhigaa dadka biiliyo

tiyootaa dhulka buuxee

beledkeena yimaadaa

kamaankuu ku bakaaro

hadii bool laga saaroo

birta aad saru qaado

*****
qiyaastaa badh lumaayo

baalihiisa culaysku

dhinac buu u bataayoo

markaad layliga buu’biyo

xoolohoo barqanaayiyo

wadadii badhtankeedoo

dhagax buurani yaalo

barbar aad uga gooyso

adoon baacin Karayn buu

jidka kaala baxaayoo

*****
sidii baal dacar duulay

bidix kuula dhacaaye

birahaa is dul saaran

sidii laysugu beegee

maalintii la bineeyay

baanadu u xidheen iyo

boolashiisa u daayo

badhtankiisa kuraastana

hadii laysku buquujoo

dadku u iska buusho

*****
taayirkaa banjaraayee

intii xeerku bayaashee

beelka loogu sameeyee

loo baneeyay ku qaadoo

halis looma badheedhee

basar gaasta u siiyoo

*****
boga laabta dusheediyo

suunka beerka ku giijoo

birtu way ku dishaaye

qabta aad yar bareega

*****
hawl kastoo beri taaluu

gaadhi baylah tiraayoo

baahi loogama maarmee

basaskii cararaayiyo

booyad taangi la saariyo

xamuul baastada qaadiyo

candho maydle bagaashkiyo

bariiskii lagu raariyo

inta buudhiga jiidiyo

tagsigii bilcanaaba

*****
laysan buuxa u qaatoo

hadba kaad barataabaa

rabi kuu barakayne

markaad hiirta ku boodee

bilig aad u dhaqaado

talafoonka bakhtiiyoo

wax kastood barbarkaagiyo

bartuu yaalay ka waydana

baadhitaan ha ku goobine

malaa bawdada ruungiyo

*****
boqonkaa qarinaayoo

adigaa ku bakaaroo

isagaa baritoole

iska soo bixidoonee

gooladaha laga baydhiyo

boholada iska eegoo

*****
boga laabta dusheediyo

suunka beerka ku giijoo

birtu way ku dishaaye

qabta aad yar bareega

*****
mar uunbaa jid banaanoo

dadku uu ku badhaadho

balac weyn la samaynoo

shicibkii badahaa iyo

debedaa u boqooliyo

ubadkii laga beeriyo

ardaydii biritaaniya

wax ku soo baranaysaa

maanta hawsha bilaabe

barbarkooda istaagoo

*****
gacan buuxda ku siiyoo

dhinacay ka baxdaaba

waa bakayle geleene

balan qaadka rumeeyoo

shilinkaad bixisaaniyo

isku biirsada xoogoo

inta laami banaanoo

dadku uu ku badbaado

bulshadeenu helayso

*****
boga laabta dusheediyo

suunka beerka ku giijoo

birtu way ku dishaaye

qabta aad yar bareega.

*****

 

 

Abwaan Aadan Muuse Haybe