MAANT KOLKAAN DAAWANEY HORN CABLE TV WAAN KU DIIRSANEY OO ROOBAA INOO CURTEY! by mahdi ali
 



Waxaan salaamaya dhamaan ummadda Somaliland ee jecel jiritaanka iyo sharafta  dalkoodda,Maa nta ooy tariikhdu tahay 28/01/2010 waa maalin tariikh ku leh dadka yurub jooga ee Somaliland waa maalin aynu xorowney oo dalkii macaana aynu toos ugu daawaneyno HORN CABLE TV,(WACT CH HORN CABLE TV FREQUENCY 1081SH 27500).


Maanta waa maalin aanu xorowney oo dalkeeni,dhaqankeeni,afkeeni,iyo sharafteeni meel aynu ka sii deyno aynu helney,maanta waa maalin la mid ah maalintii aynu gacata ku dhigney  Somaliland, w aa maalin ay caruurteenu ayna dib u daawan doonin af nooc kale ah oo FIIRI,CUNUGA IYO ABAA YO.

Waa maalin aynu murtideena,sugaanteena iyo aqoonteena aynu daawan doono inagoo yurub joo gna,waa maalin ayna TV danbe aaneynu hoos fadhiisan karin,oo INA XOOSH danbe hablaheena iyo milgaheena inagu caayi karin.


Waxay ahayd in mar hore la furo TV ay leedahay Somaliland se waxaa gaabiyey  dowladda,tijaart a, aqoonyanadda iyo dhamaan qurbo jooga,se maanta waxaa inoo kacay ragii ficilka iyo aqoonta lagu yaqaaney,ilaahay ha ka baal mariyo.

Waxaan leeyahay dhalinta iyo waayeelba ee u dhashey somaliland waar HORN CABLE TV waa kiinii ee u shaqeeya , oo is garab taaga , waliba intuu kor u soo kacayo aad u caawiya,oo wixii xayeeys iisa, ka soo deysta oo dhinac walba kala shaqeeya.

Ilahay Somaliland ha caawiyo,HORN CABLE TV ilahay mid lagu diirsado ha ka dhigo.

 >>>>AMIIN.>>>>AMIIN.
 

 

 

 

Mahdi Ahmed
LONDON
mahdi172@hotmail.com