Maanta shalay dhaantey Q5 aad Dhagax kariye!Eng: Maxamed Jaamac Axmed (maskax)

 


 

Sida inteena badani la socoto ama ogsoon tahay weftiyada ka yimi dalalka adduunka siiba  mar aykanka iyo yurub ee dalkeena soomaaliland booqashada ku yimi waxaa ugu miisan cuslaa ama ugu mudnaa ogaalkay haweenaydii africa u qaabilsanayd wasaarada arimaha debeda ee  mara ykanka ama kaaliyaha xoghayaha arimaha debeda u qaabilsanan jiray africa Jaandey farayzer waxayna u caddaysey kulana talisay madaxda Somaliland iyo masuuliyiinta xisbiyada qarankaba in aqoonsiga soomaaliland ka raadinayaso maraykanka iyo yurub inuu la yaallo waddamada  Afr ica weliba wadamada IGAD ku jira ee somaliya ka mid tahay. waxaa la yidhi war la helayaaba  ta lo la helye allayle way inala talisay weliba waxba inagamay hagran malahayga, ku darsoo  deda al kasta oo aan samayno qodobkaas aqoonsigiinu wuxuu ku xidhan yahay Afirca….IGAD….iyo somaaliya meel loo dhaafo ma leh.

Sidoo kale marar badan oo ay dalka soo boqdeen weftiyo kala duwan oo ka yimi yurub iyo  mar aykanka waxay inoo sheegeen inaan qadiyada aqoonsiga soomaaliland xagooda oolin.waxaan xasuustaa mar madaxweynihii hore ee soomaaliland daahir riyaale safar booqasho ku tegay da lka ingiriiska lana kulmay david milliband oo ahaa shaqsiga ugu sareeyay ee daahir riyaale kulan la yeeshay intuu booqashada ku joogey ingiriiiska ayaa sida naloo soo weriyay wuxuu u  sheeg ay in aqoonsigu Somaliland IGAD iyo soomaaliya idiinkaga xidhan yahay halkaas ka xodxota.

In kastoo ay sax tahay in qadiyadeena aqoonsi raadinta la gaadhsiiyo dhegaha caalamka,geed gaaban iyo mid dheerna u fuulno habeen iyo maalinba aynaan ka daalin inaan degdeg u helo  aq oonsi haddana heesbaa tidhaahda cudurka kaa gala fardaha hadii laga gubo dameer daawada lama gaadhayo! Sida xikmadaasi sheegtay waxaa mihiim ah inaan ka dhex raadino aqoonsigaan doonayno wadamada afirka ee laynoo tilmaamey,IGAD iyo somaalida lafteeda kuna qancino  in aan awelkii horeba ahayn dal ku soo biiray iyadaan cidi qasbin iminkana go,aansadey inuu dib uga noqdo isagoo qadarinaya rabitaanka shacabkiisa oo afti ku muujiyey siday uga go’an tahay madaxbaanani inay helaan.

waa inaynu xodxodasho iyo qalqaaladdii laynagu aqoonsan lahaa ka dhex bilownaa wadamada afrika iyo kuwa ku jira ururka IGAD waa inaan ka faaiideysano fursadan qaaliga ah ee aynu  ha ysano, waa inaan xukumada siilaanyo ee talada haysaa fursadaas lumin oo aaney dhicin in sidii hore waqti badani inaga lumo taxtaxaashida ingiriiska iyo yurub,ma sugi karno inta soomaaliya nabadgelyo helayso oo dawlad dhisanaysaan waxaa la yidhi dhicisku intaa mindida loo soo  wad duu baqtiyaa dadkan reer soomaaliland oo aan deyn, deeq iyo mashaariic maalgalineed midna ka helin bulshada caalamka ma sugi karaan dawlad soomaaliyeed oon sooba muuqaan waa  ina an muujino rabitaankeena cid kastana ka dhaadhicino qadiyadeena.ergayga aqoon raadintana siilaanyo u magacaabeyna waa inuu xodxodashada iyo cagmarinta ku badiyaa forum-yada  afrik aanka ,IGAD iyo kuwa soomaalida halkaasey ka dhawdahay aragtideyda.

Tusaala haddii aad soo qaado sadex dhardhaar oo dab shido ood digsi biyo ah saarto ood  dhag ax ku rido digsiga oo uu maantoo dhan saarnaado dabkoo baxaaya dhagaxu bislaanmaayo ee d hagax ayuun buu ahaanaya waxaan taas uga jeedaa dariiqa ama hanaanka xukumadda  siilaan yo u marayso aqoonsiga raadinta ayaad moodaa inuu ka khaldan yahay oo meeshii loo baahnaa mahee albaabo kale ayey garaacayaan oo dhagax ayey inoo karinayaanaan weligii bislaaneyn,s haqsiyaad yurubiyan ah iyo NGO-yo ama hayado aan shaqoba ku lahayn ayey isku  dawakhinay aan inooguna sheegaan inay aqoonsi inoo soo sidaan!.

Haddaba waxaa inagu waajiba oo aan ku khasban nahay inaan la nimaadno dedaal Si shuruuda ha aqoonsigu inoogu buuxsamaan, waa inaynu xooga saarnaa sidii degaanada ama gobollada  s oomaaliland ee gacanteena ka maqan loo gaadhi lahaa waayo haddii kale aqoonsigeena ayey  w axyeelaysaa haddii qeybo inaga maqan yihiin la,aantoodna wax buurani inoo suurto geli  mayaa n,caalamkuna degaan aan gacanteenaba ku jirin aqoonsi inagu siinmaayo aan muran saarno xu duudaheena.

waxaa ku nool degaano badan oo ka tirsan somaliland kooxo hubaysan oo awoododu soo  kord hayso dabadana cadawga soomaaliland ku haya oo diidan in Somaliland noqoto qaran madax  b anan. waxaa kaloo soo dhiiratey puntland oo doonaysa inay timaado degaamo aaney awel hore ku dhici jirin inay haweystaan xilligii talada dalka xukumaddii udub ee kalsoonida shacabka  wey day haysay,waxay kaloo ay sheegtaan degaano Somaliland leedahay inay ka mid yihiin  puntla nd si ay abuuraan qalaalase siyaasadeed ,iskudhacyo beeleed iyo colaad sokeeye iyagoo isir  a ma hayb sabab uga dhigaaya. waxaa kaloo jira degaano u heellan Somaliland oo la daayacey oo weliba xukumadan silaanyo daayacdey mudadii ay xilka haysay ee ay ku mashquul sanayd ware egtooyinka kootooyinka cusub iyo barnaamijka qof qof ku bedel.kaaga darane degaanadaas qa arkood sida laasqorey iyo buuhoodle waxaa ka bilaabay wacyigelinta iyo faafinta dastuurka puntland oo la doonaayo in cod loo qaado.

Soomaalidu waxay ku maahmaaahdaa waxaan la hureyn horaa loo yeelaa Waxaa mihiima ah in la sameeyo maamul fidin si loo gaadho degaano badan oo ka tirsan soomaaliland oo maanta xaq iiqiyan aan ku jirin ama ka maqan gacanta xukumada soomaaliland ama hore ha uga maqnaade en ama dhawanahan intii xukumada siilaanyo talada dalka haysay ha ka baxaane,waayo dee w aa hawl ina sugaysa.

 

 

 

Eng: Maxamed Jaamac Axmed (maskax)
Gudoomiye xigeenkii hore ee warfaafinta xisbiga kulmiye