Maanta waa maalintii xisaabtu inoo bilaabmaysay "Nin la sugayoow adna yaad sugi"


 


Maanka oo la cabbiraa, oo aad dadka la wadaagtaa, waa horumar. Dalkeenu haba tabaryaraadee  de daal aan la soo koobi karin buu dadkiisu soo maray. Waxyaabaha qabsoomay waxa ka mid ah ee la  ta aban karo ibeddelada maamul ee soo taxnaa tan iyo SNM. Sooyaalku waa muraayad ay bulsho isku  d aawato. Jabhaddii SNM waxa isbedelay shan guddoomiye, oo mid kastaba lagu bedelay sifo sharci ah. Waxaad mooddaa in taasi inoo jeexday jid cusub. Somaliland, waxa soo maray afar madaxweyne, oo uu xilligan talada hayo Axmed Siilaanyo. Isbeddeladaa waxa ugu culays badnaa xilligii Dahir Rayaale Kaahin, oo aan odhan karo waxa innagu cusbaa doorashooyinka, oo leh tixgelintooda. Dhinacyo fara badan ayuu ammaanteeda iska lahaa madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin---laakiin marka  xilli gu dheeraado waxa inoo caado ah in la helo isbedel, si looga badbaado burbur. Haddii la waayo  isbed del, waa hubaal in uu imanayo burbur. Isbeddel-doonkuna waxa uu isugu jirey qaybo farabadan, oo ay ka mid ahaayeen: Qayb laga yaabo in ay u muuqatey dib u dhac iyo dhibaato uu maamulkaasi uu sabab u ahaa, qayb kale oo la odhan karo waa gurdanraacis, oo haddii la waydiiyo asbaabaha uu  isb eddelka u doonayo aan sharxi karin, qayb kale oo muraayaddii qabyaaladda xidhan oo arki waayey hebel iyo hebel oo reerkooda ah, jeclaana xataa ha xumaadee in uu yimaado miidaanka mid magac la wadaaga, Koox kale oo dareensan in maamulka la bedelayaa uu wax qabtay, laakiin aanuu halkii  dha afin, oo keeni karo burbur in uu raago. Sidaa awgeed in la bedelo ay habboontahay iyo qaybo kaloo badan.

Qaybahaasi waa uun adiga iyo aniga, idinka iyo annaga---balse dhammaanteen isku wada fikrad ma noqon karno ee waxyaabaha qaar baynu ka midaysnaan karnaa. Maanta qoraalkan waxa aan  jecel ahay in aan waxyar ka idhaahdo, aniga iyo dareenkayga, xukuumadda Axmed Siilaanyo. Waa marka hore'e, u malaynmaayo in Axmed Maxamed Siilaanyo lagu doortay in uu dadka ugu garaad  fiicanyah ay, balse waxbadan oo malaa ay ugu door-roontahay waayaragnimo ayaa lagu doortay. Waxa lagu doortay magacii uu ku lahaa sooyaalka soomaalida oo dhan oo laga soo bilaabo xilligii uu wasiirka ahaa iyo dedaalkiisii oo inbadani qirayso iyo xilligii halgankii SNM ee uu xilkii wareejiyey maalintii loo baahday inuu wareejiyo, sidii ay yeeleen guddoomiyeyaashii ka horreeyeyba. Maanta xilkii waxa gacanta ku haya Mudane Axmed, wixii qaldama isagaa mas'uuliyadda iska leh wixii hagaaga isagaa loo tirinayaa, inkastoo waxqabadka aanuu keligii qaban karin haddana "Madaxa meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jiro". Intii xilka uu hayey Axmed Siilaanyo, maxaa soo kordhay? Maxaa dhalliil ah? Maxaa la sugayaa? Maanta yaa mucaarad ah?

Markiiba dhanka dhaqaalaha waxa la odhan karaa waxbay ka qabatay xukuumaddani, welise fari  ka ma qodna. Daynkii baa la bixiyey, dugsiyadii baa la lacagla'aan laga dhigay iyo miisaaniyaddii oo  xillige edii lagu gudbiyey lana kordhiyey boqolkiiba inbadan. Waxaase markiiba soo baxay dhalliilo dhanka ammaanka ah--garanmaayo in ay nasiib ahaan u dhaceen, laakiin dareenka dadka saluug bay ka muuijiyeen dhanka ammaanka. Ma qabo sida dadka qaar ay yidhaahdaa xukuumaddii hore waxa ku jiray rag aqoon u leh dhanka nabadgelyada, sababtoo ah waxa tusaale loo soo qaataa rag ahaan jiray NSStii. Malaa tirada yaa innaga gedmatayey NSS nabadgelyo dal wax kamay qaban jirin ee dadka ayey xuuraami jirtay. Godkii Xamar ku yaallay iyo goobihii hengeshta iyo dhabarjebinta ayaan ku aqaannay NSS ta, ee meel ay nabadgelyo wax kaga qaban jireen maan arag mana maqal. Sidaa awgeed nabadgelyada dadkaa ilaashada, markii horena ilaashan jiray waxaana ku filan Booliska. Hay'adaha sirdoonka waxa looga baahanyahay waa wixii dhaafsiisan dalka ama gudaha ha joogaan ama dibedda.

Waxaase marag maddoon ah in dareen xooggan laga bixiyey dhanka nabadgelyada, oo lagu  tilmaam ay mid jilicsan. Siyaasaddii arrimaha dibedda, waxa ka soo baxday oo laga muujiyey dareen garanwaa ah, oo aan la fahmin. Waxa soo baxaysa oo u baahan in si deggen loo eego, xaalad u eg tii Ilaahay Ha u naxariistee M I Cigaal, ee markii danbe burburtay ee Ismaaciil Cumar Geellena lugta ku lahaa. Waxa aynu maqlaynaa toban jeer oo Mudane Siilaanyo uu hanbalyo u dirayo Ismaaciil Cumar Geelle. Ma xuma in la isku soo dhowaadaa oo Jabuuti iyo Somaliland ma kala maarmaan, laakiin nin hullaab xumi inuu waxqarsanayo ayaad mooddaa. Waa maxay hanbalyadan aan geedka haysan. Ma khaddiifaddii casaydbaa inna madaxmartay iyo soo dhoweyntii? War jiraaba Cakaaruu iman. Waxaanse hubaa dadku waa wada indho ee yaan loo qaadan xilligii lixdankii. Dhanka kale ballanqaadyadii, dib ma u eegtay xukuumaddu---maxaa fulay maxaan fulin, maxay u qabsoomi waayeen. Dabadeedna dadka u soo bandhiga, si loo ogaado. Dadka waa u shaqaysaan ee taa ogaada, maaha in sacab uun la idiin tumo oo idinkuna isla baxdaan. Sacabka aan ujeedada lahayni waa ka keena burburka.

Dadka waa u shaqaysaan oo shirkadda ayaad uga shaqaysaane waa la idin xisaabinayaa ee taana ogaada. Dadkuna ha u midoobo xisaabtanka ee yaan la inna kala furfurin, yaan magacyo la inoo bixin. Dhinaca mucaaradka iyo muxaafadka waa wax jira, laakiin waxa uu leeyahay xad iyo xuduud aan la dhaafin oo mucaaradka iyo muxaafadkuba ay ku midoobaan arrimaha qaar waana tii ridday xukuumaddii hore. Xukuumaddana haddii ay halkaa uun fadhido oo la imanweydo qaab horumar keena, waa hubaal in la eryi doono. Xisaabtu waa joogto, waxayse u baahantahay in lagu eego indho fayaw. Tusaale dhanka dhaqaalaha ilaa aynu aragno qorshe horumarineed oo ay dejiyeen aqoonyahanno reer somaliland ah iyo kuwo aynu soo kiraysannayba oo mushahar la siiyo, oo ay dhigaan jidka ugu fudud ee dhaqaale loogu samayn karo dalka, waa weli, halkaana ka kici mayno. Haddii la yidhaahdo Maxamed Xaashi cashuur badan buu soo xareeyey--dabcan wuu dedaalay, balse horumarku maaha cashuur la ururiyo ee waa in uu jiraa waxsoo saar.

Waxa kaloo naxdin ah in aynu ku faraxno dawarsiga la inoo kordhiyey, ee ingiriisku inoo kordhiyey. Dawarsi meel laguma gaadho, weliba waxaan qabaa in uu yahay dib u dhaca koowaad. Dalkeenu dawarsi la'aan buu halkaa ku soo gaadhay, waxa la soo gaadhay xilligii laga fikiri lahaa horumar ee maaha xilligii aynu qaadan lahayn kiish weyn oo aynu ku qarafaysanno. Weli waa la sugayaa ee nin la sugayoow adna yaad sugi. Dhanka mucaaradka waxa soo baxaysa xaalad aad loola yaabo. Waa marka hore'e xisbigii Kulmiye waxa uu raacay madaxweyne Axmed Siilaanyo. Waxaana laga yaaba mustaqbalka in aynu maqalno Xisbigii Kulmiyaha cusub oo eedaynaya xukuumadda, ifafaalahaasi maantaba wuu soo baxay sidaa awgeed xisbiga Kulmiye waa badh-mucaarad. Labadii xisbi ee UCID iyo UDUB waa ay sii daadegayaan oo doontii dakhalkiina wuu ka jabay. Inta UDUB ay hoggaaminayaan Daahir iyo Axmed Yuusuf , xataa hadday wax run ah sheegaan oo ay dhalliisha xukuumada wax ka yidhaahdaan, u malayn maayo in dareen badan la siinayo. Waase in ay habeeyaan xisbiga---- oo goledhexe iyo maamul la soo doortay loo sameeyaa iyaguna waa Daahir iyo Axmede ay ka noqdaan golaha guurtida xubno firfircoon oo talo iyo tusaaleba halkaa ku kordhiya. Xisbiga UCID waa hubaal in waxbadan lagu jecelyahay Faysal Cali, laakiin waxa soo ifbaxaysa in aanuu doonayn in uu kursigaa banneeyo, taasina waa ta keenaysa in xisbigii iyo mucaaradnimadiisii aan dadbadani u sii dhugyeelan. Waxaana habboon in Faysal uu oggolaado in uu banneeyo kursigaas oo uu ahaado odayga UCID.

Xaaladdii macaaradku waa kaa. Sidaa darteed waxa aan u arkaa in loo baahanyahay xisbiyo cusub oo dardar la soo gala miidaanka siyaasadda Somaliland. Sharci diidayaana ma jiro ee fasiraadda  qodoba da dastuurka ayaa si kala jaad ah loo fahmay. Meel ay ku taallo lama furan karo urur siyaasadeed ma jirto. Xeer xaaraantimaynaya in la furto ururo siyaasadeed ma jiro. Yaa diiday ee yidhi lama furan karo---yaa yidhi ama halkeebay ku taal in ay weligood!!!! u fiirso eraygaa weligood ay jirayaan UDUB, Kulmiye iyo UCID---haa waxa la yidhi saddex xisbi yaanay ka badan--taasi waa dhab tuugna ma xado, laakiin waxa ay macnaheedu tahay marka ururadu tartamaan waxa xisbi u gudbi kara saddex keliya--waxa la diiddanyahay waa tartankii. Waxaase jira oo in laga garaabo ay tahay goldaloolooyin badan oo ka jira dastuurka oo ay ka mid tahay xilliga la soo dooranayo dawladaha hoose iyo baarlamaanka oo kala fog. Cilladda ugu weyni halkaasay ku jirtaa waana la sixi karaa, ee yaan dadka laga leexin tubta ay qaateen ee ah xisbiyada badan. Haddii kale sidaasaan mucaaradna u jirayn ee uu u  ahaana ya qof ama qofaf meel iska xidh-dhay oo aan cidina kula tartami karin.

Maqaalkani waa uu ila dheeraaday--mana jecli in qoraalkan aan dheereeyo. Waxaanse hoos-dheba yaa "Xisaabtu waa joogto, ee yaan indha la'aan lagu taageerin xukuumadda maanta joogta, ha lala xisaabtamo, shalay waa la taageeray, maantana waa xisaab berri, go'aanka dadku waxa uu ku  xidha nyahay wixii xisaabtaa ka soo baxa. Waa ay inoo bilaabantay ee taa ha la ogaado".

Ammaana Allah

 

 

 

 

Sayid-Axmed M Yuusuf
Sweden