Maareeyaha Cusub Ee Dekedda Berbera Oo Muddo Gaaban Ku Suurta-geliyey Isbedelo Ballaadhan Oo Dekedda oo Dhan Saameeyey

 

 

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, ayaa daboolka ka qaaday in muddo kayar laba bilbood iyo badh gudadood ay ku suurageliyeen isbedello xoogan oo dhammaan saamayn ku yeeshay geedis-sockii shaqada ee Dekedda.

Berbera (TNN)-Maareeyuhu waxa uu sidan ku sheegay xog-waran uu xafiiskii dekedda Berbera ku siiyey Qaarkamid ah shabakadaha wararka ee Somaliland kaas oo uu si qorodheer ugu faahfaahiyey isbedelada kala duwan ee ay ka hirgeliyeen dekedda iyo waxyaabaha u qorshaysan ee ay doonayaan in sida ugu dhaqsaha badan u hirgeliyaan.

Waxaana Maareeuhu xog-warankiisana ku bilaabay sidan:-

“Marka hore waad ku mahadsan tihiin kulankan aad nala yeelateen. Dekedda Berbera waxa aan anigu imika maareeye ka ahaa muddo laba bilood iyo dhawr iyo toban Cisho ah, waana laga soo bilaabo 1-dii September ilaa xilligan. Muddadaas aan xilka qabtay, annaga oo ku xisaabtamayna inay Dekedda Berbera tahay meesha ugu muhiimsan waddanka ee uu ka soo xaroodo dhaqaalaha ugu badani, inay tahay meesha 80% Miisaaniyada waddanka ka qayb-qaadata. Waxaa nala gudboonayd inaanu wax-qabad badan oo muhiim ahaa inaanu samayno.

Wax-qabadkaasna laba ayaanu u qaybsannay, qaybta 1-aad oo ah inaanu maamulka wax ka qabano iyo qaybta 2-aad oo ah inaanu iyadana dhinaca kaabayaasha Dekeda aanu wax ka qabano. Taas dhinaca maamulka waxa aanu ka bilawnay inaanu uruurino cabashooyinka dadka ganacsata ah ee macmiisha la leh dekeda oo aanu cabashadoodaas ka jawaabno, si aanu u helno cabashadoodaas kulano isdaba joog ah ayaanu la yeelanay, haddii ay yihiin Ganacsatada, Wakiilada iyo haddii ay yihiin dadka ganacsiga gaarka ah leh ee ka adeegta Dekedda. Taas waxa nooga soo baxday in Ganacsatadu ay ku dhiban tahay nidaamka ay marto marka ay doonayaan inay alaabta la baxaan. Annaga oo taas ka jawaabayna nidaamkii waxa aanu u samaynay hal hool oo keliya, si qofka ganacsadaha ahi marka uu la yimaado waraaqo saxan uu hoolka inta uu soo galo oo uu raaco counter-kaas uu albaabka kale ka baxo, isaga oo wixiisu u dhan yihiin, oo haddii waxiisaasu document ahaan dhammaystiran yihiin oo wax-ba ka maqbanayn aanay ku qaadanin muddoo hal saac ah ama wax ka yar. Taas waanu ku guulaysanay waxaana nagaga soo noqday jawaab fiican oo sax ah.

Tallaabada labaad ee aanu dhinaca maamulka u qaadnay waxa ay ahayd inaanu madaxdii waaxyaha oo madax-waaxeedba muddo badan meel soo joogay, oo qaarkood in ka badan toban sano waax madax ka ahaa, si dardar-gelin shaqada ah loo helo inaanu madaxdii waaxyaha isku bedelnay oo mid kasta halkii aanu filaynay inuu ku haboonaa aanu gaynay. Taasina waxa ay keentay jawaab-celin aad u fiican oo keentay in nin kastaa dardargeliyo waaxda la geeyey iyo in isaga laftiisu aqoon badan ka korodhsado.

Markii ay intaasi dhacday, waxa aanu iyada samaynay dhinacii tacab-dhalinta ama shaqadii wax dejinta iyo wax rarista oo annaga wax-soo-saarkayaga ah, inaanu halkii ay ka ahaan jirtay sacaado la qado tago ama habeenkii laga degi jiray saddexda habeenimo inaanu ka dhigno joogto, oo shiftiga hore ee ku jira uu shiftiga ku xiga ay sallaanka Markabka isku dhaafaan oo aan marna Markabkaas Kiriimkiisa la bakhtiin, marna Doonta Xoolaha qaadaysa aan Sallaanka laga rogin, taas ayaanu samaynay.

Waxa kale oo aanu samaynay maadaama oo aanu la kulannay wakhtigii Carrafada in aanu Maraakiibta iyo Doonyaha Xoolaha qaadaya inaanu muhiimada siino, oo haddii Maraakiib Badeecad sidaa ay xidhan yihiin aanu ka furno oo aanu soo xidhno kuwa xoolaha qaadaya annaga oo og muhiimada dhaqaale ee ay inoo leeyihiin xooluhu iyo culayska ay ku hayso dadka oo xooluhu ugu xaraysnaado Maxjarka, taasina si fiican ayay noogu hirgashay waana ay soconaysaa ilaa muddada yar ee ka hadhay moosinka Xajka, waana arrin aanu halkaa ka sii wadayno.

Dhinaca maamulka waxa kale oo aanu samaynay qayb la yidhaado ICD (Institutional Capacity Building) oo aanay hore dekeddu u lahaan jirin oo toos u hoos yimaad maamulka. Kaas oo shaqada uu qabanayaa ay tahay inuu diyaariyo wixii documents ah ee looga baahdo dekedda, haddii ay tahay qorshe istaraatijiyadeed, qorshe suuq-gayneed, xagga tababarada iyo dhammaan wixii la mid ah, iyada oo dad ajaanib ah oo khubaro ahi naga caawinayaan. Xafiis ayaanu u furnay oo shaqadoodii gacanta ayay ku hayaan, runtiina durba wax badan-na way qabteen oo document badan ayay soo saareen. Waxaana aanu ku rajo-weyn saddexda sannadood ee inagu soo fool leh in qorshahoodii istaraariijiyadeed oo dhammaystiran aanu hirgelino, oo dee qorshe la’aantii waxa ay noqonaysaa in wax waliba indho la’aan ku socdaan.

Waxa aanu iyadana dib u soo noolaynay waaxdii suuq-geynta oo iyaduna markii hore aan shaqaynayn oo fadhiid ahayd, si aanu u yeelano aragti ku jihaysan ‘yaa nala tartamaaya,’ yaa bar-tilmaameedsanaynaa oo macmiil noo noqonaaya, si mustaqbalka aynu dekedeena horumar ugu samayno dhinaca camiraadeeda iyo degisteedaba iyo raristeedaba, taasina way noo socotaa waa wax lagu guda-jiro.

Haddii aan u gudbo dhinaca wax-qabadka muuqda. Dekedda waad garanaysaan sida ay u googo’nayd waddadii waynayd ee laga soo geli jiray iyo maalin kasta gaadhi weyn ayaa ku dhici annaga ayaa Wiishahka u diray jirnay, oo dhinac ayay u jiiftay. Waddadii wax badan ayaanu ka qabanay si guul ahna way noogu dhammaatay, wax yar oo xaal-xaal ah ayuum-baa noo hadhsan. Waxaana ay noqotay wax soo celiyey muqaalkii dekedda lahayd.

Waxa iyaduna dhammaystir ku dhaw oo iyaduna qabyo ah barxaddii lagu kordhiyey Dekedda, ayaanu iyadana ballaadhinay oo wixii bilaydhis ka dhinaa wax tiro yar ayaa ka dhiman, culays badan-na dekedda way ka qaadi doontaa sida meel Baabuurta la dhigo ama mustaqbalka inay noqoto meel Koontiinarada madhan ee dekedda dhexyaala inaanu iska dhigno la dhigo.

Waxa iyana jirtay dhinaca biyadaha maraakiibtu qaadato, waxa keeni jiraya Booyado. Booyadahaasi dhinaca sumcadda dekedda-na u may fiicanayd dhinaca ammaankana u may wanaagsanayn, oo markab kastaa toban ilaa labaatan Booyadood ayuu u baahan yahay. Si aanu taa uga hor-tagno waxa aanu soo noolaynayd meeshii iyo kaalkii ay Maraakiibtu biyaha ka qaadanayeen oo mika shaqanayaa, ilaa lix meeloodna Maraakiibtu ay biyaha ka qaadan karaan, oo isagoo rarkiisu ku socdo uu xagga kale biyaha ka qaado, halkii awal uu maalin ama laba cisho ka hor uu Booyadaha sii dalban jiray, laakiin hadda culayskaa badani wuu ka degay, taasina way noo suurta gashay.

Waxa kale oo noo suurta gashay Dekedu may lahayn meel xarun caafimaad ah, maxaayeelay Dekedu waa meel khatar badan oo shaqo joogto ahi ka socoto, oo dee waa meel Wiishash, Kiriinno, Lo’, Baabuur iyo wax kastaa is dhex socodaan. Waxa laga yaabaa habeen haddii aanay wax dhicin in habeen labaadka ay dhacaan. Qofka dhaawacma waxaanu ula carari jirnanay cusbitaalka magaalada ama ha sii dhiig-baxo ama dhib kale ha ku dhacdee. Annaga oo taas eegayna inaanay wakhtigan habboonayn ee loo baahan yahay meel uu gurmad caafimaad oo deg-deg ah ka helo oo ama lagu sii duubo ama wixii dawo ah ee uu u baahan yahay laga sii siiyo, ayaa waxa aanu ku dhaqaaqnay oo noo suurgala inaany xarun caafimaad samayno. Waana uu noo suurta-galay, oo 24-ka saacadood wuu shaqaynayaa oo shaqaale-caafimaad ayaa shifti u gala. Dawadiisii iyo Tallaagadihii dawada lagu gurayay waanu u samaynay, si fiican ayaanu u shaqaynayaa.

Waxa iyadana bishii sagaalaad 26-da aanu rakibnay arrin dekeddana u muhiim ah, qarranka Somaliland oo dhan-na u muhiim ah, waa Raadaalkii weynaa ee dekeda. Radaalkaasi waxa uu gaadhi karaa in ku dhaw 200 oo notical Mile ayuu wax ka soo qaban karaa oo uu ina tusi karaa waxa maraaya, dhinaca ay u socdaan, masaafada socodkooda iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee badda gudaheeda, oo waxa lagu dareemyaa masaafadaas Markabka ku xumaada ama jihadii uu u socday dhinac looga leexiyey. Raadawyaasha waanu dheeray oo waanu dhegaysannaa Markabka kolka Caddan laga soo xidhaayo ama Jabuuti. Halka markii hore ay Radyawyaashu ku eekaayeen meelaha dhawdhaw oo aanaan maqli karayn waxa ka fog 10 KM. imika raadaalkaasi wuu noo hirgalay, waana uu fiican yahay, wax kasta oo dhaqdhaqaaq ah oo badda ka socda si fiican ayuu ula shaqaynayaa.

Barxadda dekedda dhismaha horteeda oo aad u burbursanayd iyadana waanu dacar tirnay oo waanu dhammaystirnay.

Waxa aan filaayaa muqaalkii dekedda wax badan ayaa iska bedelay, oo qofka markii hore ogaa marka uu hadda soo galo, wax baxan ayuu arkayaa inay iska bedeleen. Soomaaliduna waxa a tidhaahdaa wixii ay indho arkaaan ayay ilko gooyaan. Markaa inaanu muuqaalkii Dekedda soo celinaa muhiim ayay noo tahay, Dekeddana wax tar ayay u tahay.

Marka aan ka oo gudbo qaybtaas, waxaa noo qorshaysan muddo lix bilood ah inaanu wax badan ku dhammaystirno. Arrimahaas badan ee aanu doonayno inaanu ku dhammaystirno waxaa ka mid ah; inaanu samayno Kaadhadhkii shaqada ee shaqaaluhu ku soo gelayay Dekedda, halka imika sida habaqlaha ah loo soo gelaayo, oo qofkii kaadhkaas haysta oo keliya uu Albaabka ka soo gelaayo.

Inaanu samayno waxan loo yaqaano CCTV camera, ee ah kamaradahan aragtida sameeya ee wax lagu arko, oo inta aanu security Room u samayno halkaa laga hago dekedda oo dhan, oo tiro ahaan ilaa 50 kamaradood ayaanu shirkaddii samayn lahayd aanu heshiis la galnay, oo ilaa December kamaradahaasi way naga dhammaanayaan oo sannadka soo socda nala gaadhi maayaan sida aanu rajaynayno. Kamaradahaasi waxa badan ayay soo kordhin doonaan haddii ay tahay dhinaca ammaanka, dhinaca dhaqdhaqaaqa, waxaas oo dham wax badan ayay Kamaradahaasi ka qaban doonaan. Labadaas arrimood si dhaqso ayay noogu dhammaan doonaa haddii ilaahay ka dhigo.

Waxa iyayna labaatankan cisho ee socda noo imanaya oo aanu diranay laba Wiish oo aanu ugu talo-galnay Doonyaha inay gaar u noqdaan. Wiishashka kale ee waa weyn-na ee awal Doonyaha ku mashquuli jiray inuu Maraakiibta uga faa’idaysano, oo Wiisha ka awood badan Dooniyada inaanu mar kasta Doon naga dul-taagn, oo kharashka isaga nagaga baxayaa aanu ka badan waxa Doonta ka soo baxaya. Annaga oo xaggaa dakhliga ka eegayna aanu Doonyaha ku eekaysiino labadaas Wiish ee aanu u dirnay.

Waxa kale oo imika jirta qolo ah saaxiibo aynu lee nahay oo aanu heshiis la galnay inay Wiish weyn oo 70 ilaa 80 tan ah ay maal-gelin ahaan noogu keenaan, dabadeetana aanu Instalment [hafto] isaga bixino, oo muddo todoba bilood ah aanu lacagtaas ku bixino. Maadaama oo uu aad qaali u yahay oo nus malyuun ay lacagtiisu tahay ay ka badan tahay. Si marka aanu kaa iska dhammayno aanu wax kale ka dalbanno, annaga oo waxayagii kalena barbar wadna.

Waxa isna markabka soo socda noo soo saaran Ambalace caawin doona xarunta caafimaadka oo aanay hore u lahaan jirin dekeddu.

Waxa isaguna noo imanaya Baabuurtii Dekedda maydhayey ee hoosta ku lahaa buruumiska ee marka hore inta uu xaadho, dabateedaba isaga biyaha iyo saabuunta lagu shubayay, markaas xaaqista ku samaynayay ee isagu hawshaas dhammaystirayay. Maadaama oo qashinka ugu badan ee dekedda yaalaa digo iyo wax la hal-maala [la mid ah] oo wax culays badani aanay ooglin. Kaasina insha’alaahu wuu ina soo gaadhayaan oo dhawaan ayuu gacanteena soo gelayaa.

Qolyo kalena codsiyo ayaanu u qornay si aanu Tagboat uga helno, oo Tagboat-ka hadda shaqeeyaa 1970’s ayaa la sameeyeey. Tagboat-ku waa markab yar oo maraakiibta kale soo xidha. Maraakiibta waa weyb ee aad aragteen wuu ka xoog wayn yahay oo waa bahalka soo riixa ee keena dekedda, inta Markabta Injiinkiisa la bakhtiinayaa, isaga [Tagboat-ka] ayaa xadhakaha qabanaya oo soo riixaya sidaas ayuu Markabka dekedda dheegeeda ku keenayaa, oo Markabtu sida baabuurta isaga oo Ordaaya bireeg lama qabanayee waa wax biyo saaran, waa in meel shishe lagu soo bakhtiiyaa oo isaga oo la riixayo la keenaa dekedda. Marka dekedda laga furaayana kama dhaqaaqi karo ilaa la riixo. Markaa Tagboat-kan hadda yaala ee dekedu leeyahay waa 1400 oo Horsepower, hadana awoodiis aad ayay hoos ugu dhacday. Waxa aanu u baahan-nahay mustaqbalka goor ay gaadhaba ilaa 4000 oo Horsepower mustaqbalka, si Maraakiibta waa weyn ee inoo imanaysa uu wax inagala qabt o.

Waxa iyadana noo qorshaysan, waxaa jirta ciid badan oo badda soo gelaysa oo wax yeelaysa daraafkii dekedda, ha ugu badnaato inay ka soo gelayso dhinaca koonfur-galbeed, oo aad dareenayso inay ciid badani ka socot, taas oo aanu gelinay samiyaal badan oo dadkeena iyo Ajaanib-ba isugu jira, oo ay sheegeen inay ciidu soconayso, oo halkii uu daraafku awal hoos uga ahaa 13M [mitir] uu hadda soo socdo 11M oo 2M wax u dhigmaa ay soo aasmeen, oo haddii la sii eegto waxa ay keenaysaa khatar badan, taas oo kallifaysa inaanay Maraakiibta waa weyne soo mari Karin jidkaas ay dekedda u soo marayaan.

Xafaarad yar ayaanu hadda haysanaa, laakiin awoodeeda way ka badan tahay ciidani. Markaa inaanu helno Xafaarad ama Darayjar weyn, oo Darayjarku waa Ijiin sida Ijiinada biyuhu u qaadaan isna ciida u qaada, isaga badda ayaa la gelinayaa oo beebkiisu waxa uu soo qaadayaa cidda iyo biyaha oo wada socda, balse ciiddu badan tahay, dabateedaba bannaanka ayuu u tuurayaa oo wuu tuulayaa. Kaas ayaa la yidhaahdaa Xafaarad.

Shaqaalihii ammaanka ee dekeda isaga wax badan ayaanu ka qabanayoo dib ayaanu habaynay, oo baabuur u gaar ah iyo dirays u gaar ah ayaanu u samaynay, oo dadka ajaanibka ahi marka ay noo yimaadaan, waxaaba ay na yidhaahdaan Boolisku bannaanka ha nagaga hadho, haddii aad qolodan leedihiin.

Waxa aanu hadda soo kaxaysannay laba nin oo ah ardaydii dugsigayada sare ka baxday ee Jaamacadaha Ciidmada ee Itoobiya wax ku soo baratay inay tababar noo siinaya shaqaalaha ammaanka, oo ay galaaskana wax ku baraan, isla markaana ay goobaha shaqada la gaalan oo ay tusaan sida ammaanka loo sugayo.

Waxa kale oo aanu hadda dib-u-hayn ku samaynaynaa xaruntii tsbabarada ee shaqaalaha ee dekeddu lahayd, annaga oo doonayna inaanu Institute u bedelno, oo shaqaalihii maamulku ay ka bartaan qaybtii maamulka, isla mar ahaantaana inaanu ka samayno qaybtii lagu baranayay farsamada gacanta hadday tahay Wasdaadnimadii, Nijaaradii, qolodii dabka baaburka, dabkii kale ee gaadiidka iyo farsamooyin kale. Waxaana muhiim ah in la helo cid na bedesha oo ilayn meesha joogi maynee waa in la helaa cid aqoontii leh, waayo dekedda shaqadeedu waa shaqo gaar ah.

Waxa aanu doonaynaa inaanu iyadana dib-u-hayn ku samayno qaybta Geellaha [shaqaalaha muruq-maalka ah ee Dekedda]. Geelluhu nidaamkan ay u samaysan yihiin waa qaab laga soo gudbay oo 50 ilaa 70 sannadood sidan u soo shaqaynayay. Sidan ay u kala yaal-yaalan-na waa nidaamkii beryahaa hore la dhigay, waxa ay lahaan jireen xeer wakhtigaa jiri-jiray. Xeerkaasi wakhtigaas ayuu ku habboonaa lakiin imika in badan oo ka mid kala kala shaqayn mayso. Xeerkii waanu ka soo qaadnay oo waxa aanu u dhiibanay niman Looyari ah, si ay u soo sameeyaan bal wada-shaqaynta ka dhexaynaysa Geelaha iyo Dekedda, Geelluhu waxa uu yahay, ilsa markaana la caddeeyo wakhtiga ay hawl-gab ku geli karaan, oo ka 70 jirka ani aanu odhan gabdad ayaan qaadayaa, ee la helo mar kasta cid awoodii leh oo wax qaban karaysa. Arrintaana gacanta ayaanu ku haynaa, oo waxa aanu doonaynaa inay noqdan urur dhisan oo xafiis leh.
Sida ay himiladayadu tahay, waxa aanu rajaynaynaa in dhammaan waxaas oo dhami ay noo suurta-galaan haddii ilaahay ka dhigo.”




Axmed Mahamed Shaqalle
Berbera Somaliland