Maareeyaha Dekedda Berbera Oo Beeniyay in Marsadda lagu Wareejinayo Shirkad Ajanabi ah




Berbera (TNN):- Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor xoor), ayaa meesha ka saaray oo beeniyay jiritaanka heshiis maalgelineed oo u dhexeeya xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Bollore logistics oo ay warbaahinta qaarkeed baahisay inay maal gelin ku samaynayso dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedda Berbera waxa uu sheegay inuu soo dhaweynayo lana shaqayn doo no cid kasta oo xukuummaddu ay heshiis kula gasho ballaadhinta iyo maalgelinta dekedda Berbera, balse aanay waqti xaadirkan jirin shirkad ajaanib ah oo heshiis maal gelinneed ay xukuumaddu la gashay.

Eng. Cali Xoor Xoor oo war-saxaafadeed uu maanta soo saaray, waxa kale oo uu beeniyay in wax khilaaf ahi u dhexeeyo isaga iyo Wasiir-ku-xigeenka Amiga Cabdilllaahi Abokor. War-saxaafadeedka Maareeyaha Dekedda Berbera Eng, Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) waxa uu u qornaa sidan: “Maanta oo ay Taariikhdu tahay December 22, 2013 waxaan beeninaya a war been abuur ah oo shalay ka soo baxay Jaraa’idada iyo website-yada qaar. Ma jiro khilaaf na dhex maray Wasiir ku-xigeenka Aminga iyo heshiis dhexgal ah oo madaxtooyad da lagu qabtay iyo wax caqabad ah oo igaga yimi gelitaanka madaxtooyadda, waanan ka shaqeeya wasaarad ahaan madaxtooyadda.

Arrinta kale ee ku saabsan Shirkaddaha Ajaanibka ah ee doonaya heshiis maalgelineed oo dekedda ah, waxay xukuummadda Somaliland doonaysaa horumarin iyo ballaadhin dhakhso ah oo loo helo maalgelinta dekedda. Marka la helo cid buuxisa horumarka aynu rabno xukuu mmad ahaan ayuun baa la gelayaa heshiis, anna xukuummadda ayaan ka mid ahay, ku shaq eeyaa tallada xukuumadda.”

 

Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland