Maayarka Berbera shacbiga ayaa u baahan

 


Sharaxaadda Doorashadda Golaha Deegaanka ee Maayarka maanta ee Magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Cabdalle Sandheere) ayaa is sharaxaad iisa Golaha deegaanka Berbera ay noqonaysaa mid guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo gaar ahaan shacabka reer Berbera aad u soo dhoweeyeen.

iyadoo laga duulaayo shaqsiyad wanaaga iyo hawl karnimadda Maayar Cabdalle Sandheere o o mudaddii uu xafiiska maayarka ee magaaladda Berbera ka hawl gelaayey uu ku sifoobey mu waadin dhamaan shuruudahii looga baahnaa buuxiyey oo hawl kara, isla markaasina magaala dda berbera wax badan oo lagu xasuusto ka qabtay, in uun haddii laysku abaal marinaayo wa xqabad iyo shaqo wanaag shacabkan reer Somaliland inta badan u haraadka qabey.

Maayarka iyo masuuliyiinta sare ee Gobolka Saaxil ka hawl gala waa rag dadaalkoodda iyo do orkoodda maamul uu Gobolku u baahanyahay, isla markaasina ay haboontahay in shacabka r eer Berber codkoodda ugu hiiliyaan Caasaimadda Berber iyo Cabdalle Sandheere oo bilicda m agaaladda Berber iyo dib u dhiskeedda door weyn ka ciyaaray mudaddii uu xafiiska maayarka uu hogaamiyaha ka ahaa oo inta runta quudataa ay si weyn uga markhaati kacayaan wax qabadkiisii hufnaa.

Hadaba Maayarka magaaladda Berbera oo asxaab iyo qaraabo intaba aanu nahay, uma qara abo kiilaayo ee indhaha ayaa macalina ayaa hore loo yidhi, markaa masuul kasta oo doonaaya inuu soo laabto Madaxweyne ilaa maayar waxaa nin walba horyaala waxqabadkii iyo dadaalkii uu gashaday dalka iyo dadka reer Somaliland oo markasta, baahi weyn u qaba inay helaan ba ahiyaha kala duwan ee arimaha nolosha aadamaha asaaska u ah ee Caafimaadka, Waxbarash adda, Nabadgelyadda, Wadooyinka iyo bilicda magaaladda oo ah danta guud ee ummaddu si wadda jira uga wadda faa,iideysanayso. Waxaan leeyahay Cabdalle dagaal iyo dadaal kuguma baaqan intii shacabkaaga aad u adeegeysey oo waxaa taasi ka markhaati kacaaya heerka iyo doorka maanta Magaaladda Berbera ay taagantahay iyo halkii ay taagnayd markii xafiiska aa d maamulkiisa qabatay. Wax fiican ayaad qabatay ummadduna diyaar ayey u tahay in ay ku gu abaal mariso soo noqoshadaadda markale iyo Maayarka Magaaladda Berbera oo shacabka iyo Xukumadda reer Somaliland ahmiyad balaadhan u leh markasta, waayo waa naaskii iyo ishi i dhaqaalaha ee shacabkan reer Somaliland. Markaa markasta waxaa looga baahanyahay mag aaladda Berbera Maayarkeeddu inuu noqdo nin madaxbanaan oo ummadda reer Somaliland Ba ri ilaa Galbeed taabasho ummadda ku gaadhi kara, isla markaasina xidhiidh joogtaa oo toosa la leh shacabka reer Somaliland idilkiiba meel kasta oo uu joogo.

Waxaa hubaala in sharaxaadda Maayarka Berbera Mudane Cabdalle Sandheere tahay talaabo iyo go,aan dhaba oo caasimadda Berbera u baahantahay si loo sii anba qaado dib u dhiska iyo maamul wanaagii ka jirey Berbera iyo Gobolkan Saaxil. Waxaan idin leeyahay haddii arimaha a an runta laga sheegin oo danta guud aan laga hormarin danta gaarkaa ummadani weligeed ho rumar ma gaadhi karto, hawlaheenuna waxay noqonayaa qaar fadhiidda oo daah saaran yah ay, taasi oo ah calaamadaha burburka iyo dib u dhaca shacabka iyo geedi socodka horumarka iyo hiigsiga himiladda dhabtaa iyo ujeedooyinka aan leenahay Qaran ahaan.
 

 

 


Cabdilaahi Cali Xassan John

Liverpool , UK