Maayarka Cusub ee Gabiley oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Hay’adda World Vision oo ghagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo Cusbitaalka Gabiley
 


Waxa kale oo halkaasi ka hadley sarkaalka socdey ha'yada worl vision oo sheegay inay ... ...........


Gabiley (TNN) - Maayarka cusub ee degmada gabiley Shucayb Maxamed Muuse iyo maayar kii hore Axmed Muxumed Qaalib oo ay weheliyaan masuuliyiinka socotey haayada world vi sion iyo gudoomiyaha ururka gaardo ee gabiley ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhinayo cisbitaalka qaaxada ee gabiley.

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley agaasimaha cisbitaalka qaaxada Gabiley Ciise sh.mu xumed warsame oo ku dheeraadey baahida ay u qabeen inay helaan dhisme ku filan waxa nu yidhi "Aad baanu ugu baahneyn cisbitaalku wuxuu ka kooban yahay laba hool oo kaliya run ahaan tii aadbuu noogu yar yahay dadka aanu daweyno waxaanu u weynaa meel aanu dajino,si aanu u kala ilaalino dadka cusub ee cisbitaalka soo Galey iyo kii hore uqaadan jirey audio baad u mahadsan tihiin’’

Waxa kale oo halkaasi ka hadley odey Aw-Ciise jaamac iyo odey maxamuud aw muuse oo labadooduba ku dheeraadey sida ay ugu faraxsan yihiin dhismaha cusub ee ay iska kaashanayaa dawlada hoose ee gabiley oo ay wehelinayo ururka gaardo iyo hayaada worl vision waxayna u mahad naqeen cidwalba oo gacan ka gaysaneysa.waxayna baaq udireen ganacsatada gobolka iyo jaaliayaduhuba inay ka sheqeeyaan horumarka gobolka isla markaan waxay saluug ka muujiyeen ansixin la,aan gobolka gabiley.

Waxa kale oo halkaaasi ka hadley gudoomiyaha ururka gaardo maxamuud yuusuf x.cabdi oo sheegay inay gaardo ahaan bixinayaa 20% lacagta lagu dhisayo.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley sarkaalka socdey ha'yada worl vision oo sheegay inay ha y'adani gacanta ku haysay 7sanadooda ah isla markaan ay wixii karaan kooga ah ay la qa ban doonaan bulshada gabileyna looga baahan yahay inay qayb tooda ka qaataan oo ay masuuliyiinta cisbitaalka joogata ka war hayaan.

Waxa kale oo halkaasi ka hadley xildhibaan axmed maxamed cali (sangub) waxaanu ku dhe eraadey faa,iidada uu caafimaadku bullshada uleeyahay waxaan yidhi "Aad baan ugu maha d naqayaa haayadaa world vision oo gacanta ku haysa cisbitaalka gole deegaan ahaa ana ga oo 21ka xildhibaan oo gacmaha is haysta inaanu ka shaqayno horumarka gobolka waxa anu ku hawla gali doonaa himilo fog,hogaan toosan ‘’

Waxkale oo halkaasi ka hadley maayarkii hore ee gabiley axmed muxumed samir waxaanu ka hadley sida loogu bahan yahay in lacaawiyo cisbitaalka qaaxada oo ah lafdhabar ta bul shada gabiley waxaanu yidhi "cisbitaalkan gabiley waa cisbitaalka kaliya ee gobolku leeyah ay oo ubaahan in lagu kordhiyo dhismayaal faro badan,waxaan aad ugu mahadnaqayaa haayada world vision iyo ururka gaardo dadaal kooga ay sii kordhiyaan

Gabogabdii waxaa soo afmeeray maayarka magaalada gabiley shucayb maxamed muuse oo kudheeraadey sida ay diyaar ugu yihiin horumarinta gobolka mahad balaadhan u celi yey haayada world vision , ururka gaaro iyo ganacsade jaamac oomaar waxanu yidhi’’ wax aa noo farxad ah inaanu dhagax dhigno mashruucii uhoreeyey ee aanu dhisayo waxaan ma had ucelinyaa ururka gaardo oo horrumarka gobolka ka sheqeeya ha noqoto caafimaad ka,waxbarashada,wadooyin run ahaan tii kaalin weyn kaga jiraan horumarinta gobol ka,g olahayaga cusub waxaanu idiiin balan qaadeynaa inaanu ka dhabayno waxqabad muuqda tusno oo aanu danta guud ka shaqayno,ooaanu iskaa shano oo aanu la tashano bulshada qayba heeda kala duwan taladu gacmihiina ayey ku jirtaa,oo aad na tilmaantaan oo aad nasoosisaan oo aneynu ku shaqayno iskaa wax u qabso.


C/raxmaan Xaaji
Timacae News Desk
Gabiley ,Somaliland