"Kamaan war hayn safarka wasiirka inankii hoolka hayayna hargeysa ayuu arrin caafimaad u joogay, haddii la ii soo sheegi lahaa inanku muu tageen,"Maayarka Gabiley

 


Gabiley (TNN):- Maayarka Gabilay Shucayb Maxamed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa jawaab ka bixiyay safar uu shalay wasiirka Ganacsigu ku tagay gabilDegmadaasi, kaasoo uu sheegay in la siyaasadeeyay balse aanu isagu ka war hayn. Maayarka Gabilay waxa uu sheegay in aanay jirin Hool uu ka hor istaagay wasiirka isla markaana aanu wasiirkuna ku soo wargelin safarkiisa balse uu ka war helay uun markii uu wasiirku ugu soo galay Xafiiska.

Shucayb oo ka hadlaya dhacdadii shalay waxa uu yidhi “Aniga nidaam ahaan wasaaradda Arrim aha gudaha ayaanu wada shaqayn leenahay wasiir marka uu Deegaankiisa tagayana Dawlad b aynu nahaye waa inuu isa soo sheegaa oo uu yidhaahdaa waan imanayaa haddii kale waad ga anaysaan oo qabyo qabyo ayay arrintu u dhacaysaa”

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay in uu la safan yahay masuuliyiin ay iska soo horjee daan wasiirka oo ka tirsan Golaha Wasiiradda waxa uu yidhi “Wasaarada arrimaha gudaha aya anu xidhiidh leenahay oo wada shaqayni naga dhaxaysaa taasi waa shaqada, ta kale, cidaan doonana xidhiidh waan la yeelan karaa, oo bini’aadam baan ahay waxa muhiim ah uun in la igula xisaabtamo wax qabadkayga.” Ayuu raaciyay Maayarku

Isagoo sii faahfaahinaya jawaabta su’aal ahayd sababta uu uga xidhay Hoolka wasiirka waxa uu ku jawaabay “Kamaan war hayn safarka wasiirka inankii hoolka hayayna hargeysa ayuu arrin caafimaad u joogay, haddii la ii soo sheegi lahaa inanku muu tageen, haddii wasiirku ii soo sheegi lahaana waan u diyaarin lahaa, laakiin siadaan sheegay waxaan ku war helay uun isagoo soo galay xafiiska” ayuu yidhi

Isagoo ka hadlaya safarka wasiirka waxa uu yidhi “Wasiirka deegaankiisa imanayaa xaq buu u leeyahay inuu deegaankiisa yimaado, in la soo dhaweeyana xaq buu u leeyahay, laakiin wasiirku marka uu imanayo waa inuu ku soo wargeliyaa, waayo dawlad baynu nahay, arrintana in la siyaa sadeeyo maaha, waxay ku sinayd uun inuu isoo wargeliyo.” Ayuu kaga baxay

 


Timacade News Desk
Gabiley,Somalilad