Maayarka Gabiley Marwo Khadra X.Gaydh Haweenay Tusaale u ah Waxqabka Dumarka Somaliland.

 



Maayarka Gabiley Marwo Khadra X.Ismaaciil Yoonis oo ah Haweenaydii ugu horaysay ee Somaliland Maayar ka noqo ta ama ka mid noqota Golayaasha Deegaanka Somaliland waxay mudo kooban haysay Xilka Duqa Gabiley Waxaanay Door wayn ka qaadatay Horumarka Gobolka Gabiley gaar ahaan Bilcda Magaalada iyo jidadka dhex mara Badhtamaha Magaalada Gabiley ilaa Dugsiga Sare ee Qalax iyo dib u dhiska Xafiisyada Dawlada oo Duugoobay tan iyo lixdankiina aan wax Dib u habayn ah lagu samaynin.

Marwo Khadra X.Ismaaciil Yoonis waxay soo noolaysay Hamigii iyo Hawlihii Dhalinyarada Jecel Akhriska iyo Qoraalka, Waxay Garab istaagtay Jidka kasta oo Horumar ay ku Gaadhi karaan Da,yarta soo koraysa, sida Dardar galinta Makt abadaha iyo Naadiyada Akhriska.dhiiri galinta Dhalinyaradu waxay Xoojisaa isku Xidhka iyo Wax wada Qabsiga Bulsh ada iyo Maamulka taasi oo ay Door fiican ka ciyaartay.

Maayarka Magaalo Madaxda Gobolka Gabiley Marwo Khadra X.gaydh Waxay Tusaale u tahay Haweenka Somaliland, hirgalinta Hanaanka Maamul iyo Horumarka ay Ka samayso Degmadu Waxa uu Hiigsi u yahay Mustaqbalka Siyaasad eed ee Haweenka Somaliland, taasi oo Noqon karta mid lagaga daydo Mustaqbalka danbe.

Qaar ka mid ah Madax dhaqameedka Gabiley oo ka Hadlay Xafladii loo Sameeyay Waftigii Madaxwayne Siilaanyo ee dhawaan kormeerka ku tagay gabiley ayaa ka marag kacay Waxqabadka Maayarka Mudadii koobnayd ee ay xilka ha ysay taasi oo ay tilmaameen inay soo dhawaynayaan, ku dayashona ay mudantahay.

Dadwaynaha ku Dhaqan Gabiley ayaa Dareeno kala duwan ka Bixiyay Maayarnimada Haweenayda Gabiley loo Magac aabay, kuwaasi oo ku kala Aragtiyo duwanaa Hanashada Xilka loo igmaday, halka qaar ka mid ah Bulshadu ka Cabsi qabeen doorka ay ku yeelan karto Hawlaha Degmada maadaama oo Dumarku aanay qaban Karin hawlo badan oo Ra ggu qaban karaan. Balse Arintaasi waxaa meesha ka saaray Dardarta Cusub ee ay ku bilawday Hawlihii qabyada ahaa ee Horyaalay Maamulkeeda

Maamul kasta oo Xil qabtaa waxa uu Reebaa laba Arimood oo Xusuus Mudan kuwaasi oo kala ah mid Reeba Taariikh Madaw oo Dib udhac ku keenta Bulshada iyo mid Reebta Raad Wanaagsan oo Diiwaanka Taariikhda Danbe lagu xuso tusaale-na u noqda Cid kasta oo uga Danbaysa Maamulkiisa

Masuul kasta oo Dariiq Wanaagsan u jeexa Bulshadiisu waxa uu Mudanyahay in lagu Hambalyeeyo oo lagaga Daydo Jidka Toosan ee uu u jideeyay Bulshadiisa, waana mid ka mid ah Waajibaadka Saaran Masuul kasta illaahayna kala Xisaabtami doono.


Isku soo wada duuboo Waxaa jiray dhaliilo badan oo horyaalay Dumarka Somaliland in aanay qaban karin Hogaanka, hase ahaatee Waxaa isa soo taraya Tibaaxo sheegaya in Haweenku kaga Wanaagsanyihiin Ragga Maamulka Dawladaha Hoose iyo Maamuladda kale qaarkood, iyada oo Tusaale laga dhigan karo Waxqabadka Maayarka Gabiley oo Maanta ah Muraayada kaliya ee ay iska dhex daawan karaan Haween Waynaha Somaliland.

 

 

 

Mustafe Future
Hargeisa/Somaliland
mccfuture@hotmail.com