Maayarkii Hore Ee Wajaale Oo Ka Digey In  Argagixisadu Si Dhib Yar Uga Soo Talaabi Karto Xuduudka Haddii A an Maamulka Degmadu Xalin Khilaafka Dhexdooda Ka Aloosan


“Go’aanka Wajaale Waxa Lagu Soo Gaadhaa Gabiley, Gabiley Laftigeeduna Ogaal Badan Uma Laha Dhibta Taala Wajaale” Cumar Aadan Qaasaali, Maayarkii Hore Ee Wajaale

Hargeysa, November 17, 2009-(Timacade News)-Maayarkii hore ee degmada Wajaale, Cumar Aadan Qaasaali ayaa ka digay maamul xumada iyo khilaafka wakhtigan xaadirka ah ka aloosan degmada Wajaale in ay sababi karto in argagixisadu ka faa’iidaysato isla markaana ay si dhib yar uga soo gudbaan xuduudka, taas oo halis ku noqon karta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland.

Maayarka hore waxa kale oo uu ka hadlay faro gelinta maamulka Wajaale kaga timaada dawlada dhexe iyo badhasaabka Gabiley inay gundhig u yihiin khilaafka hadda ka taagan giraanta maamulka ee degmada Wajaale. Kuwaas oo uu ku sheegay in khilaafkoodu uu cirka isku shareeray toddobadkii u dambeeyay, iyada oo uu ku tilmaamay in arrintoodu marayso weerar iyo weerar celin iska daa ummad loo shaqeeyo’e, isagoo intaa ku daray in haddii maamulka Wajaale uu madax banaani waayo in aan maamulku marnaba toosi  ka rin.

Maayarkii hore ee Wajaale, Cumar Aadan Qaasaali, waxa uu sidaa ku sheegay mar uu  xa lay wargeyska Haatuf khadka tilifoonka uu ugu xog-waramayay isagoo jooga Hargeysa. Arrimahaasi isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi “ Wajaale waa goob xasaasi ah  mudda dii aan joogay waxaan ogaaday inay tahay meel u nugul mudaharaadyada markaa haddii la waayo qof degan oo maamul ah oo isku wada bulshadii oo gacanta ku wada haya  buls hadii iyo maamulkiiba la tashigana u badiya odayaasha, taa haddii la waayo waxa meesha kasoo baxaya in dadkii gacmaha ay ka baxaan mar haddii meeshiina tahay goob xuduud ku taala, taasi waxay keenaysaa in ama mudaharaado iska yimaadaan ama dad si xun wax u turjumayaa ay nidaamka dawliga ah ka hor yimaadaan siddii maalmihii dhoweyd dhacday oo kale, markaa labada mushkiladood ee ugu badani waxa weeyaan, dawlada hoose shaqaaleheeda gacan ku hayntooda iyo ta shacbiga. Hadda dhibtan cusub ee  sha qaalaha gudihiisa iyo guddidii fulinta ka dhex bilaabantay waa mashaakil ka yimid guddida fulinta oo habkii hogaaminayd ee degenayd wayday taasina waxay luminaysaa  horumar kii bulshadu ay gaadhi lahayd ama dhaqaale lagu soo saari lahaa, anigu waxaan soo  jeed in lahaa laba arrimood, marka koowaad waa in qofka maamulka ahi gacanta ku hayaa  bul shada oo uu la tashi badan iyaga la sameeyaa, ta labaad waa in shaqaalaha hab  qabyaal ad eed aan loo kala dhoweysan ee ay noqdaan mid sharci nidaamsan lagu wado, balse haddii nidaam reereed lagu wado waxay noqonaysaa nidaam daneysi ah, taasina waa ta maanta dhibaatada ka keentay Wajaale, maamulkii ayaa kala jiidanaya shaqaalihii, halkaa na waxa ku lumaya dakhligii dawlada kaddibna ay bilaabanto in dakhligii la lunsado”.

S : Magaalada Wajaale waxay ku taalaa goob xasaasi ah iyadoo uu maro xuduudka kala qaybiya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana aan lahayn ciidan adag oo ilaaliya xuduudka, mar haddii ay maamulkii iyaga dhexdoodii is haystaan, maxaa halkaa ka dhalan kara?

J : waxa kasoo baxaya kala daadasho laba dhinac ah, nidaamka fulineed ee magaaladu inuu kala daato, taasi markay dhacdo waxa soo baxaya in shacbiga iyo dawladu kala fogaadaan, waayo imika waxa Wajaale ka bilaabmay qalalaase cusub iyo weji cusub oo keenaya in maamulkii dadkii shaqaalaha ee ay gacanta ku hayeen ay gacantii maamulka ka baxaan, taana waxa ku xigta in shacbigii la maamulayay ee eeganayay karaamada maamulka ayaa meesha ka baxaya, ilayn karaamadii maamulka ayaa dhaawacntaye, taasi waxay keenaysaa in goob xuduudeedkii uu heli waayo nidaam nabadgelyo oo adag oo gacanta lagu wada hayo, markaa dhibaatada soo socota taas baan u arkayaa.

S : argagixisadu meelaha ay dalka kasoo galaan waxa ka mid ah xudduudaha, Wajaalena waa goob xuduud ku taala, markaa xiligii aad joogtay khibrada kaaga korodhay maxay tahay, saameyn intee le’eg bay argagixisadu ku yeelan kartaa khilaafka maamul?

J : Wajaale, waa goob xuduud ah oo laba dal looga kala gudbayo, khibrad ahaan haddii la waayo wada shaqeyn ka dhaxeysa Somaliland iyo Itoobiya oo kalfadhiyada aanu yeelan jirnay ay ahayd 15 kii cishaba hal mar aanu kulano laguna kala war qaadan jiray hadba wixii jira iyo wixii magaalada ku soo kordha, imika wada tashigii labada dhinac “Itoobiya iyo Somaliland” ayaan jirin oo kala go’aa ayaa wax badani ka iman karaan, waxaan maqlay in aniga kaddib uu hal shir oo kali ahi dhacay oo wada tashi ah, muddo laba bilood ah oo aan kasoo maqnaa, markaa taa lafteedu waa gaab, waa goob banaanaatay, mudadii aan joogay dhowr jeer baanu qabanay dad argagixiso ahaa, meeshu waa magaalo qudha oo laba dal kala ah, inkastoo labada taliye ee Imigrationka iyo Boolisku ay yihiin rag khibrad badan leh, dedaal badan leh, hadana waxan is leeyahay gaabkaasi waa mid banaan oo halisteeda leh.

S : waxa la sheegayaa in maamulka Wajaale ka jira wakhtigan xaadirka ah inuu ku kala xidhan yahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo Madaxweyne Riyaale oo aanay maamulku dhinac u wada socon, arrintaa maxaa ka jira?

J : kolley dalku maamul keli ah buu leeyahay, kaas baana lagu wada xidhan yahay, laakiin waxa lagu kala duwan yahay, waxa meesha ka maqan hogaamintii maamul, haddii ay dhacdo in maamulku meelo ku kala xidhmo dhibaatadu waxay ku dhaceysaa shacbigii magaalada.

S : dadka reer Wajaale waxay ku doodaan in mar kasta maamul dusha lagaga keeno oo aan iyaga waxba laga weydiin, taasina ay dhibaato ku keento magaalada, sidee baad u aragtaa adigu arrintaasi?

J : kolley dadku arrintaa xasaasiyad bay ka qabaan, laakiin dhibaatada jirtaa waxa weeyaan, qofka maamulka loo dhiibayo laf ahaantiisa dhowrkii shay ee lagu xulan lahaa meesha way ka maqan yihiin, marka ugu horeysa qofku waa inuu maskax ahaan iyo jidh ahaanba u caafimaad qabo si uu xil u qaado, anigu waxan aaminsanahay marka wax la magacaabayo in aan laga fiirsan arrintaa, waa in la eegaa qofka dulqaadkiisa, kartidiisa iyo maskaxdiisa, waayo Wajaale dhowrkii mudaharaad ee ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka kamay dhicin, oo waa tii Eyda loo galiyay calankii UDUB taasina ay boog balaadhan ku noqotay xisbigii, laakiin muhiimadu waa in qofka magaalada maamulkeeda hayaa uu dadka kaantaroolo oo xasaasiyada dejiyo. Go’aanka Wajaale badanaa waxa laga sameeyaa Gabiley, Gabiley laftigeeduna ogaal badan uma laha dhaqaale ahaan iyo dhibta taala Wajaale.

S : dadka qaarkood baa aaminsan in badhasaabka gobolka Gabiley uu yahay nin aan karti badan lahayn oo xalin kari waayay khilaafka soo kala dhex gala maamulka degmooyinka, taasi ma jirtaa?

J : haa, waayo doorkii uu badhasaabku ka ciyaari lahaa khilaafka jira wuu ka seexday, intii aan xilka ka tagay saddex jeer baa maamulka Wajaale isku dhaceen, mar keli ah go’aan qaadasho muu sameyn badhasaabku oo khilaafkii muu xalin, waxa loo baahan yahay in qofka badhasaabka noqonayaa uu noqdo mid aqoon u leh gobolka oo waayo aragnimadeedana leh.

S : beri dhoweyd macalimiinta Wajaale way mudaharaadeen iyagoo ka cabanayay in aan la siin guno ay dawlada hoose siin jirtay, maxaad adigu arrintaa kala socotay?

J : anigu markii aan joogay macalimiinta marka ay bishu dhamaato baan gunadooda siin jiray, waanu kabi jirnay, gacantii lagu hayn jiray ayay waayeen macalimiintu, ardayda dugsiyada sare ee Wajaale ma haystaan qalab waxbarasho oo ku filan iyadoo taasi jirto ayaa hadana maanta waxa maamulka Wajaale iyo ganacsatadu waxay lacag u ururiyeen jaamacad laga furay Gabiley, iyagii baan waxbarashadii aasaasiga ahayd haysane may horta Wajaale wax u qabtaan. Anigu waxan sameeyay guddi waxbarasho oo degmadu leedahay, waxan doonayay in miisaaniyad gaar ah aan u sameeyo waxbarashada degmada Wajaale.
 


Source:Haatuf