Maayerka Magaalada Berbera, oo Saxaafada uga Waramay Kulan Reer Saaxil Iyo Komishanku Ka yeesheen Hawlaha Diiwaangalinta

 


Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumada iyo golayaasha qaranka, wax-garad iyo hogaan dhaqameedyo ka soo jeeda gobolka Saaxil ayaa manta kulan xaruntooda kula yeeshay gudida doorashooyinka Somaliland.

Kulankan oo sida maayarka magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Cali (Cabdalla sandheere) sheegay ka koobnayd Wasiiro, cuqaal, wax-garad iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol ay ujeedadiisu ahayd sidii wixii arimo farsamo ee dhiman laysula eegi lahaa maadama oo hawsha diiwaan galintu ugu hor bilaabmayso gobolka Saaxil, oo isagu ah gobolka loogu hor bilaabayo diiwaan galinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka bishan 14-keeda.

Duqqa Magaalada Berber Mr. Cabdalle sandheere oo warbaahintu wax ka waydiisay kulankaas iyo ujeedadiisa iyo waliba waxyaabihii lagaga hadlayay iyo ugu danbayn natiijadiisi wixii layskula qaatay ayaa sheegay in uu ahaa kulan wixii farsamo ee ka dhiman dhinaca diiwaan galinta lagaga xaajoonayay, Maayerku waxa uu carabka ku dhuftay in dadkii kulanka ku wehelinayay ay ka mid ahaayeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ka soo jeeda Gobolka Saaxil, Cuqaal, Salaadiin iyo waxgarad kale.

Waxanu Maayerka Berbera hadalkiisa ku bilaabay “Halkan maanta waxaanu kula kulanay komishanka annaga oo ah, Wasiiro ka soo jeeda gobolka Saaxil. Maayarkii Berbera, Cuqaal, Salaadiin iyo waxgarad kale. Sidaad ogtihiinba Saaxil waa meesha ugu horaysa ee ay ka bilaabmayso diiwaangelintu. Markaa markaanu dib u fikirnay gobol ahaan hawlo badan oo dhinaca farsamada ah ayaa naga horyimi. Markaa saaka waxaanu halkan la nimi arrimo farsamo iyo cabashooyin aanu qabnay in aanu is-waafajino, oo ay ka mid ahayd maadaama oo magaalada Xagaa ay iminka tahay, dad badana ka baxeen oo dadkiina gobolkii ka wada maqan yihiin, in hadii ay suurto-galayso wakhtiga la qabanayo dib naloogu yara dhigo ama naloo kordhiyo.” Ayuu yidhi.

Md. Cabdale waxa uu xusay in diiwaan-gelintu si rasmi ah uga bilaabmayso gobolka Saaxil wakhtigii loogu talo-galay oo ku beegan 14-ka bishan aynu ku jirno. Balse ay isla saxayeen Komishanka sidii laysu waafajin lahaa dadka gobolka Xagaagan ka maqan ee la rabo in la diiwaan-geliyo, kuwaasoo dhamaadka Xagaaga dib ugu soo laabta, isaga oo arrinta hadlaayana waxa uu yidhi: “Iyada midi shaki kuma jiro go’aan hore oo la gaadhay ayay ahayd oo 14 ka ayay ka bilaabmaysaa diiwaan-gelintu gobolka. Laakiinse, bal siday suuro gal u noqonayso inaanu is-waafajino. dadkii oo iminka gobolka ka maqan oo iminka Xagaagii dib uga soo noqonaya oo iyaga laftooda in wakhti la siiyo ay tahay siday suurto-gal u noqonayso.

Run ahaantii si fiican bay komishanku noo qaabileen oo sharaf leh oo aanu isku qaabilay, waxna islamaanu diidin. Waxaanaan filayaa wax walba inay sidii hore loogu talo-galay u dhamaanayaan. Run ahaantii 14ka ayay ka bilaabmaysaa taasi muran ma laha. Xagaaga ayaanu ka yara cabanaynay oo gobolka dalku ka maqan yihiin.

Sidaan kuu sheegay 14ka ayay ka bilaabmaysaa, wakhtigii loogu talo galay ayay dhacaysaa arrimo farsamo weeye Xagaaga iyo waxyaalaha kale ee aan kuu sheegayaa. Waxaan isku diidanahayna ma jirto, ee bal sidii ay suurto-gal u noqon lahayd weeye waxaan isula nimi, iyaguna way nala qaateen, wax dhibaato ahina ma jiraan oo aan kuu sheegayaa, hawshaasina way bilaabmaysaa.

 

 

 


Source:Harowo