Maayirka Magaalada Gabiley oo Kullan la Yeeshay Maayarka D egmada Hardenberg ee Dalka Netherland iyo Waji Cusub oo Ufurmay Xidhiidhka Labada Degmo.+SAWIRO





Hardenberg (TNN):- Duqa Degmada Gabiley ayaa Maanta kullan kula yeeshay Dawlada Hoose ee Hardenber g Maayarka Degmada Hardenberg ee Dalka Netherland Peter Snijders .

Kullanka labada Maayar ayaa waxaa ku Wehelinayay laba Xubnood oo ka mid ah Madaxda Ururka Ogaal iyo Jaalliyada Somaliland ee Gobolkaasi kuwaasi oo kala ahaa Mudane Ismaaciil Maxamuud (Bood-bood) iyo Sah ra Waraabe oo iyagu ka Shaqeeyay Xidhiidhka Maayarada labada Degmo ee Gabiley iyo Hardenberg.

Maayarka Degmada Hardenberg ee Dalka Netherland Peter Snijders ayaa soo Dhaweeyay Maayarka Gabiley isla markaana usharaxay Hawlaha Shaqo ee ka socday Dawlada Hoose ee Degmadiisa iyo Qaabka ay ushaqeeyaan Golaha Deegaanka Degmada Hardenberg.

Mr Peter Snijders ayaa Maayarka tusay Goobaha ay shaqada Dawalada Hoose ka socoto, Hoolalka Shirarka Golaha deegaanka laga Qabto iyo Waxyaabaha ugu Muhiimsan ee Suurto galiya Shaqada Dawlada hoose , sidoo kale waxa uu Tusay Sawir Gacmeedo muujiya Waxyaabaha Taariikhiga ah iyo Sawirada Boqorada Dalka Netherland oo lagu Sameeyay Sawir gacmeed laguna Dhajiyay Madasha Shirka Golaha lagu Qabto.

Maayar Peter Snijders ayaa sidoo kale waxa uu Maayarka Tusay Qaabka ay Dhalashooyinka iyo sharciyada ubixiyaan, Waxaa kale oo uu Maayarka u faahfaahiyay in Bixinta Jinsiyadaha iyo Sharciyada Dhalashadaba dawlada Hoose gacanta ku hayso isla markaana Xafiisyo gaar ahi ka Shaqeeyaan Arintaasi.

Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse oo isagauna Halkaasi ka hadlay ayaa Maayarka Degmada Hardenberg uga Mahadnaqay soo dhawaynta uu ufidiyay iyo Wajiga Cusub ee u Furmay labada Degmo oo uu sheegay inay isaga Farxad gaar ah utahay Gacmo furanna ku soo Dhawaynayo Xidhiidhka ubilaabmay.

Maayar Shucayb ayaa uga Warbixiyay Guud ahaan Qaabka ay ushaqeeyaan Dawladaha Hoose ee Degmooyinka Somaliland iyo Golayaasha Deegaanka Dalka kuwaasi oo uu sheegay in ay Dadku soo doorteen isla makraana Golaha Dhexdiisa laga Doorto Gudoomiyaha iyo ku Xigeenkiisa.

Maayar Shucayb ayaa Sheegay in uu Safarkiisan ku yimi Casuumad uu ka helay isaga iyo afar maayar oo kale Maayarka Degmada Turku ee Wadanka Finland halkaasi oo uu sheegay inay kusoo qaataan Casharo ku Saabsan Maamul Daadajinta iyo Qaabka Dawladaha Hoose u Shaqeeyaan, Waxa kale oo uu intaasi ku Daray in Maayar Peter Snijders uu ku Casuumi Doono Somaliland isla markaana uu Booqasho ku iman doono Dhawaan Degmooyinka Somaliland Gaar ahaana Degmada Gabiley oo uu Sheegay inay iska matalaan Gobolka dhinaca Wax soo saarka Beeraha iyo Xoolaha oo Degmadani hodan ku tahay.

Maayarka Degmada Hardenberg ayaa isagu ka Aqbalay maayarka Gabiley Casuumada uu ufidiyay isaga oo Sheegay in aanu Waligii Tagin Wadan ka Tirsan Qaarada Afrika balse Somaliland noqon doonto Wadankii ugu horeeyay ee uu booqasho ku tago isaga oo tixgalinaya Casuumada uu ka helay Maayarka Gabiley.

Ugu Danbeyntii Labada Maayar ayaa iswaydaarsadeen Macluumaad iyo Buugaagta Waxqabadka Degmooyinkooda sharaxaya, waxaanay ku Ballameen in ay kullankooda Danbe kuwada Qaadan Doonaan Somaliland oo ay soo mari doonaan Degmooyinka Dalka intooda badan.


Mustafe Future

Rotterdam/Netherland