Machadka Salaama oo Dufcadii Labaad ay Maanta Ka qallin jabiso


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Maamulka Machadka gaarka loo  leyah ay ee Al Salaama ayaa Saaka Xaflad balaadhan oo ay ku qabteen Huteel Maansoor ee Caasimada Hargeysa waxa ay Shahaadooyin ku  guddoonsiiy een Arday ay tiradoodu ahayd 9834 oo ka kala qallin jabiyay duruus kala duwan oo kala ah: Luuqada Ingiriisida, Carabiga, Barashada Cilmiga  Koombu yuutarka iyo Waxbarashada Dugsiga hoose oo ay Ardaydu wax ku baran jireen Luuqada Carabiga.

Xafladan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe, Guddoom iye ku xigeenka Koowaad eeXisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye Mujaahid Mu use Biixi Cabdi, Maamulka Machadka, Macalimiinta, Ardaydii Qallin jabisay, Waalidka Ardaydaasi iyo Marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

Maamulaha Machadka Maxamed Muuse Ciise, oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Maraaxilkii kala duwanaa ee Muchadku soo maro tan iyo waqtigii la aas aasay. Waxaanau ka sheekeeyay habsami u socodka Hawlaha  Waxbar asho ee Macahadka. Waxa uu sheegay Maamuluhu In ardayda Maanta qalin jabisay ay ahaayeen 60% Wiilal ahaayeen, 40% ay gabdho yihiin.

Maamuluhu waxa uu u rajeeyay Ardaydaasi maanta qalin jabisay Mustaqbal wanaagsan isaga oo u soo jeediyay in aanay waxbarashadooda halkaasi ku daynin.

Masuuliyiintii kala duwanaa ee iyaguna ka soo qayb galay Xaflada ayaa  iyag una hadalo kala duwan oo ay halkaasi ardayda uga jeediyeen kaga waramay qiimaha ay waxbarashadu leedahay. Waxaanay dhammaantood ardayda  ku la dardaarmeen in ay sii wataan Waxbarashadooda isla markaana ay iska jiraan waxyaabaha inta badan hor istaaga Waxbarashada oo ay ka mid tah ay Balwaduhu.

 


Mustafe Future

Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa Office