MACIISHADA S/LAND WAQTIGII UDUB IYO KAN KULMIYE RUNTU MA FANTAA (QAYBTII KOOWAAD)

 


Siciid Cabdi Dheen


Nolosha oo aad usii xumaanaysa dalka soomaliland rajaduna ku xidhan tahay maamulka dawlada oo wax ka qabta.Maamulkii hore ee uu hogaanka uu u hayay xisbigii loo awood sheegtay ee UDUB,ayaa waxa in badan lagu dhaleecayn jiray inay ahaayeen rag aan shacabka waxba u qaban oo had iyo goor ayagu da ntooda ka doorbida waxa kasta.

Waxa in badan lagu qaylinaayay in XISBIGA KULMIYE haduu talada qabto inuu dhaami doono maamulka XISBIGA UDUB.Maanta oo ay kulmiye taladii la wareegeeen dalkana ayagu ka taliyaan ayaa la  xaqiiqsad ay in maamulka kulmiye aanu marnaba ka fiicnayn kii hore ee UDUB.Siyaasi kasta oo yimaadana waxa la ga yaabaa inuu la mid yahay ka kahoreeya sababtoo ah marka hore waxay balan qaadaan waxyaabo badan inay wax ka qaban doonaan badiyaana waxay isticmaalaan kalmada [[isbedel ayaanu  samaynay naa ama isbedel doon iwm] lakiin waxba ma qabtaaan KURSIGA ayuunbaa KU JIMICSADAAN safarada marba meelbay tagaan.

Maceeshda ayaa qaali noqotay waxaana adkaaday nolol maalmeedkii gudaha S/LAND DHamaan cunada daruuriga ah ee dadku u baahan yahay sida BARIISKA , SONKORTA DAQIIQDA , SALIIDA ayaa qaali  noqd ay cirkana isku shareeray. Doolarka ayaa hoos u dhacay oo mar kaliya sariflayaashii hoos u dhigeen 150 kun ay hoos u rideen. Sarifka doolarka ayaa ahaa waqtigii maamulkiii hore EE UDUB wax ku dhaw ilaa 700 oo kun maanta oo kulmiye talada la wareegay waxa sarifku marayaa kaliya 500 oo kun waad arki kartaa sida mar kaliya hoos loogu riday doolarka ee maatada iyo danyarta aan loo tudhayn.

Waxa yaab ah in ganacsatada wax soo dajiya ay xidhiidh wacan ay la leeyihiin dawlada oo dekeda Berbe ra si jaban oo rakhiisa wax loogu cashuuro, balse ayagu ay shacabka ku qaali GAREEYA raashinka iyo  ba gaashka kale ee ay soo dajiyaan. Majirto cid la hadlaysa ama xukun qabanaya oo u goynaaya sicir  macq uula oo dadka wax lagaga iibiyo.waa xaalku yahay [jaantaa rogan ] ninkastaaba halkuu doono ayuu la marayaa talada sicirka uu dooonana wax buu ku iibinayaa, dhibkuna wuxuu haystaa DANYARTA IYO  MA ATADA.

TALO KU AADAN DANYARTA

gnacastada oo la curyaamiyo waxna aan laga iibsan waa sida kaliya ee dhibkan looga bixi karo aan kuu faahfaahiyo sida aad ku curyaamin karto tusaale ahaan DAQIIQDA OO ah soo dajinta ugu badan waxa looga kaaftoomi karaa sidan

IIBSO CUNTADA DALKA KA BAXDA OO KA JABAN DAQIIQDA IYO BAASTADA DEBEDA LAGA KEENO HADHU UDHKA IYO ARABIKHADA oo labaduba dalka ka baxaaan waxa laga dhigan karaa daqiiq

1. ARABIKHIDA OO KALE WAXAY NOQONAYSAA [[[[[[[SHUURO]]]]]]
2. HADHUUDHKA AYAA ASAGANA LAGA DHIGAN KARAA [[[[[JABIS AMA KARIS AMA TUMAY]]]]]]
3. HADHUUDHKA WAXA KALOO LAGA DHIGAN KARAA MADAQO waxaana had iyo
jeer la siin jiray waqtiyadii hore dumarku markay umulaaaaan.

Waxa kaloo aynu haysanaa HILIBKII GEELA iyo HILIBKII ADHIGA ama kii LODA waxa waliba dheer caanihii oo sadexdaba laga helaayo. dhamaan khudaarta ayaa dalka kaaga baxda oo nooc kasta aad ka helaysaa
dalku waa hodan umana baahna RAASHINKA GANACSATADU SOO DAJIYAAN maxaad uga baahan tahay bariis iyo daqiiq AMA sonkor umadiiba macaan kawada qaaday adoo haysta waxaas oo nimco ah.
waxay ahayd in adiga lagu SHAXAADO oo barwaaqada aad dhex joogto aad umada wax ka siiso waxay nu nahay DAMEER MALAB LA SAARAY OON CUNI KARAYN.

sidoo kale wax kasta oo ganacsatudu soo dajiyaan ayaa lagu badalan karaa waxyaabaha dalka kaaga baxa waxa loo baahan yahay in dagaal wayn oo ka xidigaha ah lala galo MANAXAYAASHA  GANACSATA DA. dawlada ayada wax lagu samayn karo ayaaba iskayar oo haday xuntahay iyo haday wacan tahay waa iska haysnaynaa inta poliska tirada yari wadooyinka marmarayaan ee NABADA AY SUGAYAAN.
waayo hadaynu NABADA WAYNO wax kastaa waa inaga dumayaan [ markaa dawlad xumi dawlad la,aan ayay dhaantaa]

MAAMULKII HORANA WAA DHALEECAYSANAA KANA UGAMA RAYN

Shacabku hadaanu is habayn oo aanu asagu go,aan yeelan cid wax taraysaa ma jirto miskiinka gidaarka fadhiya ayaa wax la tari lahaa hadii laysu naxaayo . marka yaan ganacsatada loo noqon MASAAKIIN  G IDAAR FADHIDAAWaa in la tusaa in ay jiraan shacab talo leh oo aan aqbali karin sicir bararka baahay

WAXAAN HUBAA in raga raashinka AY soo dajiya iyo badeecadaha kale in ay inala baryi lahaayeen had aanu la galno DAGAALKA XIDIGAHA lana joojiyo in la iibsado dhamaan waxay soo dejiyaan ayagaa ayaa qasab ku jabin lahaaa raashinka. sariflayaashuna markaasay ayana quusan lahaayeen oo dadka ka dayn lahaayeen sarifka khiyaamada ku shaqeeya ee marna ay 150 kun hoos u dhigayaan marna marna 200 kun.

 



Qaybta labaad waa ascaarta raashinka waqtigii UDUB maamulka haysay iyo waqtigan KULMIYE.waa inoo todobaadka danbe iyo kulan wacan oo xiiso badan
 

wabilaahi tawfiiq

 

 

 

 

Siciid Cabdi Dheen
dheen@live.co.uk
London Uk