Madaarka
Burco oo Muddo Sannad u Xidhan Sababo aan la
Ogayn
Madaarka
caasimadda labaad ee Somaliland ee Burco, ayaa muddo san nad ku dhow
u xidhan sababo aan si cad loo ogayn oo lagaga xarrimay in wax
diyaarad ah ka degaan.
Diyaaradihii fadhiisan jiray madaarka Burco, ayaa loo wareejiyey
dhina ca magaalada Hargeysa, halkaas oo rakaabka reer Togdheer
lagaga soo guro basas, halka qaarkoodna iskood u raacaan gaadiidka
kirada ah.
Ma jirto cillad amma dhibaato ka jirta madaarka Burco oo sababtay in
aanay diyaaraduhu fadhiisan karin, haseyeeshee dadweynaha Burco ayaa
xukuumadda ku eedeeyay masuuliyadda xadhigga madaarka Bur co
oo ah caasimadda labaad ee dalka, maadaama laga joojiyey duullima
adyadii diyaaradaha.
Waxa kale oo dadweynaha Burco si weyn uga xumaaday, kuna
tilmaam ay masuuliyad-darro hadal dhowaan ka soo yeedhay wasiir
Waranca dde, laguna faafiyay saxaafadda, kaasoo uu ku sheegay in
dadweynaha reer Togdheer camiraan madaarkooda si diyaaraduhu u
tagaan, waxan a hadalkaas loo fasirtay in wasiirku tilmaamay
in aanay jirin rakaab reer Togdheer ah oo raaca diyaaradaha.
Aqoonyahan ka iyo waxgaradka reer Burco, ayaa sheegay in
xidhitaa nka madaarka Burco ka mid tahay arrimihii loo bandhigay
Madaxweyne Rayaale inuu wax ka qabto safarkiisii ugu dambeeyey Burco,
balse aan nu soo hadal-qaadin qorshahaas oo uu ka aamusay,
waxaanay waxgar a dkaasi ugu baaqeen xukuumadda in sida ugu
dhakhsaha badan u furt o nadaarka Burco, haddii kalena si
rasmi ah ugu dhawaaqdo inay xidhay.
Wasiirka duulista hawada Md. Cali Maxamed Warancadde ayaa
muddoo yinkii u horreysay ee uu xilka wasaaraddaas la wareegay
sheegay inuu madaarka Burco ku samayn doono dib-u-dhis iyo dayactir,
balse waxba ka hirgalin arrintaas.
Madaarka Burco waxa ka hawlgali jiray shaqaale gaadhaya ilaa lixdan
x ubnood, waxana diyaaraduhu soo caga dhigan jireen afar casho ugu
y a raan toddobaadkii, haddase wuxuu noqday goob carruurtu ku
ciyaaraan kubadda, laguna barto wadista gaadiidka.
Jamhuuriya Online
|