Madax banaanida Saxaafadda Qalad Baa Laga Fahmay
Waxaan ahay marka u horaysa shakhsi si weynna u
taageersan xoryadda hadalka iyo xaqa saxafiga tababaran
ee ixtiraamaya micnaha ay leedahay saxaafaddu. Waxaa
baryahan caado noqotay in si xu n loo isticmaalo
mihnaddii saxaafadeed oo qof kasta oo af Somali qori
karaaba isku sheegay saaxafi xadkii saxaafadi lahaydna
noqday saxaafaday magacaa ba’.
Saxaafaddu waa maaddad la barto oo leh waajibaad, asluub
iyo anshax la raaco oo khasab ah. Saxaa faddu waxay
leedahay nidaam iyo xuduud aanu saxafigu ka bixi karin
kuna xad gudbi karin cidd a ama nawduuca uu wax ka qorayo
isla mar ahaantaasna qofka saxafiga ahna aan lagu xad
gudbi Karin. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed waxaa ka
reebban xeer ahaaan af lagaadada qaawan ee baryaha n
dambe ka badatay websiteyada reer Somaliland ama
Joornaalada dalka ka soo baxa ee si xishmad la’aan ah
ugu aflagaadooda qof mas’uul ah amaba mararka qaar beel
ama gobol.
Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed xeer ahaan
waxaa ka reebban mala awaalka iyo wararka aan jirin ama
aaan la hubin ee la tabiyo. Anshaxa iyo asluubta
saxaafadeed waxaa ka reeban in xogta (sirta) qaranka,ama
wax kasta oo nabad galyada dalka waxyeello gaadhsiin kara
in laga baahiyo war baahin ta. Anshaxa iyo asluubta
saxaafadeed waxaa ka reebban in loo adeegsado shakhsi ku
xumee,beel ku xumee amaba hub ahaan loo isticmaalo
mihnaddii saxaafadeed. Anshaxa iyo asluubta saxaafadeed
w axaa ka reebban in mujtamaca la majara habaabiyo oo
ra’yi ama faallo qof sheeganaya saxafi uu qor ay inuu
shacabka uga dhigo ama ugu turjumo war jira oo ah xaalad
taagan.
Saxaaddada xorta ah hadaba macnaheedu ma aha aan ku
caayo, aan been kaa soo qoro sidaan u doono, aan dar
jiidho, aan xogta dalka cadowga u soo bandhigo,
saxaafadda xorta waxay tahay in lagu dhaqmo xuduudda ay
saxaafaddu leedahay ee mihnad ahaan waajibtay in la
raaco. Saaxaafadda waxaa saran mid ka culus
mas’uuliyadda saran xukuumadda dalka ka talisa oo ah in
umadda ay u soo bandhigaan war sugan oo ku salaysan run
iyo xaqiiq sumadna leh oo la hayo raadkeedii iyo halkii
laga soo helay warkaas, balse aan ahayn ku tidhi ku teen
iyo saxaafaddu waa xoreh qor waxaad rabto oo car yaan
qalinku ku ciilin Ilayn saxaafaddu waa xore.
Saxaafaddu waxay hiil iyo hooba ka helayaan shacabka ay
warka u baahiyaan marka ay xukuumaddu ku tacadido iyaga
aan ka leexan xuduuddii anshaxa saxaafadeed ee waajibku
ka saarna. Hadal iyo gunaanad waxaan saxaafadda kula
dardaarmayaa inay dhawraan anshaxa iyo asluubta
saxaafadeed ogaadaanna inay mas’uuliyaddi ka
saarantahay umadda inay war xaqiiq ah u soo bandhigaan .
Barkhad Axmed Ismaciil
Jamestown, Newyork |
|